Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Wadaadoow kuuma bogin.

W/Q; Rashiid Gaballaax.

-

5/19/2022

Wadaadoow kuuma bogin.

Bulsho kastaa tiir dhexaad ayay leedahay, taabo galka iyo tusmaynta hiraalkana cid kamida ayuunbaa horseed noqota, fiirsi badan iyo falkin dheeriya haddaad samayso waxa kuu soo baxaysa kaalinta uu Wadaadku ku leeyahay nolosha aadmiga.

Wadaadka Carbeed iyo Wadaadka reer Yurub midna ka hadli mayno.

Laakiin Wadaadka Soomaaliyeed ayaynu ka hadlaynaa, su’aalana waynu saari.

Ma inna matalaa? Ma diinbuu sidaa mise dhaqan shisheeye? Xaggee ayuu innoo wadaa? Ma waxbuu saxaa mise wax buu hallaabiyaa?

Tahal iyo taws badan ka dib waxa inoo soo baxaysa in wax badani innaga qarriban yihiin, si walba haku dhacaane. Kaalimo badan oo ay Wadaaddadu lahaayeenna ay bannaanyihiin.

1- Ma inna ma talaa Wadaadka Soomaaliyeed?Maya, Waayo!
Qofka markaad leedahay ma ima talaa waxa lagu eegaa laba miqiyaas, B) sidu kuula dareen wadaago, T) iyo wuxu kaaga warramayo.
Dareenku waa walaxda dadka kulmisa, inyar oo kamida Wadaaddadeenna mooyee badi wax dareena oo ay innala wadaagaan ma jiraan, Carab iyo meel baas ayay u Wadaad’yihiin.
Warka iyo faafku kula wadaagayo qofku waxay caddaynaysaa sidu kaaga warqabo, Jumce kasta iyo khudbad kastaa ma dabbaqaan nolol maalmeedka aynu ku noolnahay, qiso iyo taariikh waa hore dhacday ayaa inna dhago barjaysay, sideebey suuro’gal ku tahay inaad fikir ahaan kortaa?

2- Ma diinbuu sidaa mise dhaqan shisheeye?
San dullaynta iyo raadraaca shisheeye ayaa inna ragaadisay Yurub iyo Carabba ha ahaadaane. Halka dhib ee sii dheer waxa weeye in dhaqamo badan oo Carabi leedahay uu diin innooga dhigay Wadaadku.

3-xaggee ayuu Wadaadku innoo wadaa?
Janno iyo Cadaab ayaa markaste la innooga digaa, noloshu ma labadaas ayay ku koobantahay, Maya, kuma koobna, noloshu waa Han, hiraal, hayaan, haadin iyo hoggaamin, intaba inay Culimado horseed ka noqdaan ayaa waajib ah, maanta waad suurayn kartaa halkay hoggaaminta kaga jiraan iyo dawladda, hal Wasiir oo bahdilan ayaa ku jira, af iyo addinba waa lagu yasaa, halkaa waxa gaadhsiiyay waa ka dhex baxa bulshada ee Culimadu ku kacday, meherado gaar ah iyo goobo ay iyagu furteen ma soo dhaafaan, “dadkan cidna uma maqna ceelna uma qodna” aan caqligaaaga ahayn Wadaadoow markaa yaad ku hallaynaysaa? mise intay wada Alla’kood noqonayaan ayaad sugaysaa.

4- Ma waxbuu saxaa mise waa hallaabiye?
Siduu Sh Mustafe Sheegay: “innama anfacayaan fikir Wahaabi, Ictisaam, Salafi, Tabliiqi,Ikhwaan iyo mid suufiba”, Waxan oo afkaara waxa keenay waa Wadaadka, markaa ma waxbuu saxay mise wuu qarribay?

Diinta inaad marti u noqotaa wax habboon maaha, cidi kaama xigto cid gaara oo ay u soo dagtayna ma jirto, se waxay leedahay faafiye iyo dhige soo gudbiya, waana qofkaste oo aqoon xeel’dheer u leh, xilliga iyo amintu waa kuwa xukuma kolba sidaad wax u soo gudbinayso, dhallintii burburka kadib dhalatay iyo Wadaadku way is maan’dhaafsanyihiin, lixdan sanno kohor sidii wax loo dhigi jiray loona soo gudbin jiray ayay Culimo badani ku dhagantahay, hab iyo hannaan kaste waa inuu Wadaadku la jaan qaado.
W/Q; Rashiid Gaballaax.