Ilaahay ayay u gafeen
Cabdi Garaad Yuusuf
-8/13/2020
I n badan oo kamida Quraanka mohamed markaad si miyir qaba u eegto ama aad sameyso waxay tadabarka ugu yeeraan muslimiinta waxaadba is leedahay ilaahay oo iska cayaarayo ayay hadalka ka qoreen waa hadaanba ka soo qaadno inuu jiro wax ilaahay layiraah oo cirka kursi u yaal layiri 8 ayaa sida aan la aqoon waxay yihiin.
Waxaad arkeysaa ilaahay oo caayaya nin caraba iyo naagtiisa, mararka qaarna sankaan kaa calaameyn leh, ama leh foodaan ku dhegeynaa, waxaan is iri waxa ay ku sheegaan malakul jibriil ayaa ilaahay oo iska kaftamaayo mohamed oo stress god kula jira kala dul dhacey.
Waayo ilaahayga ay leeyihiin waxa planet aduunka jiruu sameeyey uma qalanto inuu dhaho dumarka markey tukanayaan jirkooda aad ha u sii qariyeen waayo ilaahay ayaan ogoleyn haween qaawan oo tukaneyso.
Waa yaabe ayagoo dharka qabo ma arki karo miyaa? Oo intaan anaga aragno ayuu arki karaa asagana inkastoo ilaahay dumarka sigaara u beegsadey waa siduu mohamed ka soo sheegaye, uma eka warka ilaahay loo tiiriyo ee quranka wax ka yimid noole xilmad leh.
Nin caraba oo cuqdad naageed qabo warkiisa ayuu u eg yahay misna boqortooyo heley sidaas ayuu dumarkii miduu caruurnimo ku fuulo iyo miduu ninkeedii ka furto iyo kuwa uu nacalad dusha ka saaro oogu qaybshey dumarkii la noolaa waxyigii mohamedkii saxaraha sacuudiga ka soo muuqdey qarnigii 7aad.
Umaleyn maayo ilaahay xitaa haduu jiro inuu la soo shirtigi karo qof aan mar hore cadaab u sii qorey ayaan rabaa inuu I baryoo danbi dhaaf i weydiisto oo weliba cibaado iyo baryadeyda ku baroortaa har iyo habeyn.
Waxay la mid tahay computer ama system aad progaraamisey misna aad tiri waxaan ku shubey waxaan ahayn waa inaan ka helaa hadaan ka waayana dab ayaa yaqaan oo ku shidi.
Tolow ilaah ay xikmadiisu saas tahay sidee u kala wadaa aduunkaan iyo nolshaan mowjadaha is diidan ku dhisan, ilaahow hadaad jirto cida ugu weyn oo kuu gaftey waa kuwa isku magacaabey rususha ama ambiyada iyagoo ku an dacoonayo ilaah ayaa dhegta wax noogu sheegey.
Kuwaas hadaad ka aarsan weydo ilaahay ama aad soo gole joojin weydo fagaare la yaqaan waxaan kuu aqoonsan doonaa qoodh iyo xeraale aan mudneyn in laga hadla xitaa.