Maasoniyadda; Hummaagga cabsida
Maxamed Xirsi
-8/17/2020
M uddo dhawr sannadood laga joogo ayaa maalin uu nin nooga warramay duni
wada argagax ah oo ay wax kaste gacan qarsoon ku maamusho Maasooniyadda
Caalamiga ahi, waxa uu nagu yidhi: “Maasooniyaddu waa koox qarsoodi ah oo
haddana wax kaste og isla markaana maamusha, waxa ay la socdaan cid kaste oo
sirtooda wax ka ogaata oo ay dilaan haddii aanay iyaga u shaqeyn”.
Mid naga mid ah ayaa si dhayal ah wax u weydiiyay oo ay is waydaarsadeen:
– “Haddii ay sir yihiin maxaa adiga ku ogeysiiyay?”
– “Qofkii baadhaa waa uu ogaan karaa”
– “Adigu markaa hadda miyaad u shaqaysaa?”
– “Maya e uma shaqeeyo, haddii aan u shaqeeyo ma adiga oo kale ayaa aan halkan
la fadhiyi lahaa”
– “Haddaa maxay kuu dili waayeen, waa adigan sirtoodii wadwada e?”.
– “Muranka ayaa aad jeceshahay”
– “Ma jecli e waxa aan diidayaa in koox aad adigu sirteeda og tahay na
tidhaahdid waa sir, adiga ayaaba ka warhaya e sidee ayay sir ku tahay?”.
In kaste oo ay ninkan suaalihiisu ahaayeen cabudhin, qasabna aanay ahayn in ay
wada yihiin biyo kama dhibcaan haddana anigu maalintaa waa aan u bogeyn
sababta oo ah ninka kale laftiisa ayaa nagu badiyay buunbuuninta Maasooniyadda
isaga oo iska dhigaya in uu aad ugu yahay xogogaal.
Waxa uu xogogaal u ahaa oo uu wax badan ka soo akhriyay ama dhegeystay kayd
tirobeel ah oo ay haldoorka Carabta iyo kuwo kaleba ka sameeyeen Maasooniyadda
oo dhammaantood ku qotoma aragtiyaha dhagarta iyo shirqoolka, kuwaas oo
addunka dhan ka dhigaya masrax ay daaha gadaashiisa ka xukunto koox shaydaan
oo iyadu ka masuul ah waxa aafo iyo leeleel haysta dadyowgooda.
Maasooniyaddu, runtii, waa mid ka mid ah kooxaha ugu muranka iyo dahsoonaanta badan, haddana cidna wax kuma seeggana oo dawladaha iyo dadka darsaaba waa ay yaqaannaan waxa ay kooxahani qabtaan iyo danaha ay inta badan leeyihiin, waxa ay sirta badani ku duugan tahay taariikhdooda iyo gudashooyinka dhaqamadooda kooxeed oo qofkii bannaanka ka joogaa aanu fahmi karin, sida inta badan ay yihiin cibaadooyinka diimaha iyo dhaqan kooxeedyada gudeed.
Dadka qaar ayaa waxa ay sheegaan in Maasooniyaddu ay ka soo jeeddo dhaqanka diineed ee Yuhuudda iyo Haykalkii nabi Saleebaan, qaar kale ayaa sheegay in ay ka soo jeedaan Shaydaan Caabudka, qaar kale ayaa iyana sheegay in kooxdan Maasooniyadu xidid fog ku leedahay firqooyinka Islaamka gaar ahaan Shiicada Ismaaciiliyada, kooxda Duruusta ama kooxdii “Ikhwaanus-Safaa, wa Khillaanul- Wafaa”; kooxdan dambe aad ayaa ay isugu dhaqan iyo ujeeddo eeg yihiin Maasooniyadda.
Intaas oo isku day ee loogu saldhigayo kooxdani waxa ay wadaagaan male- awaalnimo waxaana inta badan qoray ama suuqgeeyay dadka buunbuuniya aragtida shirqoolka iyo maleegga dhagaraha.
ASALKA LA HUBO EE MAASOONIYADDA:
Erayga MASON oo loogu dhawaaqo MEYSAN waa dhise ama wasdaad ama fuundi, sidaa awgeed MAASOONNADU ama MEYSANNADU asal ahaan waa xoogsatada dhismaha, kolka laga yidhaahdo ‘Free Masons’ waa xoogsatada dhismaha ee xorta ah ama iskood u shaqeysta.
Qarniyadii dhexe ee uu dhaqaalaha Yurub ku dhisnaa dhulgoosadka waxa dhulka,
agabka waxsoosaarka iyo xoogsatada ka shaqeysaba iska lahaa dad gaar ah,
waxaana inta badan wax lagu kala baddalan jirin alaab sida shaqada muruqa oo
mushqaayad looga bixiyo cunto, dhar iwm; waa wax aad ugu eeg addoonsiga ama
ahba.
