Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Maangal miyaa nacaybka loo qabo dadka isku jinsiga?

Nabad Ruqyo

-

7/24/2020

Maangal miyaa nacaybka loo qabo dadka isku jinsiga?

A fkaarta iyo dhaqammada naceybka ee ku wajahan dadka isku-jinsiga ah waa mid asal-ahaan aan caafimaad qabin oo asalkeeda yahay caqli xumo iyo baqdin micno aan sameyneynin.
Mabda’a 1-aad oo lagama maarmaanka u ah oo ay cuskadaan waa saynis diidmo ama iska indha-tirid xaqiiqoyinka cilmi-baarisyo fara badan caddeeyeen oo la inkiri karin. Qofka nacebyka badan maba daneenayo inuu adeegsado sharraxaad ama muujinno ka duwan kan saynisku dhigayo oo caqli gal isagoo aaminsan inuu xussayo xaqiiqoyin. Taa bedelkeed, wuxu naceybkiisa ku difaacaa doodo qofka caqliga la saxiibka ah uu si fudud u beenin karo. Kow waxaa ka ah dooda ah ‘isku-jinsinimadu waa dhaqan aan dabicii aheyn’ in kastoo, in ka badan 500 xayawaan nidaamka isku-jinsiga ah ay ku dhaqmaan. Intaa waxaa dheer ‘dabiici’ iyo “xumaan” xiriir caqliya uma dhexeyo madaama ay jirto waxyaabo dabiici sida sunta ‘cyanide’ oo xumo ah iyo sidoo kale waxyaabo dabiici aan aheyn sida daawada oo wax wanaagsan ah.

Gay Swans Fight To Defend Nest | FM 101.9

Si fudud ayey hadana uga laabtaan doodda hore oo hadana waxay u bedelaan dooddooduin qofka isku jinsiga ah inuu yahay mid u ololayo ku dayashada xayaawanada. Taasina, waxay kashifaysaa caqli xumada jirto. lakiinse waxa muhiimka ah ayaa ah inay si cad umuujiyaan ujeedka ah “waa uun xanuun isku jinsinimadu waana gunaanad xiriiranyo doodaha kale oo dhan. Mid kaste, natiijideeda ugu dambeynta waa inaan nahay qowmiyad asal-ahaan xanuunsan, xanuun aan ka duwaneyn cilmi-nafsiga. Dadkan Naceybka badan makala jecla in urur iyo dakhtar kaste ee ku taquusay caafimaadka maskaxda ka horyimaadaan aragtidooda. Si xoog leh wuxu u aaminsan yahay ‘isku-jinsimada waa doorasho, waa dhaqan shaqsiga laga reebi karo, waana lagu abaabin karaa doonista jinsiga ka duwan’ in kastoo, ururrada dhan ee ku taqasusay beddelidda dareenka galmeed ku guuldareysteen arrintaa.

Mabda’a labaad oo sii wadayo saynis diidnimada waa inay sayniska mucaraad ku yihiin, naceybyaalka (dadka necebka badan) kuma bararuugsana baaxadda iyo kakanaanta dareennada galmeed iyo jeceylka beni’aadanka iyo inay jirto wax ka baxsan doonista jinsiga kaa duwan iyo ‘isku-jinsinimo’, xisaabta waxaa ka maqaan dadka aan lahayn dareen galmeed, dadka aan lahayn jeceel dareen, dadka dareen u qabo jinsiyadaha oo dhan iyo dadka dareen kaliya u qabo shaqisiga ay la wadaagaan xiriir jaceyl oo dhow. Kibirkooda wuxuu gaaray inay hoos-dhigaan dareennada oo dhan oo kuwooda ka dhigaan ‘kan wanaagsan’ iyadoo wareer darteed uu isku qalday oo isku-daray ‘tiro yaraan’ iyo ‘xumaan’ waana mowqif caqliga ku gefayo sida indho buluugnimadu tahay sifo tira-yar oo weli lagu tilmaamin ‘xumaan’ si la mid ayey dareennadu xumaan ulahayn,

Markaa, ka mid tahay koox laga tiro badan yahay tixraacaada lama ixtiraamo, in badan ahaanshahaaga iyo dhaqammadaada waxaa lagu timaamayaa xumaan, lakiin mar kaste waa inaan maskaxda ku hayno in ereyga ‘xumaan’ uu caadi ahaan yahay eraybixin bulsho abuurtay. Oo sidey bulshadu isku bedbedesho ayuu micnuhuna isku bedbedelayaa. Naceyb-yaalka ( qofka naceybka badan) wuxu dooni inuu naga gado in naceybkiisu yahay wax u dhow xaalad dabiiciya in kastoo, naceybka ‘isku-jinsinimda’ lagu arkiin noolaha kale, taasoo muujineyso naceybka inuu ka yimid barbaarin ku dhisan afkaar naceyb ku saleysan kala duwananshada.

