MIndida waqtigaa aftira
Qoraa dahsoon
-6/24/2018
Qoraalkan kii ka horreeyay [(halkan ka
akhri)](https://kaashomaanka.com/2018/06/25/mindiga-waqtigaa-af-tira-
qaybta-1aad/) waxaan kusoo sheegnay habkii nooca dhaddig lagu jabiyay oo uu
nooca lab hogaanka nolosha ku hantiyay ama dib ugula soo noqday.
Halkaana aan kasii anba-qaadno oo aan kasii wadno sida hadba ay isu bed-
bedalaysay taariikhdu.
FAARISIYIIN
Faarisiyiintii hore ama Iiraaniyiintii hore waxay aaminsanaayeen in dunida uu iska leeyahay boqor awood badan oo loo yaqaan “Ahura Mazda” ama (Ahura Mazda ama Ilaah), hase ahaatee uu jiro mid inkaar qaba oo nuxsi ah oo la yiraahdo “Ahriman” (shaydaan).
Ahura Mazda – Ilaaha diinta Zoroastrianism
Boqortooyadii Ticamaat markii ay dhacdey (sida Iraaniyiintii aaminsanaayeen)
waxay Ticimaat la sameystay “Ahrimman (sheydaan)” gaashaabuur. Haweenka waxa
abuuray “Ahura Mazda” waxayse gaashaanbuur la samaysteen Ahrimaan/sheydaanka,
iyada oo isku dayaysa in ay soo ceshato boqortooyadii ay maalin laheyd. Ahra
Mazda ayaa haddana waran la helay, Ticamaat waxay markiiba darartay dhiigga
caadada oo laga bilaabo maalintaas naag walba oo adduunka ku nool ku dhaca hal
mar bishii (Macnaha halkaas buu ka soo bilawday dhiiga caadadu).
Iraaniyiintu markaa waxa ay aaminsanaayeen in Ticamaat iyada la abuuray oo uu
abuuray Ohrmasda, tan waxay kaga duwanaayeenBaanulooyintii oo ay ku beertay
inta dhaddig ee ay dhashay.
Waxay kolka Iraaniyiinti hore u arkeeyeen haweenka in ay saaxiib la yihiin sheydaanka oo aan loo galeyn wax naxariisa. Boqorradoodii mid ka mid ahaa (Mazdak) ayaa fikiray oo yidhi waxaan arkayaa raggu wuxuu isugu lumey ee dunida sharka ka aloogay waa naagaha dartood, kolkaa maanta laga bilaabo nin naag gaar u leh ma jiro, naag walba ninka soo gaara ayaa leh oo milkiyaya oo wuxuu jecel yahay ku samaynaya sida maradiisa uu qabo oo kale, hase ahaate haddii nin kale sheegto ama doono in uu shaqo ku qabsado uma diidi karo, waxaa kolkaa u bannaanaa ninka inuu guursado hooyadii, walaashii, gabadhiisa…iwm.
YANOMAMI
Waa qabiil daggan laatiin Ameerika dhulka xuduudaha ee u dhaxeysa Brazil iyo Venezuela. Waxa loo haystaa in ay yihiin dad aad u shar badan aadna u fadqalaleyn badan. Boqolkii todoba haweenka (7%) iyo boqolkii saddex iyo soddon (33%) raggu waxay u dhintaan arrimo la xiriira dagaal iyo falal dad- qalanima ah. Ragga baddidoodu waxay qabaan naago badan, gabdhaha qaarkoodna kolka ay dhashaan ayaa la dilaa.
![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp-content/uploads/2018/06/gabadh-ka- tirsan-qabiilka-yanomami.jpg?resize=388%2C218&ssl=1)
Gabadh ka tirsan qabiilka Yanomami
Haweenka waxa laga sugayaa in ay dhalaan tira badan oo wiilal dagaalyahanna ah oo haweenka leyliya, dagaallada raggana dagaal ramata ah oo geesiyaala si ragga dagaalka ku dhinta ay u baddalaan. Waxa lagu tilmaamay qabiilkaan in naaguhu carruurta dhalidooda iyo dabcan in loo tago oo carruurta uureystaan maahee wax gaar u ah oo kale ayna jirin kolka laga hadlayo doorka ruux walba ku hagaaga bulshada.
Haweenka haddii raggoodu ku tuhmaan gogol-dhaaf in yarna ha noqotee kaw baa la kaga siiyaa oo cidna isma waydiiso. Barofeasar Marvin Harris (Jaamacadda Columbia) wuxuu leeyahay;
Ragga naxariista badan ee Yonomomo haweenkooda meela jidhkooda ah bey gooyaan sida dhagaha, gacanta iwm kolka ay u cadhoodaan ama si kaley u dhaawacaan. Kuwa naxariista yarina waran bey ku dhuftaan oo kaw bey kaga siiyaan.
Haweenka Yanomomo dhagahey dilaaciyaan (duleel weyn ahaan) waxayna galiyaan ulo buuran. Ninka markii uu u cadhoodo naagta ushuu ku dhuftaa, haddii ninku aad u caraysan yahay dhagta duleelkeeduu gooyaa weyna furantaa dhagtu. Waxay uun la mid tahay dibiga la sanduleeliyo.
Inkastoo taasina jirto haddana haweenka Yanomomo qaar baa dacwooda in aan la
garaacin oo ay u fahmayaan in taas macneheedu tahay in aan la jeclayn ama dan
laga laheyn.
Profesar Marvin wuxuu warinayaa in nin maalinuu ku tuhmey naagtiisa gogol-
dhaaf dabeetana meel jidhkeeda ka mida uu ka gooyey cad hiliba iyada oo soo
taagan oo nool isaga oo isticmaalaya faas.
Waxay ragga Yanomomo aaminsan yihiin in dhiiga caadadu yahay wax naxsi iyo
shar ah. Gabadhu goorta ay hesho caadada ugu horreysa waxa lagu qufulaa qabka
waxaraha lagu xereeyo oo kale waxaana la yiraahdaa “kuududso”.
Haddii wiil uu wax ku dhufto gabadh, gabadhu ma aargoosan karto oo looma
ogola, Haddiise ay gabadhu ku dhufato wiilka, gabadha waa la ciqaabi wiilkase
waligii lama ciqaabo.
Profesar Judith sharpiro (jaamacadda Chicago) waxay leedahay ereyga guur
macnihiisa (afka Yanomomo) waxa weeye: jiido oo la tag. Furiduna: iska xoor.
Inakstoo oo sidaan soo sheegnay ninka Yanomomo laga yaabo inuu naagtiisa ku
tuhmo dhilanimo uu dilo ama dhaawoco haddana waxa caadiya in uu ninku ugu
yeedho walaalihiisa ka yar in ay la qaybsadaan naagtiisa, runtiina tani waa
uun ammaah uu bixinayo oo walaalihii kolka ay naaga guursadaan wuxuu ka
filayaa inuu isna la qaybsado oo kula shurakoobo mar-mar intii uu bixiyay in u
dhiganta.