Eebaha culimadu maaha eebaha caamada
Aadan Cali
-7/7/2018
W aagii aqoonta Aadanuhu aadka u koobnayd, sharraxaadii ugu horraysey ee
aadanuhu kownka siiyey waxaa la odhan jiray (Animism). aragtidani waxay ku
salaysnayd in shay kastaa ruux iyo rooxaan leeyahay.
Buuraha, daruuraha, kaymaha iyo wax kasta oo kor uga wayn aadanahu waa ka
cabsan jiray, waxaanu baqdin badan ka qabay waxa loo yaqaan (Evil spirits)
ama rooxaamaha xun xun,
Isla waagaas waxaa soo baxay niman loo yiqiin (Shamans). Shamanisku waxay
sheegi jireen inay rooxaamaha af yaqaaniin, ka maslaxaadda rooxaamaha dadka
duraysana way ku duunyo qaadan jireen.
Fahankaa koobaad ee aqoon darradu asalka u ahayd ka gadaal fahanka aadanuhu
wuu kobcay sharraxaado fara badan oo kala duwanna way ka bixiyeen jiritaanka.
Halkaan u socdo aan u imaadee waqti lagu qiyaaso 12 kun oo dabshid ka hor aadanuhu waxuu bilaabay inuu salka dhigo dhaqankii raacatada ahaana beerato ku bedelo, waxaanay taariikh yahannadu xusaan inay isla waagaa tahay soo if bixii diimihii ugu horeeyay ee habaysnaa (Organized religions).
Sida laysla qirsan yahay diinta hinduugu aad bay uga facwayn tahay diimaha
kale waxaanay aad ugu dhowdhay aragtidii hore ee aadnaha (Animist beliefs)
ama inuu shay kastaa ruux iyo rooxaan leeyahay, diinta hinduuguna waxay qabtaa
in Eebbe shay kasta dhex degan yahay, Aragtida hinduuga ee abuurka ku
saabsanina waa mid in badan falsafad iyo aqoon raadis ugu dhow iimaan iyo
ogaal hubaala.
Waxaana jirta xikmad hinduuga xadaanadaha lagu baro oo tidhaa; “Eebayaasha
laftoodu abuurka way ka danbeeyeene, tolow yaa xaqiiq u garanaya meeshay wax
ka yimaadeen” (Gods them selves are later than creation,So who knows truly
whence it has arisen).
Sidoo kale waxaa adduunka waagaas ka gadaal aad ugu baahsanaa fikirka
Eebayaasha faraha badan
(Panthiest) , qolo walba iyo qabiilkastaana waxay lahaayeen Eebbe u gaara
si gaarana ay u raalli geliyaan.
Waxase intaaba ka duwan fahanka diimaha ibraahiimiyada ee kownka ku saabsan.
Diimahani (Islaanka, Yahuudiyadda iyo Kiristiyaanatiga) oo ay Asal u tahay
diinta Yahuudiyaddu waxay markii ugu horraysay fahankii adduunka ku soo
koobeen Eebbe keliya, diimahani waxay qabaan inuu jiro Eebbe awalkii horeba
kownka isagu ujeedo uu kalahaa darteed u bilaabay.
Waana isaga Abuuraha Aadnaha gacantiisa ku farsameeyay sidan uu hadda u
yaalana u abuuray.
Eebahaasi waa mid amuuraha aadanha aad u daneeya fartay qaadaana og, waa Eebbe
fog oo hadana dhow, Eebbe ducooyinka dadka ajiiba, Eebbe markuu doono adduunka
waxuu doono ka fali kara (mucjiso).
Eebbe lala saaxiibi karo xidhiidh dhowna lala samayn karo, kusin ilaa kulamo
iyo wada sheekaysiyo khaasa oo maalina! (Waa salaada iyo suuratul faatixee).
Eebahaas waa mid xikmad badan ujeedkiisa inaad goor walba garataana suure gal
maaha.
(Xikmad waxay wadaadu ugu yeedhaan wax kasta oy fahmi waayan oo ficilada Eebbe
ka mida maadama aanay Eebbe caddaalad daro, camal xumo iyo caqli xumo toona ku
tuhmi karin).
