Hub ka dhigistii Ilaahyada
Ibnu Saynis
-5/2/2020
- igmad aan u malaynayo inay asal ahaan Jarmal tahay ayaa waxay tidhaa
“Meesha aqoontu ku dhamaato ayuu iimaanku ama aaminaaddo ka bilaabantaa”
Taasi oo macnaheedu yahay waxkasti oo aan garanwayno siday u shaqeeyaan ilaahyadeenna ayaan u tiirinnaa.
Tusaale ahaan danabka ama biriqda waxa keena iyo siday ku samaysanto dadkii hore may aqoon, taasi ayaa waxay sababtay inay diimuhu dhacdadaasi dabiiciga ah u adeegsadaan inay dadka ku cabsi galiyaan, tusaale Giriikii hore hilaaca waxay ku sheegeen hubka ilaaha Zeus lagu magacaabo.
Islaamku sidaa si la mid ah suurad dhan oo quraanka ka mid ah ayaa hillaac
lagu magacaabay waxana suuradaa lagu sheegay “inuu biriqda ilaahay diro cidduu
doonana ku dhufto”
“وَيُرْسِلُ الصَّوَاعِقَ فَيُصِيبُ بِهَا مَن يَشَاءُ”
Sidaa aad arkaysaan dadkii inaga horreeyay danabkii ama biriqdii ayay ka dhigeen hub ilaahyadu leeyihiin lkn ceebi waata dambaysee waxa ilaahyadii hubka dhigis lagu sameeyay markii la fahmay in hillaacu yahay uun koronto dabiici ah oo ka dhalata charge-kala-duwanaanshaha daruuraha iyo dhulka.
![Lightning rod - Wikipedia](https://upload.wikimedia.org/wikipedia/commons/thumb/9/96/Lightning- rod-diagram.svg/1200px-Lightning-rod-diagram.svg.png)
Intaas markii la ogaadayna waxa la soosaray aalad afka ingiriiska lagu yidhaa “Lighting rod” oo ah aalad biriqda/danabka guryaha iyo baaburta ama meel walba oon la rabin inuu danab ku dhaco ka qabata oo dhulka u gudbisa.
Sida sawirkan hoose ka muuqata qubbada masjidka rasuulka ee Madiina ayaad ku arki kartaa aalladan biriqda/danabka qabata taasoo muujinaysa kalsooni darrada jirta muslimiinta dhexdooda maadaama looga baqayo Allaah inuu gurigiisa ku khaldamo oo qabriga nabigiisa sharafta badan ee Maxamed gubo. Isaga oo hore u ballan qaaday inuu gurigiisa iyo dadka soo booqdaba ilaalinayo kana hor istaagi doona cadawga sida dhacday qisadii maroodiga ee nabiga soo saarkiisa ka horraysay.