Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Maxaad ka taqaan taariikh nololeedkii Istarliin Cabdi Caruush?

Naciimo Maxamed

-

6/17/2020

Maxaad ka taqaan taariikh nololeedkii Istarliin Cabdi Caruush?

W aan hubaa inaanan qoraal ku soo koobi karin waxqabadkii iyo taariikhdii ay ka tagtay laakiin waxa aan isku dayayaa inaan si kooban u xuso shaqsiyadda iyo howl karnimadii gabdhan karaamada weyn aan u hayo ee kor ku xusan!

![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2020/06/EHth8V2XYAIiZ2B-e1592494026748.jpg?resize=137%2C158&ssl=1)

Istarliin Caruush

Waxay ku dhalatay gobolka shabeellada dhexe sannadkii 1957,waxayna ku barbaartay oo wax ku baratay magaalada (Marka/Marca) ee caasimadda u ah gobolkaas, Marka waxa ay 90 kilometre dhinaca qorrrax u dhaca ka jirtaa magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxay “Medical degree” ka soo qadatay jaamacad ku taalla Talyaaniga,waxayna dalkaa Talyaaniga ku nooleyd muddo 13 sano ah ayadoo ugu danbeyn dalka samata-bixintiisii u soo laabatay!

WAX QABADKEEDII BULSHADA SOOMAALIYEED:

1. La dagaalanka qabyaaladda iyo dib u heshiisiinta ummadda somaaliyeed

Burburkii dalka saameeyay Kadib waxay go’aansatay inay noqoto qof u ololeeya nabadda iyo gargaarka dadka tabaalaysan “Peace activist and aid worker”. Waxay dagaal adag la gashay qabyaaladda si ay usoo celiso rajadii burburtay. Waxayaabaha ay caanka ku ahayd waxaa ka mida inay dadkeeda iyo dalkeeda jecleyd hadana waligeed la ganban waxay tahay. Istarliin ma xiran jirin qamaarka/xijaabka madaxa la saarto. Sanadkii 1992 waxay kamid ahayd dadkii ugu horreeyay ee dhalleeceeya kana digay cawaaqib xumada ka dhalan karta jiritaanka dhaqdhaqaaqyada iyo kooxaha xiriirka la leh xagjirnimada Islaamka ee ku baahayay waddanka. Waligeed kama ganban inay isbadal ka dhax raadiso dadkeeda oo ay ogtahay inay yihin bulsho ragga kaliya wax hogaamiyaan. Waxay dadku u yaqaneen gabar furfuran, farxad badan sidoo kalana aad u karti badan.

Waxay si aan ganbasho lahayn ula hadli jirtay dagaal oogayaashii dalka la wareegay iyadoo marar badan hogaamisay shirar dib uheshiisiin. Tusaale waxay isku dayday inay wada hadashiiso Maxamed Faarax Caydiid iyo beesha caalamka. Sidoo kale waxay beesha calamku u yaqaneen qaar badan oo kamida ah inay tahay “The first president of new democratic Somalia” madax waynihii ugu horeeyay ee soomalai dimuqraadi ah yeelato, hase ahaate iyadu marnaba mä rabin inay siyaasi noqoto oo dhankaa uma janjeerin.

2: Tabarucaadda iyo dhismaha goobaha asaasiga ah.

Waxyabaha ugu badan ee lagu xasuusto haweeneydan sharfta leh ayaa ah inay dalka keentay mashaariic aan la soo koobi karin, magaalooyin badanna ilaa maanta ay ka faa’iideen. Tusaale waxay magalada Marka ay ka samaysay isbitaal ay leeyihin hooyada iyo dhallaanka, kaasi oo ay ku samata baxeen hooyooyin aan lasoo koobi karin iyo carruur badan. Sidoo kale clinics kaas waxaa ka faa’iidayay wax ka badan 3000 oo caruur soomaaliyeed ah. Halka sidoo kale Magaalada Guriceel ee ku tirsan gobolka Galgaduud ay ka samaysay Isbitaalkii ugu horreeyay ee Galgaduud yeelato burburka ka dib uguna tayada badnaa looguna magac daray “Istarliin Abdi Arush”.

FG: Isbitaalka ilaa maanta wuu shaqeeyaa waxa uuna laf dhabar u yahay nolosha dadka magaalada ku nool iyo guud ahaan gobolka. Waxa aan aad ugu faraxsanahay in isbitaalka aan indhahayga ku soo arkay oo uusan sheeko igu ahayn.

Mashaariicda ay dalka keentay sidoo kale waxaa kamid ahaa inay iskuullo dhistay, sidoo kalena ay saacidday kooxda Olembikada Soomaliyeed.

Inkastoo waxaas oo wanaag ah ay geysatay waxaa ugu danbeen lagu dilay magalada Nairobi ee dalka Kenya, taariikhdu markay ahay 24/10/2002, xilli ay isu diyaarnaysay ka qayb galka waan-waan heshiisiin oo u dhaxaysa maleeshiyo beeleedka Muqdisho. .

Waxyaabaha aan aadka uga xumahay ayaa ah in gabadhan iyo gabdho badan oo lamid ah ay taariikhdoodi dhumeen halka wax mataraayashii dadka laayay taaqriikhdooda adduunka dhan ay gashay. Gabdhaha inaan la weyneynin lana xusin taariikhdooda ee ragga gacan ku dhiiglayaasha ah la wadwado waa godob aad ka gasheen hablaha soomaliyeey!

Waxaa igu ballan ah waxa dumarka soomaliyeed qabteen inaan hortiina keeno qalinkeygana ugu adeego maalin walba. Bal ila wadaaga sababta ay ku dhacday in wax qabadkan aydnaan arkin??