MIndida waqtigaa aftira (1/2)
Qoraa Dahsoon
-6/24/2018
Haweenka sida loo arkayey guud ahaan caalamka iyo darajada ay ku lahaayeen
bulshooyinka iyo xuquuqda loo ogolaa waxay soo martey maraaxil badan oo kala
duwan.
Ummaduhu waxay abuuraan khuraafaddo fara-badan oo qaarna la diimeeyo marka
danbe kuna haraan qalbiga dadka, kuwana uu socodka waqtiga tirtiro raadkooda.
Dadku markay arkeen in hooyadu wax dhasho kaligeedna wax dhasho waxay u qaateen in iyada uuni ay dhashay nolosha oo dhan koonka oo idil!!
Insaanka waxaa uun wax dhala nooca dhaddig, xayawaannada iyo xataa geeduhuna
waa lamid. Waxaa markaa jira (ayey u maleeyeen dadkii hore) hooyo guud oo
dhashey caalamka oo dhan, dhulka iyo cirka, badaha iyo barriga, dabeylaha iyo
roobka.
Haddii masiibooyinka dabiiciga ah wax dhacaan (duufaannada, daberlaha,
abaarta… iwm) macneheedu waxa weeye hooyada ayaa meel dunida ka mida lagaga
cadheysiiyey oo aar goosaneysa dabeetana amar siisa ilaaha dabeysha, kan
roobka iwm.
Meelaha qaarkood, sida ASIRIYIINTII hore (dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq)
waxay aaminsanaayeenin hooyadii weyneyd ee adduunka hal mar dhashay sida
ukunta oo kale dabadeetana ay jabtay oo ay ka soo baxeen noocyada kala duwan
ee nooluhu.
BAABILOONIYA
Baabilooniya oo ahayd dhulka hadda loo yaqaan Ciraaq ayay xadaaraddii ugu
horreysey xadaaradaha insaanka oo dhan ka bilaabatay. Ummadda reer Baabiloon
waxay la qaybsadeen ummadaha kale ee jiray waagaas aaminaadda loo qabey
hooyada weyn ee bixisa ama hibeysa nolosha oo Baabilooniyiintu u yiqiinneen
Ti’amaat (Ticamaat).
Waxayna aaminsanaayeen in hooyada weyni ay iyadu dhashey ilaahyada oo dhan-kan
roobka,dhalmada, kan cabsida, kan badda iwm. Sidaas darteed boqoraddii ugu
horayey Baabilooyintu waxay ahaayeen Haween. Waqtigaa Baabilooyiinta nin ayaa
loo xuli jiray dhallin yara ah boqoradda oo aad u qurux badan kolka uu
boqoradda muddo la galmoodo oo ay ka dharagto ayaa meel fagaaro ah lagu
qawrici jiray si qurbaan ama sadaqo ahaan Hooyada wayn lagu maamuuso.
Arrintan sadaqeynta nooca lab si loo raalli galiyo nooca dheddig ama boqoradda
wali ummadaa ku dhaqma.
Tusaale ahaan boqortooyada shinnida iyo cayayaanno kale oo badan sida midka
loo yaqaan faruurow geeda laac, kolka shinnida Labku shinnidu rimiyo boqoradda
ayaa shaqaalaha boqortooyada oo dhammaantoodba dhaddiga waxay hareereeyaan
waxa Lab ee ku dhex nool boqortooyada sida ay u dhan yihiiinna waa la
gawracaa!
Hab dhaqanka reer Baabiloon iyo kuwo kale waxay ku beertay nooca labka cabsi
iyo waliba xiqdi gu’ weyn, wuxuuna waligii raadin jiray nooca lab inuu sun u
qoosho hooyadan baas.
Wax yaabaha ay aaminsanaayeen reer Baabiloon, bal u fiirso hooyada weyn
Ticamat waa asalka nolosha oo iyadaa dhashey wax walba xataa ilaahyada kale oo
dhan kuwa dhaddig iyo kuwa labba sida kan roobka, kan jaceylka, kan carruurta
iqk. Mid ka mida ilaahyada dhaddig oo shaqa ku leh badda iyo jahawareerka ayaa
waxay dunida ka bilowday ficiladda gaarka u ah nooca lab, ficillada oo ah
xaraka joogta ah iyo fir-fircoonida ee gaarka u ah nooca lab. Kolkii hore
dunidu wey iska dagganeyd oo waxay gaar u aheyd ficillada nooca dhaddig.
Ilaahyadii nooca lab oo dhan ayaa markaa isu habar wacdey si ay u bilaabaan
dhaanto iyo ciyaar kale oo ay ku qabtaan caloosha hooyada weyn eeTicamaat.
Ticamaat kolka arrintani wareer iyo madax xanuun bay ku billowdey wayna cadha
galisey, waxayna Ticamaat soo dirtey ilaahyada jahawareerka, badda, dabeysha
iyo wixii ay junuud laheyd oo dhan.
![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp-content/uploads/2018/06/Ticamaat- iyo-Madruuk-1.jpg?resize=720%2C379&ssl=1)
Mid ka mid ahaa ilaahaydii lab oo aad u caqli badnaa magaciisana la oran jiray
“Ea-Enkhi” wiilkiisa oo la odhan jiray jiray “Marduuk” ayaa u soo ban-baxay
Ticamaat. Wuxuuna u dhigey askartii Ticamaat dhammaantood shabag uu ku dabay
oo ay ku dhaceen xataa Ticamaat nafteedu. Ticamaat markii ay aragtey in
askarteedii la jabiyey bey afka kala qaadey bal in ay liqi karto wiilkaan baas
ee caasiga ah. Hase ahaatee “Marduuk “ ayaa dabeysha amray in ay afka isugu
qaban oo ayna liqin wax walba. Dabeyshii amarkiibey qaadatey dabeetana Marduuk
ayaa waran soo qaatey oo caloosha ka galiyey Ticamaat labana ugu kala jarey.
Jidhkeedu intii kore wuxuu noqday samada intii hoosana dhulka.
Halkaasna waxay ugu dhamaatay hooyadii weyneyd waxaana guusha la soo laabtay
nooca lab, laga soo billabo maalintaas reer Baabiloon waxay u dabbaal-dagi
jireen sanadka cusub guushii laga guuleystey hooyadii weyneyd Ticamaat iyo
guushii so raacdey nooca lab.