Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Soofaynta maskaxda bulshada soomaalida

Aadan Xuseen

-

12/9/2018

Soofaynta maskaxda bulshada soomaalida

M uhiim ma tahay inaan fekerno bulsho ahaan iyo shakhsi ahaanba? Haddii aan fekerka iska dayno sida xoolaha u noolaano soo nafis iyo nasteexo maaha? Waxaa hubaal ah in suaalahaas dadka badankooda jawaab “HAA” ah bixin doonaan waayo bulsho kasta waa inay fekertaa si ay u noolaato. Haddii aan maanta caagad shanlay caano ah suuqa geeyo oo 5 galaan midba siiyo 8 kun oo shillin iyo haddii aan Masaajidka Cali Mataan u guureeyo salaadda subax oo digriga halkaas ka wado maxaa farqiya oo noloshayda ku imanaya? Hagaag, waan hubaa in qofka masjidka fadhiistay lacagta kaliya ee soo gali kartaa tahay tuugsi iyo sadaqo, halka qofkaas caanaha suuqa la meerayay uu nafsad ahaan ku qanacsanyahay go´aan qaadasho fiican inuu sameeyay oo isagu soo shaqaystay shilimaadka uu helay. Waa tusaale tani, ujeedkuna waxuu yahay in qofku mar walba is waydiiyo Sabab? Maxay? Sidee? Goorma?. Waxaan uga jeedaa haddii aan ku noqdo tusaalaha caanaha maxaa laga faaidayaa iibkooda? goorma ayay habboontahay iibkoodu? Sideen u iibiyaa miyaan la fadhiistaa mise waan la wareegaa aniga oo “caano- caano-caano” leh! Halkee ayaan geeyaa ma suuqa wayn mise dukaamada ayaan ka gadaa? Waxaas oo suaalo basiid ah ayaa nolosha macno u yeela ee meeshan la iswaydiin maayo buuro iyo samada oo sallaan la’aan lagu koro.

Dhinacyo badan ayaa la rabaa inaan ka fekerno; dhaqaale, dawladoobid, maamul wanaag, Ixtiraamka dadka, caafimaadka, wadanka oo la casriyeeyo, waxbarashada oo la xoojiyo, waxsoosaarka oo la dhiirrigaliyo, akhriska iyo Falsafadda oo Iskuullada lagu dhigto, wadaniyadda iyo danta guud oo laga shaqeeyo. Kow qofku waa inuu ogaado inuu xaq u leeyahay inuu nolol fiican ku noolaado isaga oo aan wakhtigiisa ku lumin maalaayacni iyo xaglo-laabasho qaddar ah ee uu la xisaabtamo noloshiisa wixii ka qaldamana saxo, wixii u hagaagana isu hambalyeeyo ama hambalyayso. Qofka soomaaliga ah ee moodaya in digri iyo burdayn wax lagu helo ha ka baxo riyada iyo ismaaweelinta dhalanteedka ah. Ha ogaado in masuuliyad ka saarantahay ubadkiisa oo haddii uu afar dhalay ay tahay inuu caafimaadkooda, waxbarashadooda, arradkooda, damiirkooda, fekerkooda u diyaarinta iskufilnaashaha mustaqbalka iyo ku barbaarinta wanaagga, ixtiraamka, wada noolaanshaha, ilbaxnimada, iyo waxkasta oo uu ubadku ubaahanyihiin isagu ka masuulyahay ee aanay ahayn wax shaqaale meel taagan hore ugu qoray. Tan qofka aamina in Ilaahay u qoray qof walba wixii uu quudan lahaa waa xummad-jabin lagaga gabanayo masuuliyad, waayo haddii ay run ahaan lahayd qof walba akoonka lacagta loogu qoray ayuu meel uu ku ogyahay u doonan lahaa se waa marin habaabin aan la macnayn karin ujeedkeeda gurracan.

Qofka Soomaaliga ah ee la nacsiinayo adduunyadan ha ogaado inuu nasiib badan yahay oo uu ka abuurmay isbarmatosiyaad malyuumaad ah oo uxgaanta hooyada ku legdamay. Waa inuu ogaadaa ama maanka ku hayaa in dadkiisa iyo dalkiisuba ay isaga u baahanyihiin haddii ay noqoto dhakhtarnimo caafimaad, macalimiin tacliinta habboon ku barbaariya ubadka, Saynisyahano bidhaamiya xaqiiqooyinka nolosha, faylasuufyo iyo mufakiriin abuura waydiimo ka sifeeya dadka haraadiga sheeko xariirooyinka quruumihii hore, ciidan waardiyeeya dalka, farsamayaqaano waddooyin iyo fooqaq dhaadheer taaga, iyo madax qabyaalad diid ah oo siyaasad huffan oo adduunyo jacayl ah ku hoggaamiya wadankood. Soomaali haddaan nahay waa inaan diidnaa inaan noqonno dad caafimaadkoodu hooseeyo, musuq badan, akhriska neceb oo dunida ka xidhxidhan, baryootan badan, caadifad badan, Qabwayni jaahilnimo leh, aragti yar oo aan dood iyo kala duwanaasho aqbali karin, qabyaaliya iyo quuste nolosha naca dabadeedna qaraxyo ismiidaamin ah ku qudhbaxa. Wax kasta oo aad aragto ama laguu sheego waa inaad suaal godan galisaa, ilaa dhayda laga caddeeyana aanad ka hadhin ama ku qanac ama tuur markaas ka dib.