Waa maxay lacag?
Cali Barre
-12/20/2017
D hamaadka[ qormadii hore](https://kaashomaanka.com/ribadu-ma-ganacsi-xun- baa/) ee aan ku qaadaa dhignay waxa ku jaban ganacsiga ribada, waxaan ku soo sheegnay in ka ganacsiga lacagta iyadoo laga raadinayo ribix ama faaiido uusan waxba kaga duwaneen noocyada kale ee ganacsi ay wadaadada arrimaha diinta ku xeel dheer u yaqaanaan ribo. Balse si ay noogu suurtagasho fahanka arrinkaas waxaa lagama maarmaan noqoneyso inaan bal marka hore soo lafa gurnaa waxa lacagi ay tahay, oo runtii fahandaro badani ay ka jirto.
WAA MAXAY LACAG?
Si lacagi waxa ay tahay aad u fahantaan iyo danta keentay in asal ahaan loo
baahdaa gabi ahaanteedaba kaliya waxaad sawirataa nidaam aysan lacag oo dhami
jirin iyo sida ay dadku baahiyadooda u dabooli karayaan.
Sidaan qormooyinkii horaba ku soo sheegay, qof walbaana uu si fudud u fahmi
karaayo, ma jiro qof qura oo wax walba uu u baahanyahay kaligii soo saaran
karo ama sameesan kara, taasi oo qasab ka dhigtay in si qofku u buuxiyaa
baahiyadiisa nololeed uu dadka kale ganacsi ama wax-isku-badalasho la galaa.
Hadaba, si qofka ku nool nidaamkaas aysan lacagi jirin uu u helaa waxa uu u bahaanyahay, wuxuu ku qasbanyahay:-
- Inuu suuqa keenaa wax ay dadka kale u baahan yihiin.
- Raadiyaa qof heesta waxa uu u baahan yahay.
- U na baahan waxa uu isaga heesto.
- Diyaarna u eh wax isku badalasho.
Tusaale ahaan, Garaad waa beeralay digir tabcada, wuxuu u baahday maalin maalmaha ka mid ah inuu mallaay bal cuno, hadaba si uu mallaaygaas u helo muxuu Garaad u baahanyahay? wuxuu u bahaan yahay marka hore inay digirtiisu soo go’do, kadibna baadi good u galo mallaay-le baadi good ugu jiro digir, markaa kaliya uun buu Garaad baahidiisa mallaay buunxin karayaa.
Sida iska cad ba nidaamka noocaas ah wax isku badalashada aad bay u adkaan,
tasoo iyana nolosha guud ahaan adeeg ka dhigtay, maadaama ayba adag tahay in
aad heshaa qof waxa aad u baahnatahay u baahan, heestana waxa aad adiga
raadineyso, diyaarna u ah isla markaa inaad waxaad heesataan isku badalataan.
Si dhibkaas looga baxaa, hadaba danta waxay qasabtay in la helaa waxa dadka u
suurtagalin kara inay si fudud oo waxtarna leh wax iskugu badashaan. Halkaas
waxaa ka dhashay waxa aaan maanta lacag(Money) u noqaan.
Hadaan u soo laabano waydiinteenii hore ee eheed waa maxay lacag(Money)?
Lacagi waa wax walbo oo astaamaha soo socdo laga helaa:-
-
Waa wax kasto oo loo adeegsan karayo wax-isku-badalasho (Medium of exchange), tusaale ahaan, halka uu Garaad si uu u iibsado kiilo mallaay ah, uu u raadin lahaay malaayle digir raadinaya, una arko in kiiladiisa mallaygaa ay u dhigmato kiilo digir ah, waxaa ku filan inay jirto ”wax” dadkoo dhami ay diyaar u yihiin markey wax isku badalanayaa inay aqbalaan, hadii ”waxaas” uu helo , kaliya waxaa ku filan inuu digirtiisa ka iibsho qof walboo digir u bahaan, deedna ”wixii” looga badashay digirta qaato, oo uu malayle u tago, deedna siiyo inta uu maalayle uga baahanyahay ka siiyo waxaas.
-
Qiimaha tacabkaagana muddo badan kuu keydin karaya (Store of value) oo uu macneheedu yahay, hadii Garaad uu u baahdo inuu kiiladii digirta ehayed soo ceshado muddo ka dib, waa in wixii (lacgtii) uu markii hore ku badashay ay u goyn kareyso hadda.
Astaantan waa tan ay dhaqaalyahanno badan ay ku kala saaraan lacagta(Money) iyo warqadaha maanta wax lagu kala iibsado(Currency), balse hadda mowduuceenu ma ahan farqiga u dhexeeyo money iyo currency. -
Ugu dambaynna waa in loo isticmaali karayo cabbir lagu qiimeeyo waxa la rabo in la kala iibsado (a unit of account/measurement), oo macneheedu yahay waa inay noqon kartaa ”cabbir” sida kiilo ama mitir wax lagu cabbiri karayo, si ay suurtogal u noqoto in la qeyb-qeybiyo sida nus, kiilo, rubac kiilo ama tumun iyo wax ka sii yarba, oo haddii loo baahdo in la isku daro ama la kala jaro ama la isku dhufto ama la qeybiyo ay intaba suurtagal noqoneyso.
Tusaale ahaan waa in la dhihi karayo kiilo digira waxay u dhigantaa 2 (cabirka lacagta magacuuu doonaba ha yeeshee), 2 kastoo oo lacagtaas ka mid ah qofkii doonaba ha heestee waa inay la mid tahay 2da uu qof kalaa heestaa, taas oo macneheedu yahay waa in labada labo aysan kala qiimo badnaan, iyo in haddii loo baahdo in 2daa wax lagu daro ama laga dhimo ay tahay wax suurtagal ah, sida haddaad tacab ka mid ah tacabkaada aad 2 lacag ah ku iibso, mid kalane aad ku iibso 3, waa in ay labadoo qiimo ay isku darmi karayaan.
Gunaanadkii waxaan dhihi karnaa lacagi waa uun wax kastaa oo noo keydin karayo qiimaha tacabkeena inta aan ka heleyno wixii aan u baahneen inaan tacabkeena ku badalanno, oo ay dadkoo dhami ama qeyb ka mid ah ay diyaar u yihiin inay tacabkooda ku badashaan.
Hadaba, mar haddii lacagtu tahay uun weel tacabka lagu keydiyo, qofkuna inuu tacabkiisa ka ganacsadaa ama dadka kale tacabkooda uga badasho u bannaan tahay, waydiinta is weydiinta mudan ayaa noqoneysa, maxaa diidaya in qofi qiimaha tacabkiisa (ama lacag dheh ama magac kale u bixi haddaad doonto) uu ka ganacsado ama dadka kale qiimaha tacabkoodo ama tacabka laftiisa uga badasho? Mar hadiiba lacagtu aysan cirka ka soo dheceenin, oo ay tahay uun tacab rageed oo ”wax ay dadkoo dhami aqbalayaan” laga dhigay. Sidoo kale ka ganacsiga lacagtu ma sida ay ku andacoodaan wadaadada ku xeel dheer arrimaha diinta wax xun baa, mise wuxuu la mid yahay uun ka ganacsiga tacabka laftiisa? Waydiintaan iyo warcelinteedaba waxaan ku lafaguri doonaa qormooyinka soo socdo, balse inta laga gaarayo, waxaad aqristow isi sii weydiisa bal faqriga u dhexeen karayo labadaa ganacsi?.