Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Roobka ma ilaahbaa keena?

Maahir French

-

4/15/2019

Roobka ma ilaahbaa keena?

M arka koowaad waxa aynu wada ogsoonahay shaki la’aan in sameysanka roobku uu ku yimaado uumi-baxa biyaha badda, waxaana u sabab ah marka ay fallaaraha cadceeddu ku dhacaan oogada sare ee biyaha in ay sameeyaan uumi-bax (Evaporation) , balse uumigaasi ma ahan mid aynu indhaheena ku arki karno ilaa inta ay gaarayaan Atmosphere -ka isuna beddelayaan daruuro habka loo yaqaan (Condensation) , intaas ka dib marka ay cuslaadaan waxa ay diyaar u yihiin in ay da’aan soona daayaan roob, sidoo kale harooyinka iyo webiyaduna waa ka qayb qaataan sameysanka roobka.

Haddaba innagu ma sameysan karnaa roob innaga oo aan cidna baryin isla markaana sugin is beddelka cimilada ee xilli roobaadka?

Jawaabtu oo kooban waa haa, waxa jira wax loo yaqaan abuuridda daruurta (Cloud seeding) , abuuridda daruurtu waa habka lagu sameeyo roobka macmalka ah (Artificial rain) waxa markii u horreysay ee taariikhda la tijaabiyay sannadkii 1946-kii waxaana lagu sameeyay gudaha wershad loo yaqaan GENERAL ELECTRIC LABORATORY oo fadhigeedu ahaa magaalada New York, sannado badan ka dib waa la sii waday iyada oo ay saynisyahannadu marba heer lasoo marayeen ilaa waqti xaadirkan aynu noolnahay oo uu si buuxda uga shaqeeyo meelo badan oo dunida ah.

![](https://i2.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2019/04/1.1090196_356787947.jpg?resize=640%2C422&ssl=1)

Waddanka ugu badan ee sida joogtada ah u isticmaalayay sannadihii u danbeeyay waa waddanka Imaaraadka Carabta (UAE), sida ku xusan warbixin-ta (National Centre of Meteorology) oo fadhigeedu yahay magaalada Abu Dhabi, waxa uu Imaaraadku bilaaway isticmaalka sameyska roobka sannadihii 90-meeyadii balse sannadkii 2018-kii ayaa ahaa sannadkii ugu badnaa markaas oo ay sameeyeen 262 hawl-gal, halka sannadkii 2016-kii ay sameeyeen 177 hawl-gal oo hawada lagu bacriminayay, waxaana uu u horseeday in 30% ilaa 35% uu kor u kacay roobkii ka di’i jirey gudaha Imaaraadka.

Magaalada Abu Dhabi gaar ahaan deegaanka lagu magacaabo Al Quaa oo saxare ah waxa sannadkii 2013-kii bishii April laga isticmaalay cloud seeding, waxaana uu gaadhay roobku bishaas 136mm halka uu Intii u dhexaysay sannadihii 2003 ilaa 2014 uu ahaa 29.9mm.

Imaaraadku waxa uu kharash badan ku bixiyay sidii uu u heli lahaa roob dad samee ah oo la isku hallayn karo waana ay ku guuleysteen ayaa la dhihi karaa, ayada oo magaalooyin badan oo waddanka ahi ay helaan roob toddobaadle ah. Waddamada kale ee laga isticmaalay waxa ka mid ah Shiinaha sannadihii 2008 ilaa 2009 xilligaas oo lagu qabanayay ciyaarihii Olombikada, si la mid ah Indunuusiya iyo waddamo kale ayaa laga isticmaalay natiijadiisana waa la arkay.

Kiimikooyinka ugu mihiimsan ee loo isticmaalo bacriminta hawada waxa ka mid ah Silver iodide , silver nitrate, silver chloride, potassium iodide, solid carbon dioxide, liquid propane iyo kuwo kale.

![](https://i1.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2019/04/large.jpeg?resize=720%2C397&ssl=1)

Salaad Roobdoon

haddaba innaga soomaali ahaan ma sameysan karnaa roob innaga inoo gaar ah halkii aynu ku jiri lahayn in aynu salaad roob-doon la yiraa iyo Alle baryid aan natiijo laga gaarayn ku jiri lahayn weligeenba iyada oo aynu aragno sida ay carabtiiba uga maarmeen roobka aan la isku hallay karin ee Ilaaha laga sugo?