Deeqa Afro jidhkeeda iyadaa leh!
Khaalid Xasan
-12/27/2018
Maalmahan waxaan ku arkeyey baraha bulshadu ku kulanto dad badan oo ku mashquulsan hab lebiska fanaanada caan baxday ee Deeqa Afro. Soomaalidu waa dad aan runta isu sheegin, qofka Soomaaliga ahi xataa naftiisa runta waa kala dagaalama oo waa dad dhalanteed Ku nool.
Dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dumarkan teendhada madaw(Xijaabka) ku dhex jira ee isu haysta inay karaamaysan yihiin ama isla quman ma is waydiin sababta ay lebiska noocan ah u xidhan yihiin? Ma iyagaa doortay oo ku qancay mise waa lagu qasabay? Dhaqan ma u leenahay oo ma yahay Xijaabku lebis Soomaali? Hadii aanay jirin cid ku qasabaysa xidhashadiisa tolow haweenka Soomaaliyeed ma xidhan lahaayeen? Ragga iyo haweenka Soomaaliyeed se xaq ma u leeyihiin inay ka hor yimaadaan ama diidaan hab lebiska qofka kale oo iyaga la mid ah balse doortay inuu u lebisto hab ka duwan sidooda?
Waydiimaha sare ku xusan oo dhan jawaab u helidoodu waa fududahay hadii dooneyo in run la isu sheego. Ugu horrayn ma jiro qof xaq u leh faro-gelinta hab nololeedka qof kale oo qaan gaadh ah maankiisa iyo miyirkiisuba fayow yihiin.
Xijaabku maaha lebis Soomaali balsa waa lebis ay dhaqan u leeyihiin qayb ka mid ah dadka Carbeed ee Saxaaraha Ku nool. Waxaa marag ma doonto ah in badi haweenka Soomaaliyeed aanay Xijaabka u xidhan doorasho iyo dookh xagooda ka yimi balse ay u xidhan yihiin cabsi iyo cadaadis kaga imanaya bulshada qaybteeda ragga ah oo u haysta haweenka wax ma garato ilaalo u baahan ama alaab ay leeyihiin, tan kale ee mudan in la xusaa waxa weeye haweenka Soomaaliyeed waxaa ku qasbay xidhashada xijaabka kalsooni darro ay ka qabaan jidhkooda ama qaab samayskooda daryeel la’aantu keentay. Habalaha Soomaaliyeed waxay dhaqan u leeyihiin muujinta jidhkooda inta quruxda badan, ti gacan qurux badan lehi maanta oo dhan gacantay lulaysa, tii weji ama dhoollacadayn qurux badanina shaxshax iyo qosol kama daasho, tii kub wanaagsan lehina kubkeeda maradaba ma saarto, ti qaarka danbe u qurux badanina waxay ku heesta Kuunto wixii loo kuusay gadaal loo xejiyey karaamo lee waaye.
Ma jirto gabadh Soomaaliyeed oo qarinaysa ama qarin lahayd jidhkeeda meesha ugu qurxoon ama ay iyadu is leedahay way ugu sidataa. Haweenkeena Soomaaliyeed ee sharafta lihi horta waa kuwa aduunka ugu quruxda, haybada iyo garashada badan haween waynaha idilkoodna ugu sita, laakin haweenkeena waxa diloodey daryeel la’aan ay sababtay colaadaha iyo hab nololeedka qalafsan ee Soomaalida. Waxaa iyana jira oo aan indhaha laga qarsan karin saamaynta uu haweenka Soomaaliyeed ku leeyahay gaaradka aadka u liita ee ragga Soomaaliyeed. Gabadha waxaa loo guda waa nin , waxay isu caddaysaa oo sunta u marsataa waa nin , waxay isu daryeeli la’dahay oo ay sida lo’da wax ugu cuntaa ilaa ay aad u naaxdo oo jidhkeedu yeeshoo laab-laabyo aad u fool xun waa nin, laakin ay aaminsantahay in raggu qurux u haystaan. Haweenow ilaa goormaad nin u noolaaanaysaan una feedhanaysaan? Goormaad tiina u noolaanaysaan?
Waxa hubaal ah oo aan anigu usoo taagnaa hablo Soomaaliyeed oo markay Soomaaliya sidaa uga bexeen heeryadii Xijaabka iska tuuray oo weliba qashinka ku daray. Ma jirto inan ama gabadh Soomaaliyeed oo maradaas madaw xidhan lahayd hadii amaan la siin lahaa. Haweenkeenu waxay u af-duuban yihiin kalsooni darro ka haysta jidhkooda iyo amar ku taaglaynta raggu Ku hayaan.
Haweenoow jidhkiina idinka oo keliyaa iska leh, waxaad xaq u leedihiin xorna u tihiin inaad u lebisataan sida aad doontaan idinka oo aan cidna ku raali gelinayn, cidna wax ka waydiinayn. Haweenow weli ma aragteen hablo ka cadhaysan kana hadlaya lebiska ragga ?waxse ma la idinka waydiiyey lebiska iyo hab nololeedka ragga? Jawaabtu waa maya. Haweenka kuwooda isu arka in aanay qurux badnayn ama aan jidhkooda ku qanacsanayn oo kalsoonidiina ka dhimatay ee naf biday inay teendho madaw dhex galaan waxaan ka codsan lahaa inay amaan geliyaan kuwa isku kalsoon ee ku qanacsan jidhkooda una lebista siday iyagu jecel yihiin. Xaasidnimada joojiya naftiina iyo jidhkiinana si xor ah u daryeela. Xaq maaha hadii aad isu qarisay foolxumo in aad ku doodo ha la is wada qariyo.
Ugu danabayn fanaaanada wayn ee qaaliga ah, codkeeda iyo muuqeeduba na deeqay, Deeqa Afro. Deeqaay waxaan Ku leeyahay jir oo joog, hana u joojin kuwa markay keligood yihiin ku seexda muuqaaga iyo codkaaga hallaasiga ah, markay dadka la joogaanna ku dhaleeceeya. Dheg ha u dhigin kuwa kalsooni darradu dilootey ee is qariyey jecelna in cid waliba is qariso. Jidhkaaga adaa iska leh, adigaana xor u ah lebisakaad gashanayso iyo hadii aanad waxba gashan. Waxaan hubaa qaar badan oo ragga Soomaaliyeed ka mid ahi inay ku ducaynayaan oo leeyihiin ” Deeqaay waad naga keentee Eebbe Waaq ha kaa keeno” waxaan kaloo hubaa in wadaad xumayaashu markay la joogaan haweenka xaasaskooda ah ee bahdilan ay dhahaan ” ukhtii u ciyaar naasahana rux una daryeel sida Deeqa Afro”
Qofna yaanu ka hadlin kuna mashquulin nolosha qof kale oo kula mid ah. Deeqana jidhkeeda iyadaa leh.