Shiil maskaxda oo ka digtoonow halista khuraafaadka
Shaafici Xasan Maxamed
-3/4/2018
D adka ka ma ay dhexayso markii ay dhintaan waxa ay mudanayaan iyo in ay sanab dhuumanaya wada caabudaan. Khuraafaadka ay dadkeenna badankoodu riman yihiin waxaa in uu xaq yahay uga marag ah dad dhintay oo lafo ah iyo sanab aan muuqan oo cadow ciilqaba ah. Waa meesha ay maahmaahdu tahay “Beenlow nin dhintay iyo nin dheer buu marag gashadaa”. Wax kale oo markhaati ah ma ay hayaan dadka ku dheggan khuraafaadka duugga ah oo lagu baadiyoobey.
Waxaa dadka ka dhexeeya in ay istixgeliyaan oo aan qof la caayin, qof la dhicin oo qofna la dilin iyo in ay aragtiyo xalaal iyo fagrado saxan isku darsadaan si ay halganka adag ee nolosha uga jibo keenaan. Khuraafaadka la isku qufuley waxa uu dullaynayaa qofnimada waddaniga oo waxa uu ka dhigayaa qof aan daliil caqli ah keeni karin ee sida xoolaha ku ciya wax uu maqlay oo laga soo minguuriyey dad hore oo joogey xilli ay dadka badankoodu khuraafaad ku noolaayeen.
Waxaa dadka ka dhexeeya in ay isu kaashadaan sidii ay nolosha liidata oo aan fakarka ku salaysnayn uga bixi lahaayeen oo ay ugu gudbi lahaayeen in ay maskaxdooda ku shiilaan aqoon adduunyo oo khuraafaad ka maran iyo aragtiyo fog oo ay danahooda ku gaari karaan. Khuraafaadku waa been lagu curyaamiyo qofnimada madaxbannaanideeda iyo aqoonta nuxurka leh, waxaana dhab iyo run ah aysan khuraafaadka duugga ah waxba ka jirin ee uu yahay dhibaato ummadda ka dabraysa in ay awooddooda maskaxeed iyo quwaddooda muruq si habboon uga faa’iidaan.
Ma uu jiro wax ka qaalisan maskaxda iyo dhugmada in laga la soo baxo hannaankii looga bixi lahaa saboolnimada jeebka iyo in la soofeeyo hodannimada shakhsiyadda waddaniga ah. Ma ay jiraan dad dibdhac ka guurey oo hore u socday oo aan adeegsan awoodaha aqoonta saxan iyo tabarta murqaha. Diimuhu waa ay ka la khuraafaad badan yihiin oo qaar buu waddanigu marmar khuraafaad sameeyaa, inta wakhtigiisa ka soo hartayna uu xor yahay. Qaar diimaha ka mid ah qofku wakhtigiisa oo dhan ama in aad u badan buu khuraafaad ku jiraa. Diinniba midda ay qofka aad ugu mashquuliso khuraafaadkeeda ayey kuwa kale ka shar badan tahay. Waxa ay diimuhu u ka la xun yihiin sida ay qofka wakhtigiisa ugu ka la lumin badan yihiin oo haddii wakhtigaaga badankiisa aad khuraafaad ku lumisid waxa aad aamminsan tahay diin aad u khayr daran.
Maskaxdaada sunta khuraafaadka waxa aad ugu beddeshaa in aad ku nadiifisid aqoon ku dhisan garaad saliim ah iyo in aad danaha adduunyo ku eegtid caqli suubban oo aayo u leh adiga iyo ummaddaada. Ka xorow xargaha khuraafaadka hooseeya oo lagugu khiyaamay!
Khuraafaadka diimuhu waa dad khaa’imiin ah oo xilli hore dhintay wax ay dadka ku qufuleen oo ay uga dhinteen, mana laha daliil caqli ah oo qoddo dheer. Maskaxdaada weyn ee qaaliga ah yuu ku ciyaarin qof dhintay oo khaa’in ahaa, oo aan dadka uga tegin wax aan ahayn in ay iyaga oo aan fakarayn meel cidlo ah khayr ka raadiyaan.
Hadal ay ka muuqato in uu yahay wax xilli fog jirey oo aan xilli kale ku habboonayn. Hadal ay ka muuqato maangaabnimo iyo jaahilnimo oo la isaga digriyo inta la isku qufulo. Hadal ay ka muuqato in uu isburinayo oo aan isku toosnayn. Hadal ay ka muuqato in dadkii sameeyey aysan dadnimada xushmo iyo mustaqbal u hayn ee ay rabeen in ay ereyo yaryar maskaxda ku dabraan. Hadalka uu badankiisu caqliga suubban ka soo hor jeedo, oo baqdin iyo cadaadis badan xanbaarsan. Hadal duruufo iyo taariikh dad xilli joogey ku saabsan oo qaarkiis la moodo in qosol loo la jeedo. Hadal lagu faafiyo oo lagu haysto cabsigelin iyo cagojuglayn, oo aan carruurta loo oggolayn in ay iyaga oo aan baqayn fakaraan. Hadal dadyowga nacayb iyo cuqdado dhex dhigaya oo diradire ah.
Hadal, hadal, hadal weligaaba wad oo khuraafaadku waa wax riqiis ah oo qiimo jaban oo dadka wakhtigooda lagu lumiyo, garaadkoodana lagu dulleeyo, markii aad dhimatid iyo inta aad nooshahayna wax uu ku tarayaa ma jiraan. Maskaxdaadu meesha in la dhigo la rabo waa ay ka sharaf badan tahay ee xaqeeda sii!