Wadaado ma qori karaan dastuurka Soomaaliya?
Shaafici Xasan Maxamed
-1/31/2018
-
eerka qaranka Soomaaliya waxaa dejintiisa lagu daray wadaaddo, waana arrin foolxumo ah in ay wadaaddadu ka soo baxeen masaajidda iyo mawlacyada oo ay faraha ku la jiraan arrimaha dowladda. Wadaaddadu waxa ay samayn jireen in ay Quraan, Mawliid iyo Burde dadka jiran ku akhriyaan, in ay wardiyaan, in ay naagtii loo la yimaado meheriyaan iyo in ay awliyada ku digriyaan, nebigana ku salliyaan.
Maxay ka garanayaan dastuur iyo xeer qaran? Run ahaantii Quraanka, Mawliiidka, Burdaha iyo Munaaqibka ku ma qorna wax dastuur ah oo ummada lagu xukumi karo, ee waxaa ku qoran madaddaalo Eebbe loogu dhawaado oo qofkii akhriyaa uu ajar iyo xasanaad xagga Rabbi ka quuddarrayn karo.
Wadaad maskaxdiis wax dastuur iyo xeer ahi ku ma jiraan! Wadaaddadii hore si nabadgelyo ah oo aan fawdo ahayn bay Eebbe iyo awliyada ugu digriyi jireen, waxaana lagu sadaqaysan jirey cunto iyo wax uun xoolo ah, wadaaddada danbena kuwii hore aqoon ku ma dhaamaan ee waxa ay kaga duwan yihiin damac ay Quraanka iyo xaddiiska ku raadinayaan xukun. Haddii dalka loo daayo in ay xukumaan iyaga ayaa islayn lahaa, shacabkana waa ay layn lahaayeen.
Kuwaas Wahaabiyada ah oo xaddiiska la yaacaya waa uu ku yar yahay mid aqoon
yar leh oo waa jaahiliin indho xiran. Dabcan Quraanka iyo xaddiisku cilmi ma
aha ee waa akhbaaraad carab sabanu jaahili joogtey laga soo waaridey oo la
rumeeyo si ajar qarsoodi ah xagga Rabbi loogaga rajeeyo. Waxyaalo ajar iyo
xasanaad in naasaha Eebbe lagaga maalo loo qorsheeyey bay dastuurka ku
walaaqayaan, diintana waa ay ka baxeen haddii ay si aan loogu talogelin u
xeeladeeyaan.
Kutubaha diinta badankooda sida Mawliidka, Burdaha iyo Munaaqibka ku ma taal
in uu nin wadaad ahi dadka gacmaha ka jaro, waana bidco in wadaad lagu soo
daro xeerdejinta.
Wadaaddada waa in laga fogeeyaa meelaha ay bulshadu joogto sida barlammaanka, madaxtooyada, meelaha ciyaaraha, makhaayadaha, hoteellada, shaneebooyinka, tiyaatarrada iwm. Waa in ay xaddiis ku wardiyaan masaajidda iyo mawlacyada. Haddii aan sidaas la yeelin dalku weligiis xasili mayo, waxaana xeerka dalka lagu barxayaa wax laga soo weriyey carab uskag badnaa oo saxaraha kun sano ka hor ku gaajaysnaa. Waa been in xaddiis dal iyo dad lagu xukumi karo. Xaddiiska Ilaahay baa lagu barakaystaa ee filimada iyo riwaayadaha lagu ma horemariyo.