Cidda qudha ee berigaa lahayd xirfad shaqo oo xor ahi waxa ay ahaayeen
xoogsatada dhismaha, oo maadaama oo aanay jirin cid had iyo jeer wax dhisata
oo yeelan karta shaqaale dhisme, waxa ay shaqaalaha dhismuhu ahaayeen kuwo
iskood u shaqeysta oo kolba ciddii wax dhisanaysaa soo codsato waxaanay
noqdeen cidda qudha ee xooggooda lagu siiyo lacag naqdi ah.
Qarniyadaasi Dhulgoosadka, ee ay Yurub awoodda ku lahaayeen wadaaddada diinta
iyo boqorradu, waxa aad u hanaqaaday dhismaha kaniisadaha, qasriyada iyo
qalcadaha waxaana aad u korodhay baahida loo qabo wastaadiinta iyo kuuliyada
oo iyaguna isku sii xidhmay kana sameysmeen kooxo xirfadeedyo isku dan iyo
dookh ah.
Waxa ay xoogsatadii dhismuhu -Maasoonnadii, sharaf xirfadeed ka dhigteen
dhismaha maadaama oo ay yihiin xoogsatada kaliya ee xorta ah isla markaana
dhista goobaha maamuuska iyo barakada leh, goorta ay shaqeynayaan iyo marka ay
shaqodoonka yihiinba waxa ay ku kulmi jireen habeenkii goobo u gaar ah oo ay
ku kala warqaataan iskagana warhayaan -sida ay xoogsatada dhismaha ee
soomaalidu ugu kala warqaataan marfashyada qayilaadda ee habeenkii kuna
ogaadaan fursadaha shaqo ee berri jira.
Waxa dhaqan u noqday kooxihii Maasoonnada qarsashada siraha xirfadda iyo ka
dheeraanshaha arrimaha muranka keena sida khilaafyada diinta iyo siyaasadda,
isla jeerkaana waxa ay u baahnaayeen in ay isku maaweeliyaan qaab ruuxi ah oo
isa suufiyeyn u eeg iyaga oo aragti wadareed ka dhigtay tiirar ka dhexeeya oo
ah; Iimaan, Isjacayl, Xorriyad, Sinnaan iyo Iskaashi. sidaasi oo ay tahay
qofna shardi u ma ahayn in, haddii uu iimaan leeyahay, la sii weydiiyo
fikirkiisa diineed ee hoose oo waxa laga ordayay khilaaf.
Waxa ay aad u buunbuuniyeen xirfadda dhismaha iyo farshaxanka la xidhiidha oo
ay ka dhigeen sirta jiritaanka iyo xirfadda ilaahay uu ku dhisay kawnka iyo
wax kaste oo jiraalka ka mid ah, iyaguna ay hayaan xirfaddii ilaahay loogana
baahan yahay in ay ku fikiraan kana soo dhalaalaan. waxa ay majaalistoodu
noqdeen sida xadrooyinka suufiyada oo laga raadsado iimaan aan muran lahayn
waxaanay astaan ka dhigteen calaamadaha injineernimada sida firjaarka, saddex
xagalka oo ay dhexda kaga jiraan il ay dadka qaar ku sheegaan in looga jeedo
isha ilaahay ee wax kaste og, qaar kalena ku sheegeen astaanta nuurka ee
hanuunka, waxa isna dhexda ku jira xarafka G oo dadka qaar ku sheegaan in
looga jeedo xafarka hore ee magaca eebbe ‘God’, kuwo kale ku sheegeen in uu
yahay xarafka ugu horreeya ee aqoonta xisaabeed ee injineernimada ‘Geometry’.
![The Man Who Started The Illuminati and His Thwarted Promotion of …](https://i0.wp.com/www.ancient- origins.net/sites/default/files/field/image/Man-Who-Started-The- Illuminati.jpg?w=720&ssl=1)
Sida ay bilowgii ku curteen jimciyadaha Xoogsatada Dhismaha ee Xorta ahi
-Freemasonry kuma ay sii jirin oo waxa si kaste u saameeyay isbaddalladii
dhaqandhaqaale ee Yurub ka socday qarniyadii dhexe ilaa casrigii ilbaxnimada,
fadhiyadooda isu dhalanrogay kuwo ruuxi ahi waxa ay soo jiitaan dad aan
dhismaha shaqo lahayn ee rooxaaniyad-doon ah isla markaana ka daalay fiqiga
wadaaddada kaniisadda, oo qaar badan oo ka mid ahi ka soo jeedaan qoysaska
ladan, dabaqadaha taliya iyo xataa wadaaddo horusocod ah.
