Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Indooniisida iyo Carabta Gacanka; Shalay iyo Maanta

Cabdisaciid Ismaaciil

-

8/11/2021

Indooniisida iyo Carabta Gacanka; Shalay iyo Maanta

“Waa aakhiru seban, dhowaanna waxaa la arki doonaa baqal ilmo dhalaysa, qorraxda oo galbeedka ka soo baxaysa iyo Jaawi Sacuudiyad sariir kula seexanaya.” Sidaas ikhyaar Sacuudi ah baa laga maqlay.

Boqol sano ka hor, ummadaha muslimka ah xagga dhaqaalaha waxaa ugu ladnaa Indooniisida. Bangigii ugu horreeyey ee dalka Sacuudiga laga furay, waxaa dabshidkii 1926 laga furay magaalada Jidda, wuxuuna ahaa laan ka tirsan hey’ad maaliyadeed oo lagu magacaabi jirey ‘Jamciyadda Ganacsiga Nederlaan /The Netherlands Trading Society’, goor dambana waxaa loo bixiyey “Bangiga Hoolan iyo Sacuudiga”. Macaamiisha bangigu uu u adeegaana waxay ahaayeen xujeyda Indooniisida ee dhulka Xijaas xajka u taga. Xilligaas Indooniisiya waxaa gumaysan jirey Hoolan, waana sababta bangiga loo siiyey magaca ‘Hoolan’. Bangigaas hadda waxaa loo bixiyey magaca ‘Alawwal Bank /البنك الأول’1.

Batroolka ka hor, Indooniisida -oo sidoo kale loogu yeero magaca ‘Jaawi2’-aad baa looga jeclaa dhulka Xijaas3. Xaajiga Indooniisiga ahina marka uu xajka tago, aalaaba dhulka Xijaas wuxuu joogi jirey muddo qiyaastii lix bilood ah -saddex bilood oo xajka ka horreeya iyo saddex bilood oo xajka ka danbeeya. Qoysaska carabta ahina waxay dadaal badan ku bixin jireen sidii ay ku heli lahaayeen xaaji Indooniisi ama Jaawi ah oo ay u adeegaan muddada uu Xijaas xajka iyo booqashada u joogo. Bulshada reer Xijaasna waxaa ugu dhaqaale roonaa dadka ka shaqeeya hey’adaha u adeega xujeyda Indooniisida. Sida igu maqaalka ahna, waxaa dhici jirtey in qoys dhan oo reer Xijaas ahi ay u adeegi jireen hal xaaji oo Indooniisi ah.

Waxyaabaha la sheego in ragga Xijaasidu ay ka barteen Indooniisida waxaa ka mid ah xirashada macawista. Waxaana jirey xilli ragga Xijaasidu ay hodontinnimadooda ku muujin jireen nooca macawista ay xiran yihiin, oo la oran jirey: hebel waa maalqabeen, oo wuxuu xirtaa macawis Sabarhindi ama xariir ah (=لابس سمرندا …وشايف نفسو). Sida la sheego, macawistaan waxaa loogu magacdaray magaalada dekedda ah ee Semarang oo xujeyda Indooniisida badankoodu ay ka raaci jireen doomaha ay xajka ku tagaan, macawistana laga dhoofin jirey. Sidoo kale, Xijaas macawisaha waxaa looga keeni jirey carriga Hindiya, laakiin macawisaha Indooniisiya ayaa laga jeclaa, oo ka tayo sarreeyey kuwa Hindiya.

