Kacdoonkii Biyamaalka
Saacid Kaahiye
-8/7/2021
Kacdoonadii xornimo u dirirka ee qalin iyo qoriba lahaa ee geyiga soomaalida ka qabsoomay kuwooda ugu caansan dadku badi way ka war qabaan oo Daraawiish baa sidan ahayd iyo SYL baa sidaa yeeshay iyo hadal haynta sheekh Bashiir iyo weliba referendum-yadii Jabuuti, sida maanta oo kale, maalmaha madaxbannaanida umada loo dabbaaldegayo aad baa loo soo hadal qaadaa oo taariikhdooda, dhib iyo dheefba, la isku xasuusiyaa. Balse waxa jiray kacdoono kale oo ciiddaa ka badan oo aysan umadu ku baraarugsanayn, taariikhdoodana badi wax laga xusin oo mudnaanta ay istaahilaan la siin, laakiin gayigeena ka dhacay oo gobanimadeena qayb libaax ku lahaa.
Kacdoonadaa waxa ka mid ah kii loo yiqiinay iska-caabbintii Biyamaalka (Bimaal resistance) ee ka aloosmay gobolada Shabeelada hoose, Shabeelada dhexe iyo Banaadir.
Kacdoonkani waxa uu ahaa mid ka dhan gumaystihii Talyaaniga ahaa ee markaa koonfurta dalka ka talinayay. Sida magacaba ka muuqata, kacdoonkan waxa bilaabay qabiilka biyamaal la yidhaahdo, ee goboladaa deganaa, wax yar ka dibna waxa ku biiray umadii kale ee iyaka nawaaxigooda yiilay ee la jaarka ahaa. Kacdoonkani kii daraawiishta mudo ahaan kama uusan gaabnayn oo waxa uu socday intii ka dhaxaysay 1888 ilaa iyo 1924.
Kacdoonka waxa xoogiisa hormuud ka ahaa labo nin oo lagu kala magacaabi jiray, Sheekh Abdi Abikar Gaafle iyo Macalin Abdi Yusuf. Labaduba waxa ay ahaayeen macalimiin dugsi oo magaalada Marka iyo nawaaxigeeda dadka diinta ku bara. Waxa la sheegaa in Sheekh Gaafle laga soo bilaabo 1888 uu ku socdaali jiray geyiga shabeelooyinka isagoo umada uga digaya gumeystaha iyo xumaha uu dalka la maaganyahay sahansaho dagaal iyo iska caabbinna uurkooda galinaya.
![No photo description available.](https://scontent- mrs2-1.xx.fbcdn.net/v/t1.6435-9/209584940_948940915863740_1268596109027808703_n.jpg?_nc_cat=105&ccb=1-4&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=RZbmw2xWAj8AX_f0Dsu&tn=lMSB5DzpdGGnc2Up&_nc_ht=scontent- mrs2-1.xx&oh=32000e3735bcd8b5460d06e31ccc668b&oe=613295E2)
Sheekh Gaafle waxa la sheegaa in markiisii ugu horeysay uu ciidan kala hor yimid Talyaaniga kadib markii uu shirkii Igalle ee duqayda ka qayb qaatay bishii june ee sanadkii 1896. Waxyaabaha uu aadka uga dhiidhiyay waxa ka mid ahaa qaraarkii Talyaanigu uu ku gaadhay in uu magaalooyinka xeebaha ah sida Marko iyo Muqdisho uu ganacsi ahaan ka go’doomiyo magaalooyinkii gudaha geyiga ku yiilay. 1904 ayaa waxa lagu khaarajiyay magaalada Marko nin Talyaani ahaa oo la odhan jiray Giacomo Trevis, midaas oo uu Talyaanigu aad ugaga cadhooday.
