Bilowga ilaaha diimaha Ibraahiimiyada
Cabdiqaadir Shariif
-9/12/2018
D unidan aynu ku nool nahay ku dhowaad shan kun oo ilaah ayaa lagu
caabudaa lagana aaminsanyahay, ilaahyadaas qaarkood dhoobo ayaa laga sameeyay,
qaar dhagax, qaarna geed halka kuwa dahab laga sameeyo sida kuwa Hindida.
Qoramadan waxaan xoogga ku saari doonnaa ilaaha Ibraahimiyada oo kamida
Ilaahyada aan muuqan ee qaar kamida diimuhu aaminsan yihiin. Ilaaha diimaha
Ibraahimiyada marka aan leenahay waxaan ula jeednaa Ilaaha seddexda diin
(Judaism, Kiristan iyo Islaam) rumaysan yihiin inuu soo diray nabiyo iyo
kutub, inkastoo ilaaha seddexdan diimood marka hoos loogu dago uuna ahayn hal
Ilaah balse uu noqonayo saddex ilaah oo aanan shuqul iyo shaqo toona wadaagin,
xattaa aanan isku si u shaqaynin. Ilaahan jiritaankiisu waa mid ku salaysan
malo iyo rumaynta wax aanan la arag oo maqane ah. Bal inta aanan qoraalkan u
galin aan isla eegno dood dhexmartay Xaqiiq iyo saaxiibkeed Mala Awaal oo
sidatan u dhacday:-
Mala awaal: Ilaah baa jira.
Xaqiiq: Caddayn keen!
Mala awaal: Caddayn waa in uu adiga, Cirka iyo Dhulkaba abuuray.
Xaqiiq: Aniga dhoobaa la iga abuuray waan maqlay, Cirka iyo Dhulka maxa
laga abuuray?
Mala awaal: illaahbaa og.
Xaqiiq: Saaxiib ilaah asaga yaa abuuray halkee buusa ka soo bilowday?
Mala awaal: ilaah lama abuurin, ma lahan bilow mana lahan dhamaad.
Xaqiiq: Saxiib markii hore shaki baa igu jiray laakiin hadda waan
rumaystay in uusan ilaah jirin, waayo wax aan bilow iyo dhamaad lahayn waa wax
aan jirin un. Mahadsanid, saaxiib mala awaal kullanti danbe!
Halkaas aan uga soo gudubno labadaas saaxiib ee aan waligood is fahmayn. Ibraahim waa ninka ay ku abtirsadaan diimaha ibraahiimiyada aan kor ku xusnay. hadaba waa kuma Ibraahim?
Ibraahim waa nabi ama qof sheegtay in xagga sare laga doortay oo farriin side
ah sida dadka diimahaas raacay aaminsan yihiin. Ibraahim taariikh cajiib ah
ayuu leeyahay. Aabihiis wuxuu qori jiray sanamyada oo xaafad sanamyada lagu
sameeyo buu ku dhashay, markuu waynaaday way u cuntami wayday dhagaxaan uu
aabihii sameeyay inay wax u qaban karaan. Wuu ku caasiyay dhagaxii oo qorrax
caabude ayuu noqday, laakiin wuxuu ogaaday muddo kadib in qorraxda aysan waxba
dhaamin dhagixii uu aabihiis xaafadda ku samayn jiray, kadib buu mala awaashay
sheeko ah ilaah lama arko waana kan qorraxda soo saara ee hadana rida, cirka
ama xagga sare ayuuna degan yahay.
Maalin maalamaha kamida ayuu maqlay cod magaciisa ku dhawaaqay oo leh
“Ibraahimow”! Hadduu geesaha fiiriyay cidna ma joogto, wuxuuna is yiri
ilaahaagii aad radinaysay baa kuu dhawaaqay.
Akhristow waligaa makugu dhacday in adiga oo meel fadhiya aad cod dheer magacaaga ku maqashay, markaad geesaha fiirisayna ma wayday cida kuu yeeraysa. Haddii jawaabta haa tahay, ogow nabi ma tihid yaysan sida Ibraahim kaa hoos bixin ilaahayna kulama hadlin ee waa arrin caafimadka la xiriirta oo mar baan si gooni ah uga hadli doonaa, laakiin intiina jecel inay ogaato waxaad ka raadin kartaan Internetka xaaladda (Deja vu), xaalada Déjà vu waxa ay ku tusi doontaa arrimo badan oo ku saabsan waxa Ibraahim iyo adigaba idinku dhacay.
![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp-content/uploads/2018/09/abraham- isaac-sacrifice-color.jpg?resize=300%2C198&ssl=1)
Ibraahim arrinkii ahaa ilaah ba kula hadlay baa ku sii waynaaday, wax walba uu
mala awaasho ilaah baa kugu yiri ayuu ku qanciyay naftiisa. xattaa mar buu
mala awaashay ilaaha oo faraya inuu gawraco ilmihiisa, isagoo u xayd-xaytay
inuu qalo wiilkiisa ayuu arkay wan wayn oo habow ah oo xaafaddiisa soo galay,
wuxuuna mala awaashay mar kale in Ilaahu soo diray wanka si uu wiilkiisa
gawraca uga badbaadiyo.
Ibraahim arrinkii baa u qarxay oo dad badan buu ku helay oo raacay, Ibraahim
nabinimadii wuxuu ka dhigay saldanad. Labadiisa wiil ee Ismaaciil iyo Isxaaq
wuxuu dadkii u sheegay inay yihiin nabiyoilaahu la hadlo, Isxaaqna Yacquub baa
nabinimadii ka dhaxlay, Yacquubna Yuusuf baa ka dhaxlay, yuusuf wiil ma dhalin
nasiib darro haduuse wiil dhali lahaa wiilkiisaa ka sii dhaxli lahaa.