Iyaga oo la duruuf ah waayihii berigaa ka jiray Yurub, Maasooniyaddu ma ay
ogoleyn in ay ku soo biiraan dadka Yuhuudda ahi iyo dumarka tooni, waxa kale
oo ay ku kala duwanaayeen dalalka iyo bulshooyinka ay ka jirto Xadro kaste oo
Maasooni ahi, matalan xadrooyinka Maasooniyadda Maraykanku ilaa beri dambe ma
ay ogoleyn in ay dadka madoobi ku biiraan.
MAASOONIYADDU MA SIR BAA?
Dhab ahaantii Maasooniyaddu waa jimciyado daahfuran oo dawladaha, dadka
daraaseeya iyo cid kaste oo danaynaysaaba ay si fudud wax uga ogaan karto,
sidaasi oo ay tahay waa kooxo leh dhaqan sireed oo aan ku sababeyn karno labo
arrimood oo isugu jira dhab iyo dhalanteed:
1. Waa mid e waxa ay kooxaha dunida ka jira oo dhan la wadaagtaa in ay xeerar
hoosaadyadeedu u gaar yihiin oo aan loo baahnayn in cid dibadda ka ahi ogaato,
koox kasteba nidaamkeeda hoose waa uu ka dadan yahay cid aan ka tirsanayn ama
aan baadhitaan ku sameyn, sidaa awgeed wax badan oo aan sir moodnaa ma aha sir
ee innaga ayaan ahayn Maasooniyiin isla markaana isku hawlin in aan
daraasaynno, waa isla sida ay sirta inooga yihiin dhaqannada cibaadeysi ee
Buudhistiga iyo Siikha.
2. Maasooniyadda waxa ay wax badan oo dhaqan sireed ahi kala socdaan
asalkoodii qarsashada siraha xirfadda iyo in aanay xadrooyinkooda u faydi
jirin caammada iyo kaniisadda oo aad u necbayd, waa isla halka ay ka soo
jeeddo in suufiyada muslimiintu ka qariyaan dadka wax badan oo ay ku dhaqmaan
uguna sheegaan siro iyaga uun loo khashifay iyo arrimo cilmul-baadin la
xidhiidha taasi oo in badan nuxurkeedu ahaa muran diidid iyo samatobax.
WAA MAXAY UJEEDKA MAASOONIYADDU?
Xaqiiqada jirtaa waxa weeye in aanay jirin jimciyad guud oo xukunta
Maasooniyadda dunida oo dhan iyo ujeeddo guud oo ay xaqiijinteeda u wada
socdaan Maasoonnada caalamku, taariikhda haddii aan u fiirsanno waxa aynu ku
arkaynaa xadrooyinka Maasooniyadda oo kuwo badani kala ujeeddo yihiin, matalan
midda Faransiisku waxa ay ku teedsanaayeen danaha dawladeed iyo bulsho ee
Faransiiska, sidoo kale kuwa Ingiriiska, kuwa Maraykan iyo kuwii Ruushkuba,
intubana waxa ay in badan lahaayeen danayaal is diiddan. tusaale kale waa in
xadrooyinkii Maasooniyaddda ee ka jiri jiray Falastiin waqtigii gumeysigu ay
ku kala jabeen arrinta deegaameynta Israaiil; kuwo badan ayaa ku dooday in
aanay siyaasadda ku milmin, halka ay kuwo kale oo badanna ka mid noqdeenba
kacdoonkii Falasdiiniyiinta ee lidka ku ahaa Sahyuuniyadda iyo Israaiil.
Maasooniyaddii Masar waxa ka mid ahaa dad guumeysiga ku xidhan, kuwo
xorriyadda Masar u halgamay iyo wadaaddo raad weyn ku yeeshay dunida muslimka
sida Jamaaludiin Al-Afqaani iyo sheekh Maxamed Cabdah.
Sidaasi oo ay tahay, Maasooniyaddu kama madhna in ay u adeegto dano dawladeed
iyo in ay noqoto koox cadaadis oo dano gaar ah ku fushata, laakiin marka ay
sidan tahay ma aha arrin caalami ah, sababta oo ah ma jirto talo dhexe oo
caalami ah oo ay Maasooniyaddu hal meel ka soo saarto, oo haddii ay
Maasooniyada Maraykanku ka shaqeyso mashaariic Maraykan kama dhigna in ay
Maasooniyiinta Ruushka ama Iskandaneefiyaduna kala shaqeynayaan.
MAASOONIYADDA IYO YUHUUDDA MAXAA KA DHEXEEYA?