Jawaab ahaan ayuu Talyaanigu waxa uu duulimaad ugu qabsaday magaalada xeebta ah ee Jazira la yidhaahdo ee dhacda ilaa iyo 30 mile koonfurta Muqdisho. Midaa duqayda Biyamaalka iyo qabaailada Banaadiriga ah aad bay uga xanaaqeen wax yar kadibna waxa la saaray col ay hor kacayaan Sheekh Gaafle iyo Macalin Mursal Abdi. Colkani waxa uu go’doon geliyay saldhigyadii Talyaaniga ee ku yiilay magaalooyinka Marka iyo Jazira. Waxa la sheegaa in Talyaaniga ay khasaarooyin ba’ani ka soo gaadheen dulaankaa oo uu ku baxsaday kaliya gargaar ciidame kale oo uu dalbaday.
Sidoo kale bishii February ee 1907-kii Sheekh Gaafle oo 2,000 nin oo Biyamaal iyo qabaailkii xulufada la ahaa hoggaaminaya ayaa waxay isku farasaareen 1,000 oo Talyaani ah meesha loo yaqaan Dhanane ee dhacda waqooyiga Marka. Dagaalkaa sidoo kale waxa Talyaaniga ku wehelinayay 1,500 oo nin oo carab iyo Eritrean calooshood u shaqaytayaal ah isugu jira. Waxa hor kacayay Lieutenant Gustavo Pesenti.
Dagaalku waxa uu Bilowday 9 February 1907 saqdii dhaxee habeynimo, waxa uuna dhamaaday duhurnimadii maalintii xigtay ee 10ka February markii ay ciidankii Biyamaalku dib u gurasho sameeyeen. Boqolaal baa ugaga dhimatay colkii biyamaalka dagaalkaa. Talyaaniga isaguna wax dheexaa kama liidan oo khasaaro lixaad leh ayaa soo gaadhay in kastoo guusha uu isagu xariiqday. Dhacdadaa dhanane Biyamaalku waxa ay aarguteen bishii july ee sanadkii xigay, 1908, markii ay ciidan 500 gaadhayay oo Talyaani ahaa ay hilfaha ugu qaadeen meesha loo yaqaan Finlow.
Talyaanigu waxyaabaha uu aadka uga cabsida qabay waxa ka mid ahaa in dhaqdhaqaaqaa Biyamaalku uu xilfo wadaag la sameeyo kii dhigiisa ahaa ee Daraawiisheed midaas oo labada dhaqdhaqaaba aad u xoojin lahayd gumaystahana wiiqi lahayd. Talyaanigu waxa uu aad isugu dayay in uu adeegsado boqortooyadii Majeerteenka iyo taliskii Hobyo ee keenadiid si uu labada dhaqdhaqaaq u kala xanibo oo uu dayr ku kala gooyo.
Ma aysan suura gelin in Daraawiish iyo Biyamaal ay is bahaystaan ama wax heshiis ah uu ka dhex dhaco in kaste oo ay hub iyo macaawino kale isugu deeqeen. Qoraalada ugu dhaadheer ee uu sayidku qoray rayigiisa iyo wixii uu aaminsanaana laga dhex dhadhansan karo ee ilaa iyo hadda la haayo waxa ka mid ah qormadii la magac baxday Risaalat lil’ Bimaal (fariin ku socota biyamaalka) oo uu sayidku biyamaalka dadaalkooda ku bogaadinayay in ay dagaalka gumeyste la dirirna ay sii laba laabaan uu ugu baaqayay.
War iyo dhamaanrii, Sheekh Gaafle 1922-gii ayuu geeriyooday kacdoonkii Biyaamalna 2 sano kama uusan dambay oo dhimbilihii ugu dambeeyay 1924-gii bay laydhu damisay. Guul iyo guuldarro raggaa gumaystihii dalka yimid in uu dheel dheel meel ku fadhiyo waa ay u diideen sinjiga soomaaliga waxa uu geeyo iyo waxa uu gooyana waa ay tuseen. Gobanimadiyo madaxbanaanida umadeena maalmaha la xusayo waxa igula habboon in farfiiqa iyo is qabqabsiga inta dhinac la inoo dhigo aan maalmahaa u hibeyno hadal haynta iyo is xasuusinta raggii qarankaan dhiiga u soo lisay.
Sannad guuro wacan.