Nuxurka Buugga Adultery (Gogol-dhaaf)
Mohamoud Qardhood
-7/31/2021
Magaca buugga waxaa la yiraahdaa ‘Adultery’, waxaa qoray Paulo Coelho, qoraa reer Brazil ah oo qoraalka sheeko faneedyo dhaygag ahi aad ugu caan baxay. Buuggu waxaa uu ku saabsan yahay khiyaano galmo iyo dareen nafsiyeed. Waa haweenay wakhti hore guursatay, si farxad lehna u nool, haysatana ama xilli kaste heli karta wax kaste oo ay lacagi gooyso. Seygeeda (ninkeeda) waa maal- qabeen, iyaduna waa mihnadle saxaafadeed oo ku faraxsan shaqadeeda, labo caruur ah oo aad u edeb badan ayaa u joogta.
Waxaasi nimco ah iyadoo haysata ayay hadana wax tabaysaa, waxbaa jira ka maqan oo ay naawilayso, waxaa ay dareemaysaa niyad-jab iyo walaahoow. Waxaa ay u tagtaa dhakhtar psychiatrist ah, talooyin iyo daawooyin ayaa la soo siiyaa balse kuma raysato.
Iyadoo xaaladdii murgsanayd ku jirta, shaqadeedana iska wadata ayay maalin maalmaha ka mid ahi waxaa ay waraysi ahaan ugu tagtay siyaasi da’yar oo isaguna xaasle ah, ninkani ula mid ma’aha dadkii hore ee ay waraysan jirtay, ninkani waxaa uu ahaa wiil ay shumisay iyadoo dhoocil ah xilli ay wada dhiganayeen dugsiga sare.
Waraysigii ay u aaday siyaasigii da’da yaraa, saaxbiikeedi hore, wiilkii ay shumisay – waxaa uu bar-bilow u noqday xiriir cusub – xiriir galmo kaliya. Waxaa ay uga dhignayd in ay dib u soo noolaatay oo kale, walbahaarkii iyo walaahowgii ka dhashay wax ka maqan oo ay tabayso ayay gebi ahaanba ka caafimaaday. Mar kaste oo ay kulmaan, xaaladdu waa ay ka sii xiiso badnaanaysay kulankii hore, waxaa ay heshay qanaaci, qamuunyadii saarnayd ayay heshay wax ka qaaciya, hasa-yeeshee xoogaa walwal ah ayay dareentay, waxaana ay dhowr jeer isku canaantay gogol-dhaafka ay samayso. Go’aan ayay ku gaartay ugu dambayn in seygeeda ka hor qirato falka qaraabka ah ee ay ku jirto iyo sida ay uga caafimaadday xaalad maskaxeed ay horay ugu jirtay, isaguna waa u fahmayaa, xiriirkoodiina waxaa u noqonaya mid sii wanaagsanaada, iyaduna waxaa ay ugu dambayn dareentay riyaaq nafsiyeed, degenaan maskaxeed iyo firificooni dheeri ah.
Dad badan ayaa buuggani ku sifeeyay mid ciyaal-suuqnimo ay dhex ceegaagto, naqdin iyo eedayn bandanna dusha looga tuuray qoraaga; buuggani aad ayuu uga duwan yahay buugaagta kale ee qoraaga. Si kastaba, Paulo waxaa uu buuggani ku yara bidhimaaminayaa in meelaha laga raadiyo caafimaadka in aanan mararka qaar laga helin, Paulo waxaa uu si sheeko-faneed ah ku gudbinayaa xaalad maskaxeedka haweenay xaas ah balse aan farxad dareemayn, iyadoo wax kaste haysatana aan heysan qanaaco, ugu dambaynna ay qamuunyadii haysay ka raysatay ka dib la kulankii saaxiibkeedii hore.
Qoraaga oo mar laga waraystay buugga, lana waydiiyay ujeedada buuggan oo ay dad badani ku sifeeyeen mid dhaqan-xumo faafinaya. Waxaa uu ku jawaabay, si aad u fahanto farriinta buuggu sido, waxaa loo baahan in aad si falsafadaysan u fikirto, dulucda buugguna ay ka qoto-dheertahay dhillaysiga, balse uu in badan ku dul wareegayo xaaladda maskaxeed ee qofka iyo xadka qanaacada nafta.