Tijaabadii Aristotle
Gallad Gurxan
-10/20/2019
Ku dhowaad seddex boqol iyo konton sano kahor dhalashadii Ciise (350 CH), xilli hadda laga joogo laba kun seddex boqol iyo konton sano (2350) ayuu Aristotle sameeyay tijaabadiisii caanka ahayd ee ukumaha ee uu ku ogaaday sida uurjiifta digaaggu iskula badasho waqtiga iyo sida ay u samaysanto. Waxa uu ku ogaaday tijaabadan in wadnuhu yahay xubinta ugu horaysa ee samaysanta. Waxa uuna tuhmay in insaanku leeyahay ukun, balse aysan ayagu arki karayn. Waxa uu yiri, uurjiifta digaagga waxa ay u egtahay uurjiifta insaanka oo bilaw ah. Tijaabadan iyo kuwo kale oo uu ku sameeyay nooleyaal kale, waxa uu ku gunaanaday, in dhammaan uurjiiftu isku hab raacaan oo ay bilawga horumarka isku egyihiin, balse marxaladaha dambe ee horumarka uu mid walba yeesho tilmaamihiisii u goonida ahaa ee ka dhigayay mid ka duwan kuwa kale sida faras, kalluun, digaag iyo xattaa insaan.
Kun iyo afar boqol (1400) oo sano kahor ama si kale haddii loo yiraahdo, kun sano kadib xilligii uu Aristotle tijaabadda sameeyay, Allaah oo doonaya in uu bal insaanka wax baro, cilmina u sheego, ayaa yiri, waxaan idinka abuuray biyo duulaya, kuwaas oo ka yimid kalxanta iyo feeraha. Ma jirto meel uu Allaah innoogu sheegay in insaanku ukun leeyahay sidii uu Aristotle-ba tuhmayay, mar dambena cilmigu xaqiijiyay. Arrinta ugu cajiibka badan, waa in uu Allaah inoo sheegay in uurjiifta insaanka aysan noolayn illaa laga gaaro isbuuca lixaad, kolkaas oo uu Allaah usoo diro malag ku afuufa nafta. Allaah waxa uu ilaaway in uurjiifta ay marwalba nooshahay, haddii aysan nolol jirinna uusan korriin jireen.
Allaah marka uu cilmi inoo sheegayo waxa uu innoogu sheegaa hab ilu-aragtay ah kana fog in la isku sheego. Haddii aan ku iraahdo, kolka aad qubaysato waad qoydaa, wax cusub kuuma aanan sheegin. Sidaas oo kale roob ayaa cirka ka yimaada, buuraha waa ay waaweynyihiin IWM ma aha cilmi, balse cilmigu waxa uu noqon lahaa in la inoo sheego sida roobku u samayso iyo waxa uu ka samaysanyahay.