Docda kale, buugta ugu qiimaha badan ee laga qoray taariikhda magaalada Maka waxaa ka mid ah buugga cinwaankiisu yahay “Baalal ka mid ah taariikhda Maka al-Mukarama /صفحات من تاريخ مكة المكرمة”, ee uu qoray Mustashriqii Hoolandayska ahaa ee Christiaan Snouck Hurgronje (1857-1936) oo Maka tagay isaga oo sheeganaya in uu yahay muslim magaciisu yahay Xaaji Cabdulqafaar, muddo lix bilood ahna halkaas ku noolaa. “Baalal ka mid ah taariikhda Maka”, waa buug taariikh ah oo labo hormo ah, laakiin marka aad bilowdo akhrintiisa aadan dhulka dhigayn jeer aad ka laacdo. Quruxda iyo quluudda qoraalka iyo sheekooyinka shaqlan ee ku jira ayaa kuu diidaya in aad isku laabto. Aqoonyahannada qaarkoodna waxay ku doodaan in buugta mustashriqiintu ay ka qoreen Maka iyo Madiino oo dhan ay ugu qiimo badan yihiin buuggaan iyo midka uu qoray Mudane Richard F. Burton ee cinwaankiisu yahay: “Personal Narrative of pilgrimage to Al-Madina and Meccah”, weliba buuggaani wuxuu buro ku sidaa sawirrada ku jira oo ah kuwii ugu horreeyey ee Maka laga qaaday, oo aan meel kale laga helayn.

Hurgronje wuxuu shahaadada PHD ku qaatay mawduuca “Xajka Muslimiinta Iyo Ahmiyadda uu u Leeyahay Muslimiinta”, laakiin -sida la sheego- wuxuu ku dooday in xajku uu ka mid yahay waxyaabaha muslimiintu ay ka dhaxleen carabtii jaahiliyada ee islaamka ka horreeyey. Sababta Snouck Hurgronje uu Maka u tagay waxay ahayd in uu la socdo dhaqdhaqaaqyada xujeyda Indooniisida inta ay dhulka Xijaas ku sugan yihiin. Waayo? Hoolan oo Indooniisiya gumaysan jirtey waxay cabsi ka qabtay in Indooniisidu inta ay xajka joogaan ay qabtaan kulamo iyo shirar ay uga arrinsanayaan sidii ay isaga tuuri lahaayeen heeryada gumeystaha, iyo in ay xiriir la yeeshaan muslimiinta kale ee daafaha dunida ka soo xajinaya, iyo weliba in ay xajka ka helaan tamar ay gumeystaha kula jihaadaan -si gaar waxay isha ugu hayeen duruqda suufiyada oo tan Naqshabandiyu ay ugu horrayso. Hurgronje oo ku hadli jirey afaf badan oo carabiga iyo afafka Indooniisidu ay ka mid yihiinna waxaa loo arkay in uu yahay qofka ugu habboon ee lagu aammini karo la socodka hawlaha Indooniisida Xijaas.

Snouck Hurgronje, inkasta oo uu xajka ku takhasusay, Makana uu tagay, haddana uma aysan suurogalin in uu arko Muslimiinta oo si toos ah xajka u gudanaya. Maxaa yeelay, maalmo yar ka hor intii aan xajku bilaaban ayaa aqoonyahanno caddaan ahaa oo tartan ka dhaxeeyey waxay sirtiisa u gudbiyeen dowladdii Cusmaanida oo waagaas Xijaas ka talinaysay. Mas’uuliintii Cusmaaniduna Hurgronje waxay amar ku siiyeen in saacado kooban gudahood uu Maka uga baxo.

Hoolan sannadkii 1872 ayay qunsuliyad ka furatay magaalada Jidda, baahida keentay furidda qunsuliyaddana waxaa lagu sheegay in ay ahayd ka warhaynta dhaqdhaqaaqyada siyaasadda ee xujeyda Indooniisiya. Dadka xilalka qunsuliyadda loo magacaabaana waxay ahaayeen kuwo aqoon iyo khibrad durugsan u leh Indooniisiya iyo guud ahaan dunida Muslimka ah. Isla jeerkaas qunsuliyaddu waxay hawl gelin jirtey wadaaddo reer Xijaas ah oo Indooniisi iyo qeyrkoodba isugu jira. Wadaaddadaas waxaa ugu caansan wadaad la oran jirey Raden Abu Bakar Djajdiningrat oo Xijaas ku noolaa, laakiin asal ahaan Indooniisi ahaa.

