Xukun
Shaafici Xasan Maxamed
-8/2/2004
S u’aaluhu waa waxa ugu daran oo dadka isku dira, waxaana taas sabab u ah in ay jawaabo u baahan yihiin. Dadka keligood in ay taliyaan jeceli waxay dadka baraan in ay su’aalaha badani xun yihiin, oo waxay rabaan in hadafkooda keli ah loo maleeyo in uu xaq yahay, taasina waa khiyaano ay dad gaar ahi rabaan in ay mulkiyaan dadka intooda kale oo ay ka dhigtaan xoolo ay ayagu leeyihiin.
Wadaaddadii hore qaarkood waxay dabeecadda noocaan ah gaarsiiyeen heer aad u sarreeya, oo waxayba allifeen xaddiisyo ay ku been-abuureen mudane nebi Maxamed, waxaana xaddiisyada beenta ah ka mid ah mid sheegaya in su’aalaha badan lagu halaagsamo! Waa been nebiga laga sameeyey, oo ay allifeen dad aan isku kalsoonayn oo aan karti u lahayn in ay dadka ka qanciyaan su’aalaha maskaxaha kala duwan ku wareegaya.
Waxaa la wada og yahay in uu nebigu isku kalsoonaa, oo uusan u baahnayn in uu dadka cabburiyo, laakiin waxaa hadal aan ka suurtoobin ka sameeyey kuwo haawey ahaa oo rabey in aan ujeeddadooda laga dabo hadlin, oo ay dadku weligood iyo weligood ugu xeraysnaadaan moorada saboolnimada iyo maangaabnimada.
Qoraalkaani aad buu u gaaban yahay, wuxuuna ku saabsan yahay in su’aalo badan loo baahan yahay si looga baxo in qof gaar ah loo maleeyo in uu xaq aysan dadku la ogayn ku taagan yahay, oo ay dadku ka liitaan xoolo uu qof leeyahay. Ereyada qoraalku waxay ka nixinayaan qofkii aan ku kalsoonayn naftiisa ee been loo dhiibey ku kalsoon iyo qofkii dadka sira.
Kuwa kharriban oo xukunka u qooqan haddii la weydiiyo ”Maxaad xukunka ku falaysaan?” waxaa hubaal ah in ay xoogaa xanaaqayaan, oo ay qalbiyada ku qarsanayaan ”Waxaannu rabnaa in nala qaddariyo!”. Qaddarin maxaa la dhahaa? Oo yaa la qaddariyey? Madaxdii ayaga ka horraysey maanta qoraal kasta iyo maxfal walba waxaa ku xusan cay laga daba dirayo ayaga oo qabriyadooda ku sugaya naartii Jahannama oo laga dayrinayey, taas oo ay ku mudan doonaan metelan dadkii ay laayeen iyo guryihii iyo baraagihii ay dumiyeen.
Su’aasha labaad waa ”Maxay ku taraysaa in lagu qaddariyo?”. Bal su’aalaha badi. Haddii aan qofka la qaddarin muxuu waayayaa? Dadku in ay ku yaqaanniin ama ku ay jecel yihiin oo ay ku hadalhayaan maxay ku taraysaa? Ka soo qaad haddii ay 10 malyan ku bartaan oo ay maalin bannaanka isugu soo baxaan ayaga oo cagocad oo kuu heesaya maxaad heshay oo aadan awal hesheen? Wax aan la sheegi karin oo la fahmi karin miyuu qofku dareemayaa, oo waxaa asaga ku jira danac aan la fasiri karin nuxurka lagu gaarayo? Qofka magaciisa dadka yaqaani in ay 10 ruux yihiin iyo in ay 10 malyan yihiin maxay ku kala duwan tahay? Ugu danbayn muxuu qofku helayaa? Caqli iyo cilmi midna uma uu badanayo! Wax jawaab ah uma uu hayo in uu faa’iido helay! Haddii ay faa’iido meesha ku jirto ha la sheego! Haddii la sheegi waayo ha la shaqaysto oo yaan dadka la dhibin.
Haddii ay meesha dano dhaqaale ku jiraan oo uu qofku rabo in uu helo awood uu xoolo ku helo waa la ogaanayaa in uu maalkii dadka u dhexeeyey gaar u qaatay! Xaggee buu xoolaha ku isticmaalayaa markii ay dadku xanaaqaan oo la islaayo? Muxuu qofku ku diiddan yahay in uu iska nasto oo aysan dadku magaciisa iyo muuqaalkiisa ka fakarin, oo uu ku noolaado xoolo aysan dadku la wadaagin? Sida uu u fakarayaa jawaabo badan bay u baahan tahay.