Fahankan oo ah ka asliga ah ee diimahani wadaagaan dad badan ayaa maanta
aaminsan, dadkaasi waxay isugu jiraan Caamo iyo Culimaba, faylasoofyo
fanyaqaanno iyo saynis yahanoba
Hadaba Korodhka cilmiga aadanuhu waxuu galay god kasta, aagag badan oo awalkii
hore aan Eebbe loogu tegi jirinna waxbaa laga bartay.
Ka gadaal waxaa talo ku ciirtay dadkii Eebbe aaminsanaa waxaana qasab ku
noqotay inay Eebahooda geliyaan goob kasta oon garashada aadanuhu weli gaadhin
(god of the gaps).
Hadda ma jirto dadka aqoon yahanka ah cid ku doodda in roobka rooxaani waddo,
dayax madoobaadkuna cadho alle yahay ama calaamad u yahay qiyaame soo
dhawaaday, taa bedelkeedase waxay ku doodaan inuu Eebbe yahay ka abuuray
unuggii u horreeyay ee noloshu ka unkantay iyo ili maqabataygii kownku kasoo
qarxay.
Ugu danbayn waa hubaal in diintu dib u gurasho ku jirto cilmiguna weerarka
wado.
Waxaase hadda aad u kala duwan mar walba Eebaha saynis yahanka diinta
aaminsani difaacayo iyo ka duqa caamayga ahi caabudo.
Eebaha caalimku ma aha eebaha sharafta iyo kibirka badan, kol kastana waxuu
doono fali kara ee caamaygu aadka uga cabsado.
Balse waa Eebbe hadduu jiro xitaa hawshii adduunka iyo abuurkiisa aan hawl ka
danbaysay qaban hadana Hawl gabay. Waa kii ay rumaysnaayen Sir Isaac Newton
iyo Albert Einstein.
Eebaha caamadu waa mid iyaga u eg una dabci eg waana gartood oo waa waxa
keliya ee ay suurayn karaan, waakii Montesquieu yidhi “Hadii saddex xagalku
Eebbe yeelan lahaa waxuunbu lahaan lahaa saddex dhinac” (if traingles had a
god they will give him tree sides).
Waxa sida si ka duwan aan dabcigiisa iyo siduu u eg yahay la aqoon Eebaha
culimada waxaanay badankood ka wadaan Eebbe qawaaniinta kownka ee kama wadaan
kii qawaaniinta dejiyay.
Caalimkii weynaa ee kasmafaneedka ee reer Jarmal Sigmund Freud waxuu yidhi;
“Falaasifadu waxay fasiraan macnaha ereyada ilaa aanay waxba kasoo harin
macnihii hore ee rasmiga ahaa, waxaanay Eebbe ugu yeedhaan micne aan caddayn
oo ay iyagu samysteen,
Kadib waxaabay isu digaan Rubuubiyiin iyo kuwo Eebbe rumaysan, laga yaabee
inaabay ku faanan inay iyagu heleen iimaankii dhabtaa iyo fahankii saxda ahaa
ee Eebbe, xaqiiqaduse waxay tahay inaan waxoodu ahayn hadh iyo humaag ay
abuurteen mooyee wax kale, sidoo kalena aanu ahayn Eebihii sharafta badnaa ee
dhaxalka diimaha”.
“Philosophers stretch the meaning of words untill they retian scarcely anything of the original sense; by calling god some vague abstraction which they created for themselves , and they pose as deists, as believers before the world; they may even pride them selves on having attained ihigher and purer idea of god although thier god is nothing but insubstantial shadow and no longer the mighty personality of religious doctrine”Future of Illusion
Ugu danbayn Shiikh Abdulqaadir kishki waxaan ha ogaado Eebaha soomalidu
Caabudaa inaanu ahayn Eebihii Einstein iyo Newton, inaanu ahayn Eebihii
ilaalinayey ilmaqabataygii kownku kasoo qarxay si aanu ugu dhiman darafyada
heerkulka ee daran.
Eebaha soomalidu caabudaa waa mid ay maalin kasta la hadlaan shan jeer mid
habeenkii saqda dhexe hoos u soo dega mid hadduu doono hadda aduunka bilaa
sabab rogi kara mid ducadooda iyo baryootankooda u dhega nugul.
Eebaha soomaalidu maaha mid bilaa camala sida ka falaasifada balse waa mid waxaanu ogayn oo amrini aanay kownka ka dhicin.