Saamaynta Indooniisidu ay ku lahaayeen Xijaas kuma aysan koobnayn dhanka dhaqaalaha oo keliya, balse waxay saamayn ku lahaayeen dhinacyada aqoonta, fanka iyo ciyaaraha. Tusaale ahaan, ka hor intii aan batroolka la helin, dowladda Sacuudiguna aysan fiqiga Xanbaliga xoojin, Xijaas waxaa si weyn ugu xoog badnaa fiqiga Shaaficiyada, taana qayb ahaan waxaa u sabab ahaa taageeradii wadaaddada shaaficiyadu ay ka heli jireen xujeyda Indooniisida ee faraha badan. Waxaana xusid mudan, in qayb lixaad leh oo ka mid ah indooniisidii Xijaas imaan jirey ay ahaayeen culumo iyo arday doonaya in ay diinta ka raacdaan labada Xaram iyo dugsiga caanka ah ee Sowlatiya oo ah dugsigii ugu horreeyey ee magaalada Maka laga furay4.

Sida Snouck Hurgronje uu buuggiisa ku xusay, ulajeeddada qura ee Indooniisidu ay Xijaas u tagi jireen waxay ahayd cibaado iyo cilmi raadin, laakiin kolka ay muddo halkaas joogaan qaarkood waxaa lagu daaran jirey dabciga adduunyo jacaylka ee reer Maka ay caanka ku yihiin.

Midda kale, marka laga hadlayo taariikhda kubadda cagta ee dalka Sacuudiga, waxaa la xusaa in markii ugu horraysay ee koox kubadda cagta ciyaarta laga sameeyo Sacuudiga ay ahayd sannadkii 1927, kooxdaasina ay ahaayeen barbaar reer Maka ahaa, oo dhalasho ahaan Indooniisiya ka soo jeeday. Intaas waxaa dheer, in waayadaas carabta reer Xijaas aysan dhib u arki jirin in ay gabdhahooda u guuriyaan Jaawida. Waayo Jaawigu wuxuu ahaa xaaji xooluhu ay sharaf iyo karaamo dheeri ah huwiyeen. “Labadii walaalo ah, midkii lacag leh baa weyn” waa oraah caan ah oo Soomaalidu ay aad u taqaan.

Si kastaba ha ahaatee, weydiintu waxay tahay: Xaalku sidee buu noqday markii dhulalka gacanka batroolka laga helay, ee dadyowga Khaliijku ay hantida badan heleen, boqollaal kun oo Indooniisi ahina ay u soo shaqo tageen waddamada gacanka carbeed?

Sida dhabta ah, xaalka waa laga dheregsan yahay oo uma baahna in sharrax dheeri ah laga bixiyo. Muddo gaaban oo aan hal fac ka badnayn waxaa si buuxda isu beddelay sawirkii Indooniisida laga haystay ee ahaa in ay yihiin muslimiin sharaf iyo karaamo leh, waxaana beddelay in ay yihiin walxo ka qiimo hooseeya alaabta guryaha la dhigto. Arrinkaas oo muujinaya sida adduunyadu u tahay harka labadiisa gelin.

Nasiib wanaag, sanooyinkii danbe dhaqaalaha Indooniisiya wuu kobcayey, heerka nolosha dadka Indooniisiduna way soo wanaagsanaanaysaa.

1. Gumeystii Hoolan ee Indooniisiya waxaa lagu tilmaamaa in uu mid si weyn ugu mabay dhiigmiirashada Indooniisida.

2. Jaawa waa jasiirad dalka Indooniisiya ka tirsan, laakiin Xijaasidu erayga waxay ugu yeeraan dadka u dhashay waddamada Indooniisiya, Malaysiya, Burunaay iyo Singabuur.

3. Xijaas waa gobolka galbeedka dalka Sacuudiga ku yaal ee ay ka tirsan yihiin magaalooyinka barakaysan ee Maka iyo Madiino.

4. Dugsigaan oo la furay sannadkii 1873, xoolaha lagu dhisay waxaa ku tabarucday gabar Hindiyad ahayd oo la oran jirey Sowlad Nisaa Cali oo Maka xaj u tagtay, waxayna mas’uul uga dhigtay wadaad Hindi ahaa oo la oran jirey Shiikh Maxamed Raxmatulaah. Dugsigaanna waxaa wax ku bartay dhallinyaradii ugu horraysay ee reer Xijaas.

https://www.youtube.com/watch?v=d-aUMkLME1E

5 april