Laba-wajiilanimo diimaysan
Axmed Xanafi
-2/15/2019
Q ofka muslimka ahi wuxuu arkaayaa qof reer galbeed ah oo leh waxaan qaatay diinta islaamka isagoo ka daba cel-celnaaya wadaad muslim ah oo wadamada galbeedka jooga shahaadateynka si culays ku dheehan yahay. Arrinkaa wuxuu u arkaayaa guul islaamka u soo hoyatey, qofkaa soo islaamayna waxaa loogu yeerayaa inuu yahay qof cilmi badan, qof xaq raadis ah, qof baaritaan sameeyey, qof hufan, qof damiir leh, qof run-badan, daacad iyo danta islaamka u soo islaamay, laakiin uma arko guul ay gaartey xadaaradda reer galbeedku dhanka dhawrista qiyamka(Values) iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha ee kala duwan sida xorriyada diinta, xorriyadda fikirka, xorriyadda aragtida, xorriyadda hadalka, xorriyadda damiirka, dhawrista xaqa qofka iyo xorriyada rumeynta iyo rumeyn la’aanta.
Islaamku wuxuu ku guul darraystay muslimiintuna ku fashilmeen hir-gelinta iyo ku dhaqmidda hal kamid ah qodobada xuquuqda qofka iyo dhawrista xorriyadda. ceebtaa iyo fadeexadda intaa le-eg ma arko qofka muslimka ahi ee meelahaa buuqaya.
Haddii qof muslim ahaa uu qaato diin kale ama uu diin la’aanba door-bido , qofka muslimka ahi wuxuu u arkaayaa arrinkaa jabkii islaamka oo sood howaaday, shirqool adag oo islaamka lala maagan yahay, dhabar jebin ay tahay in laga hortago, iyo in caalamku ku heshiiyey in islaamka la cirib tiro dabar- jarkiisana lagu hawlan yahay oo qaramada midoobey lacag ku bixyaan sidii islaamka iyo muslimiinta loo jari lahaa, iyo in alle iyo rasuulkiisa dagaal lagu hayo. Qofkaana waxaa loogu yeerayaa qof xun, qof khaa’in ah, qof jaahil ah, qof xanuunsan, qof cadaw ah, qof diintiisi gatay, qof indho la’, qof bilaa caqliya, qof xumaan u bareeray, qof aan waxba baarin, qof doqonnimo dilootey.
Bal u fiirso waa hal-qof oo diinta islaamka ka baxay waxa sidaa loo-fasiraaayo ee sidaa foosha xun loogu-xadgudbaayo. Waxaana lala soo kala-baxaayaa buugaag ay ku qorantahay in qofkaas xaalkiisu dil yahay, sida islaamka iyo muslimiintuba sheegaan, waxaana sugaaya xadka riddada waxa loogu-yeero iyo daadinta dhiiggiisa.
Dhibtana waxaa keenaaaya dhab ahaantii waa ineysan ka jirin caalamka islaamka iyo goobaha ay muslimiintu ku badanyihiin ilaalinta xuquuqda qofka iyo tan aadanaha ee aan hore u soo xusnay.
Diinta islaamku dib-u-eegis iyo dib u habayn iyo dib-u-shaandheyn ayey aqoonyahanka ka sugeysaa, si-guud, si-gaar ahna kan muslimka ah. Si loo waafajiyo caddaaladda , sinnaanta, xorriyadda, dhawrista xuquuqda aadanaha. Si xal loogu helo xagjirnimada, argagixisada, nacaybka diimeed, falalka faquuqa diimeysan, jarjaridda xubna aadanaha iyo falalka foosha xun ee diintu saldhiga u tahay.