Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Tuug khamiis xidhay!

Cabdirashiid Ismaaciil

-

5/22/2021

Tuug khamiis xidhay!

W akhti iyo jawi dagan ayaanu wada qaadanay aniga iyo asxaabtaydu. Si fiicanna waanu u wada cawaynay. 10;00 habeenimo ayay noqotay waanu kala hoyanay Habeen-kaa kaligay ayaan ku ahaa xaafadda cidi ilamay joogin. Gurigii soo galay qol-kaygiina iska hagaajistay. Waanan jiif-saday Waa Habeen saqdhexe iyo gudcur madaw waliba roob jiro.

Afaaf-ka ayaa La igu soo garaacay waan toosay, waa ayo? waa ayo? ayaan dhawr jeer ku celceliyay anoo aad u baqanaya, wax jawaaba waan waayay. Kadib waan iska jiif-saday. Inyar dabadeed ayaa markale la igu soo garaacay waan soo kacay, haddana waan su’aalay wax ii jawaabana waan waayay.

Markan baqashadii ayaa igu siyaaday. Anoo aad u yaaban roobkiina i hayo, ayuu moobeelki igu soo dhacay, waan isla sara booday anoo moodaya in qol-kii la iigu soo galayba. Waaba lambar aanan hore u arag waan ka qabtay. “Heloow” markaan idhiba waxa la i su’aalay ma hebel-baa? Haa ayaan ku jawaabay, waa la igu jarayba. Waan ku celiyay, waabu xidhan yahay. Hurdadii way iga haadday habeen-kiina wuu igu batay.

Waan soo kacay toosh iyo budh ayaan soo qaatay kidin-kana waan ag fadhiistay anoo sugaya in markale la garaaco. Cabbaar markaan fadhiyay wax garaacana aan waayay ayaan sanqadh gudaha kabaxaysa maqlay. Waan soo dhaaqaaqay, anoo kaan tifaya, gacanna budh ku sita gacanta kalana tooshkii ku sita. wax aan soo socdaba sanqadhii waxay noqotay kijin-ka. Hortiisa ayaan istaagay anoo naftayda kule “meesha iskaga carar oo qol-kii hoosta ka soo xidho”, marna iskule “waar nin-buu ilaahay kaa dhigee waxan meesha ku jira kaw kasii caawa”. Daf ayaan kijin-kii idhi mise toosh-kiiba wuu iga dhacay. Waan ka soo booday ilaa qol-kii ayaan cararay. Waaba la i daba cararayaa.

Markaan qol-ka ag marayo Ayaan gas siiyay xaggaa iyo qol-kale ayaan u cararay. Wali la igama hadhinba. Sul-daaro ayaaba la ii dhigay, afka ayaan marmar-kii ka jaray. Hadana waan isla booday oo suuligii oo ii dhawaa ayaan galay, afaafka xidh ayaan is idhi. Waaba la igu soo rii xayaa. Halkaa markay marayso ayaan baraarugay illeen wuxuba riyo ayay ahaayeen.