Sideen ku ogaan karnaa diinta saxda ah?
Cabdirisaaq Macalin
-5/31/2017
Waxa aan ahey qof Soomaaliya kuma hadlo carabiga seen ku ogaan karaa in diinta islaamku tahay diinta ugu saxan diimaha?Dadkayga miyaan dhinac ka raacaa ? Mise waxaa isaaran in aan ogaado saxnimada diinta aan qaadanayo?
M idda hore haddii ay tahay laba arrimood middee weeye? Ma ilaahay ayaan
ku raalli galinnaa mise dad ayaan ku raalli galinaa?
Haddii ay tahay in aan ilaahay ku raalli galinayo saw ilaahay ma oga in aanan
diintiisa aqoonba u laheyn miyuu igu rabaa jahliga iyo in aan la jaanqaado
bulshada? Haddiise ay tahay in aan bulshada ku raalli galinayo wax aanan aqoon
ama rumeysneyn saw ma noqoneyno bulsho nifaaq ku nool ah oo kala baqda oo
hoosta ka dunsan?
Se haddii ay tahay in aan baaro saxnimada diinta miyaan qaadanayaa oon rumeynayaa kahor inta aanan bogan baaritaanka? Maxaan se u baahanahay si aan u gaaro saxnimda diinta?
- In aan barto luqadda carrabiga illaa xad aan awoodo in aan taxaddiga Qur’aanka ee ah inayna jirin cid la iman karta isagoo kale aan aqbalo oo la imaaddo mid lamida ama gacanta ka taago.
- In si qota dheer u darso Qur’aanka illaa aan awood u yeesho in aan u fahmo sida uu yahay.
- In aan darso diimaha kale oo idil oo gaaraya kumanaan.
- Si aan u darso diimaha kale waxa aan u baahanahay in aan barto luqadaha asalka u ah diimahan si aan uga fogaado ka been sheeg.
- Marka aan barto luqadahan kumannaanka gaari doono waxa aan u baahanahay diin walba in aan u barto sida tan islaamka.
- Markan ayaan billaabayaa in aan is barbardhigo diimaha oon helo farqiga u dhaxeeya dhammaantood si aan uga bad-baado in aan go’aan qaldan gaarro.
Diimaha adduunka ka jira wadartooda waxaa lagu tilmaamaa inay gaaraan 10,000( toban kun) waxaa ka mid ah 150 diin oo ay heystaan mid walba oo ka mid ah hal malyan oo qof kusii darso in aanay hadda joogin hal rasuul oo dadka hor taagan oo leh arka mucjisadii alle ila soo diray sidii ummadahii hore lagu sheegay.
Diin kasta oo diimahaan ka mid ah xitaa tan islaamka waxaa ka dhex jira
tobanaan ama boqolaal kooxood oo sheeganaya in ay yihiin kuwa sida saxda ah
diintooda uga tarjumaya.
Markaad diin ka mid ah qaadato waxa aad ku qasbanaan doontaa in aad haddana
daristo oo is bar bar dhigto midda saxa kooxahan.
Caqliyan iyo camaliyan cumrigaagu hadduu gaarro boqol sano sooma afmeerikartid shaqadaas lagama maarmaanka u ah qofkasta oo raba in uu qaato diin.
Haddaba marka ilaahay cadligiisa, naxariistiisa iyo la is bar bar dhigo
dacfiga aadanaha waa mustaxiil in ilaahay ku cadaabo qof aadami ah; “sideebaad
ku garranweysay diinta saxda ah”?
Balse marka ilaahay aan ku qiimeynno sida innagu aan ku fakarno u difaacno
gobolka aan u dhalannay, qabiilka aan u dhalannay, diinta aan ku dhalannay eed
u mooddo in ilaahay sidaas kuula xiiqsan yahay waligaa kuu soo bixi meyso in
aad gar qaadato, ee gabar baadiyaha Shinbiraale ari ku ilaashaneysa ayaad kula
colloobeysaa salaaddii ma tukatay adiga oo aan xitaa is weydiin tolow ma
taqaan tawxiidk macnihiisa mase sidii aabaheed ay uga dhaxashay xaynta ariga
ah ayay uga maqashay kalimaddan tawxiidka.
Mid Soomaali ah oo baadiya geel ku ilaashanaya ayaa la weydiiyay ilaahay iyo rasuulkiisa ma taqaan markaas ayuu yiri “kalama foga oo in ay qaraaba yihiin ayaan filayaa!”.