Dhadhanka ”dhanaan” haddii laga sheekaysto waxaa la isula fahmaa in la isla dareemay, laakiin qofkii uusan dhanaanku u dhadhami karin sow in la qanciyo ma aha? Qofka xukunka ku ordaa in uu nacas yahay wax shaki ahi kuma ay jiraan, nacasna waxaa ah qofkii aan su’aalaha badan jeclayn, oo aan waxa uu rabo jawaabo u hayn. Qofkii aan su’aalaha badan jeclayni nacas keli ah ma uu aha ee waa fuley. Xukun! Xukun! Maxaad helaysaa?
Midkaas nacaska ah haddii aan intaas uga baxno waxaa ka sii liita qabiilkiisa! Maxay helayaan haddii uu mid qoladooda ahi ”xukun” ku ordo? Dadka kale ayaa ayaga necbaanaya! Asaga iyo ayaga midna waxba ma uu helayo. Eed aysan gelin iyo mid ay galeen baa suuqa loo gelinayaa, waxaana eedoobayaa qof aan eed lahayn.
Waxaynu ku soo koobaynaa sida ugu fiican. Sida ugu fiicani waa in ay bulshada wax u kala socdaan. Boolis daacad ah oo aqoon leh, hay’ad caymis, hay’ad canshuuraha qaadda iyo hay’ado kale oo si sharciyaysan u shaqeeya. Waxaa kuu fiican in madaxda hay’adaha iyo madaxda dalka uusan midka qabiilkaaga ahayn si aan laguugu tuhmin in laguu eexday, oo aad xaqaaga heshid adiga oo aan lagaa shakiyin. In aad wax aadan aqoon ku oroddid waxaa kaaga fiican in wax aad taqaannid aad jeclaatid. Waxa aad taqaan waa nabad, shaqo, caddaalad iyo hay’ado danahaaga u taagan. Maxaad ku falaysaa in aad xukun ku oroddid? Maxaad ku falaysaa in uu qof qabiilkaaga ahi jago hayo? Haddii uu jago hayo maxaad dareemaysaa? Waxba kama ay jiraan waxa aad dareemaysid! Waa been, laakiin shaqada iyo caddaaladdu waa run.
Su’aal kasta su’aal kale ku xiji oo raadi jawaab aan nacasnimo ahayn oo xukun ku saabsan. Qof kasta oo in uu dad xukumo ku ordaa waa nacas aan nolosha fahmin! Xataa haddii uu yiraahdo Rabbi baa i soo diray waa nacas! Imisa shaqo oo xukun ka fiican baa adduunka ka jirta? Maxaa shaqooyinka midda ugu liidata ku salladay haddii uusan caaq ahayn? Bulshoba midda ay ka wacyi liidato waxaa ku sii bata kuwa xukunka jecel!
Shaqo iyo caddaalad waxaa ka sii fiican in uu qofku ka fogaado in uu caan noqdo. Waxa ugu xun oo uu qof noqdaa waa ”caannimo”! Haddii uu nacas yahay wuxuu moodaa in ay caannimadu khayr leedahay, laakiin haddii uusan jaahil ahayn wuxuu ku raaxaystaa in aysan cidina ogayn in uu jiro. Sawirkaaga in uu qof kastaa arkay waa musiibo, waxaase ka sii xun in magacaaga ay yaqaanniin dad aadan adigu aqoon. In aad noolaatid bay dadku kuu diidayaan haddii ay ogaadaan in aad jirtid. Haddii uu qof magacaaga maqlay ammaan kuula yimaado hadalka ku xumee! Tus in uu kugu soo qaldamay si uu shaqo u raadsado, hana ku farxin in ay dadku ku ammaanaan! Uma aad baahnid ammaan haddii aad shaqo heshid. Ogow baahidaadu waa in aan lagaa eexan laguuna eexan iyo in aad shaqaysid, ee ma aha in hoteel aad huruddid ay kugu soo booqdaan dhawr qof oo nacasyo ahi ama dad aan fakarayni kugu salliyaan. Adigu shaqo ha noqon ee shaqee! Madaxweyne ha isu soo sharraxin ee shaqo ka fiican raadi! Shaqo waxaa ugu xun midda qofkii haya la waardiyeeyo. Markii aad dhalatay waardiye kulama uu socon ee adigu naftaada ciriir ha gelin!
Xukun! Xukun! Ha na xukumin! Haddii aad madax tahay waxaannu isku deyaynaa in aannaan magacaaga xasuusan ee aannu shaqaysanno.