Sida aan kor ku xusnay, bilowgii unkanka xadrooyinka Maasooniyadda, Yuhuudda iyo dumarka looma ogoleyn laakiin furfurnaanta isa soo taraysay ee Yurub ayaa waxa ay keentay in si teelteel ah oo kala dambeeyay ay xadrooyinku u ogolaadaan, waqtigaasi waxa ay Maasooniyaddu gabbaad u noqotay Yuhuud badan oo diintoodu u cuntami wayday, goortaasi oo ay calmaaniyadda ugu dhawaayeen Kaniisadda Borotastanka iyo xadrooyinka Maasooniyaddu waxa ay Yuhuuddu u leexan jireen kooxdan dambe oo iyagu shardi uun ka dhigi jiray ‘rumeynta eebbe weynaha kawnka dhisay’, taas ayaa waxa ay keentay in ay Yuhuud badani noqdaan Maasooniyiin laakiin kama dhigna in ay iyagu dejisteen si ay ugu adeegtaan waana sababta ay Maasooniyiintu ugu kala qaybsan yihiin arrimo ka mid tahay Sahyuuniyaddu.
HALKEE AYAA U KU SAL LEEYAHAY SHAREYSIGA GAARKA U AH MAASOONIYADDU?
Maasooniyaddu waa koox nukhbo ah oo aan in badan ku dhegganayn diimaha kala
duwan iyo haybaha bulsho, maaddaama oo ay bilowgii ahaayeen xoogsato aan cidna
ku xidhnayn, sidaa awgeed waxa la colloobay labo kooxood; Kaniisadda Kaatoliga
iyo Qoomiyiinta Yurub, waxa ay kaniisaddu ku sheegtay diinlaaweyaal mulxidiin
ah oo xumaan faafiya, ogobey berigaa Maasooniyadu ma ay ogolayn in uu ku soo
biiro qof mulxid ahi, maamulladii qoomiyiinta ayaa iyaguna ku eedeeyay dad
shareed oo lid ku ah ummadnimada, matalan Naasiyiinta Jarmalku waxa ay
ahaayeen ciddii ugu horreysay ee isku xidha Maasooniyada iyo Yuhuudda kuna
asteeysa in ay yihiin dad xun oo shar u yeelan.
Dunida Carabta waxa isla sidaa yeelay qoomiyiinta iyo wadaaddada oo sharka oo
dhan dusha ka saaray dadkana ugu fasiray in Maasooniyadda iyo shaydaanku had
iyo jeer ku hawllan yihiin waxyeelleynta ummadda muslimka kana leeyihiin
ujeeddooyin fogfog.
Run ahaantii, dacaayaddan suuqa loo galiyay, in kaste oo ay marar badan
waxyeellaysay oo meelo badan laga xidhay, haddana wax badan ayaa ay tartay
Maasooniyadda; waxa ay siisay haybad aanay lahayn iyo cabsi laga qaaday oo aan
xaqiiq ku dhisnayn, waxa ay marar badan arrintani u soo hoysaa qaar ka mid ah
xadrooyinka Maasooniga in ay noqdaan kooxo cadaadis oo lagu xisaabtamo –
Pressure groups, gaar ahaan Maraykanka oo lagu sheego in uu yahay Dalka
Dimuqraadiyadda Loobbiga, waxa qudha ee ay Maasooniyaddu ku heleen haybaddaasi
waa dacaayadda ay u fidiyeen dad dano gaar ah oo diiddan lahaa iyo
bulshooyinka dhegweynta ah ee dacaayaddaas gatay.
SAAMEYN MA LEEYIHIIN?
Haa, waxa ay se suuqa saameynta ula siman yihiin koox kaste oo xubno leh, in badanna waxa dhacda in ay maamullada dawladuhu saameeyaan in ka badan inta ay iyagu saameeyaan maamullada, ku darso in aanay lahayn abaabul caalami ah oo xataa u dhigma Ururka dawliga ah Ikhwaanu Muslimiinka.
Dhanaka fikirka iyo falsafadda waxa la moodaa in ay siyaabo badan isugu eeg
yihiin dhaqdhaqaaqii Ikhwaanus-Safaa wa Khillaanul-Wafaa ee qarnigii afraad ee
Hijriga ka sameysmay Basra, Ciraaq.
Tiirarka mabda’ ee ay ka siman yihiin waxa ka mid ah in aqoonta ruuxiga ah oo
ka sarreysa madaahibta iyo diimaha hoose lagu lammaaneeyo aqoonta maaddiga ah
iyo caqliga ilaahayna lagaga daydo falsamaanta iyo cilmiga, in diimaha oo
dhani leeyihiin dallad guud oo iimaan taasna la xoojiyo oo qudha, in laga
shaqeeyo is wanaajinta basharka dhexdiisa iyo is daahirinta gudaha, iyo in
koox kaste leedahay martabado kala sarreeya iyo jaranjar xubinnimo oo kor loo
fuulo hannaan suufinimo oo kale ah.