Akhristow macquul ma tahay in ilaah hal qoys qudha la hadlo oo dunidii kale
oo dhana ka aamuso? Maxaase keenay inuu deegaan yar kumanaan nabi u soo diro
iyada oo ayna jirin ilbaxnimooyinkii waawaynaa iyo adduunka intiisa kale cid
sheekooyinkan hore u maqashay ama sheegtay in cid awood sare wakiil ka ah loo
soo diray?
Sannado yar ka dib nabinnimadii waxay noqotay wax qof walba iska sheegto, kun
nabi baa soo baxday, lama wada xusi karo bal kuwa muslimiintu rumaysan yihiin
qaar kamida aan aragno. Qur’aanka inta nabi ee ku xusan, intooda badan way is
dhaleen, sida Yacquub iyo Sulaymaan, qaarna waa walalo sida Muuse iyo Haaruun,
qaar seediyaal bay isku yihin sida Muuse iyo Shucayb qaar waa qaraabo. sida
Sakariye iyo Ciise oo kale. Qoys walba ilaahaas aan la arag yaan lagaa xigsan
bay is yiraahdeen, nabinimadiina saldanad bay ka dhigeen la iska dhaxlo oo
xitaa Maxamed oo ah nabiga Islaamka wuxuu geed dheer iyo mid gaaban u fuulay
oo naag nooc walba u guursaday si uu u helo hal wiil oo ka dhaxla nabinimada
balse nasiibku ma garab qaban.
Haddii uu ilaahan diimaha Ibraahiimiyadu yahay mid xikmad iyo ogaal badan
miyuu garan waayay qaab uu farriinta ku gaarsiiyo dadwaynaha adduunka oo idil
oo aan ka ahayn inuu dhawr boqol oo nin oo hal deegaan jooga afka dhagta u
saaro oo hadana ay ku fashilmaan oo kuwa kale diro isagoo adeegsanaya isla
qaabkii kuwii hore ee guul-darraystay, nabiyada badan ee uu idray waxaad
moodaa inay ka go’nayd inuu farriintiisa dadka gaarsiiyo balse mar walba guul
darro la hoyanayay.
Ilaah sidee buu u egyahy, diinta islaamku waxay leedahy ilaahay suuraddiisa ayuu bini’aadanka ka abuuray. Ilaah hadduu nin yahay waa nin dheer oo xoog badan oo cas oo timo madow leh, food yar oo qurux badan u jaran tahay, gacmo waawayn, indho qurux badan leh, aan buurnayn, caatana aheen, ilko cad cad leh, bishimo yaroo guduudan leh, aadna u wayn. Haddii uu naag ama qof dumara yahayna wa naag cad oo dheer, laf wayn leh, cabaadhyo yaroo qurux badan leh, naaso taag taagan leh, dhex yar leh, badhi xoogaa yara wayn oo qurux badan iyo kub wayn leh, timo dheer oo barida joogana leh. Haddii uu suuraddiisa naga abuuray labadaas qaab ee kore un buu mid u eg yahy, ileen ilaah nin iyo naag wuxuu yahay ma naqaanee. sababtaan quruxda ugu tilmaamayna waxaan maqlay ilaah wuu qurux badan yahay, waxa quruxda badan buuna jecelyahay. marka gun ma ihi oo waxaan jirin qurux aan jirin u diidi maayo. Akhristow aniga ma oran ilaah ba saas ah ee dadki ilaah abuurtay baa u u abuuray sida bini aadamka oo kale.
Waxaa jira waxyaabo badan oo caddayn u ah in ilaahani yahay mid khiyaaligeenna
aynu ka abuurnay, waxana kamida inuusan lahayn awoodda badan ee aynu siinay oo
wax walba dadka ayuu u dabo fadhiyaa, tusaale ahaan gurigiisa(masjidka) ma
dhisan karo oo dad ayaa u dhisa kana ilaaliya in la dumiyo, dad ayaa u
dagaalama ama difaaca marka la dhaliilo oo isagu hanjabaad iyo gooddin ma
dhaafsana warkiisu. Ilaahani (ka islaamka) dabeecadaha dadka oo dhan ayuu
kulansaday waa mid xanaaqa, farxa, qosla, murugooda, qoomamooda, qabwayn,
dhagar badan, khiyaaneeya, ku jeesjeesa dadka, Ogaada/wax barta, caytama,
ammaanta jecel, cadaw iyo saaxiib leh… Sidoo kale sida Quraanka iyo
axaadiithtu tilmaameen waxa uu leeyahay Gacmo, lugo, waji, indho, kursibuu ku
fadhiyaa ay malaa’ig garbaha ku sidaan sida boqorrada xittaa axaadiithta qaar
ayaa tilmaama inuu yahay wiil dhalinyaro ah oo bilaa gar ah.
Warka oo kooban Ilaaha Ibraahim la yimid waxba kama duwana sanamyadii iyo
qorraxdii uu bisaguba eeniyay, wax ayna kuwaasi qaban karin oo uu qaban
karaana ma jiraa balse sirta ayaa ah inuu yahay mid qarsoon oo ay adag tahay
in la beeniyo jiritaankiisa iyo jiritaan la’aantiisa wana ta keentay in ilaa
maanta diimaha doortay ilaahan qarsoon wali sii jiraan.