Madba’ saddexaad waa ku ganbashada diinta guud-ahaan, qisada Nebi Luud waxay ku xirtay qalbiga muslimka inuu nebcaado isku-jinsiga maadaama qowmiyadaas lagu halaagay dhaqammadooda isku-jinsiyeed Sida loo fasiray arrinta. Laakiin, su’aashu waa maxaa horseeday halaagga? Ma kufsi keliyaa? Mise kufsi iyo dhaqamo isku-jinsiyeed? Kaba soo qaadba in waxa la cambaareynayo tahay kufsiga iyo dhaqammada isku-jinsiga, waxaa kala hor imaanaya fariinta ku jirta qisada iyo tilmaamka ilaahay caadil ah, waayo? siddee udhacday inuu ku abuuro shaqsi dareen uusan raali ka aheyn isla jeerkaasna uu weydiiyo isla shaqsiga inuu ka soomo xiriir galmeed iyo dareen jaceyl noloshiisoo dhan, isagoo og boqolkiiba sagashan inaanay surtagal ahayn! Haddii xaakim, labo kiis oo isku mid ah si kala duwan u xukumo shaki kuma jirto in caddaalad darro dhacday, waayo? caddaaladdu kama maraanto in si isku mida lagula dhaqmo wixii isku mida. Sidoo kale hadduu macalin imtixaamayo labo arday, oo mid uu u ogolaado inuu si xor ah u isticmaalo kombiyutrka oo caawin kaste heli karo isla markaana kan kale ku shuruudeeyo in afka iyo indhaha duubto, gacmihiisa xarig lagu xiro siduu kaliya lugaha uuga shaqeyo imtixanka. Farqiga u dhexeeyo xalaadooda waa xukun aan caddaali ahayn. Cadaalad darradu waxay ka timid xaalad duwanaasha weyn u ilaahay xallin waayey isagoo awoodo. Dareenka isku-jinsiga wixi laga filo waa inuu horseedayo dhaqangelin dareenka isku-jinsiga. Xaqiiqo waxaa ah in nooluhu caadi ahaan ka maarmi karin galmo iyo jeceel xiriir iyadoo taasina tahay dabeecad kale oo Ilaah abuuray.

Mabda’ kowaad ee falsafadda akhlaaqda waxay leedahay ‘waajibka sameey’ waxaa ka horeeyo ‘horta waajibka ma sameeyn karta’ haddu qofku awoodin eed ma leh. Dhammaan dadka isku-jinsiga surtagaal uma ah inay noloshooda oo dhan ka soomaan waxay dadka kale maalin walba raadsadaan. Arrintaan doonista isku- jinsiga ayuu ilaahay cadalaad daro kale galayaa madaama u horay usii doorbidin qolada uu siinayo adkeysi siyaad ah oo ay kaga hortagaan dareenka isku-jinsiga oo sidaasna ugu sahlanaanayso ooffinta amarkiisa.

![](https://i1.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2020/07/LGBTresearch.jpg?resize=720%2C419&ssl=1)

Illaa intaan waxaa uun falaqeynay ‘kadib difaaca’ naceybka saldhigiisa runta ah inta badan ma ahan sababaha aan kor ku xussay, asalka rasmiga ee naceybka waa aaminaadda sarraynta ragga (Patriarchy) oo ah hoos-dhigidda haweeneyda ula kac ama ula kac la’aan. Waa siistemka Keliya oo sharraxayo sababta si qaasa loo neceb yahay nimanka isku-jinsiga halka dumarka ee isku-jinsiga ah nifaas ka heleen naceybka, Xadgudubka ninku sameeyo ayaa ka xun kan dumarku sameeyaan. Dhanka isku-jinsinimada waa ‘boqol-le’ iska dhigay ‘konton-le’ ayey dhahaan.

Aragtidooda ama iyaga sey u arkaan, xaaladda waxaa si xumeenayo in qaar ka mid ah nimanka isku-jinsiga ah u dhaqmaan si la mida haweeney, naagnimada dhan ayaa sun ah hadaad tahay haween ama isku-jinsi nin ah labada dhinca in lagu takooro waxaa sal u ah hoos-dhigga iyo naceybka ahaanshiyaha ama uekaanshiyaha naagnimo. Mudannimo gaara ayey raggu leeyihiin waaney caddahay, awood iyo tixgelin ballaaran ayey bulshada siisay, maxaa dhici haddii koox rag ah xalaaleynayo ‘naagnimada’ cod, awood iyo tixgelin sida la siiyo? Nidamka dhan ayaa burburaaya sidaa darteed naceybka halkuu ahaan lahaa mowfiq ‘shaqsiyeed’ waa geedisocod difaacayo qaab-fikireed ku dhisan kala sarreyn aan ogoleyn wada noolaansho siman oo xor ah.

Dhanka kale, isku-jinsiga haweenka xisaabta kuma jiraan, inta badan dareen galmeedka haweenka uma madax-bannaana sida ninka. Waxaa loo arka inayba tahay dareen u adeegayo dareenka ninka. Xitta raaxeenta dhex marto labo haween isku- jinsi ah ayaa loo arka dhaqan u adeegayo kan ninka taa bedelkeed raxeenta dhex marto labo nin isku-jinsi ah waa dembi weyn. Maxaa yeelay waa dhaqan aan u adeegaynin dareenkooda. Waxay la qabsadeen in had iyo jeer la tixgeliyo dareenkooda, sidaas awgeed waxay iska dhaadiciyeen inay xaq u leeyihiin booska galmeedka, wax kaste oo galmo ku saabsan oo aysan jecleysan waa in la cirib- tiro mana jirto wax ee ka neceb yihiin ficilka dhex maro niman isku-jinsi ah. Yaqyaqsi iyo naceyb baahsanee uqabaan.

Raad yeellada yaqyaqsiga lama yareen karo waa aabaha iyo hooyada dhalay naceybka iyada oo ah bad gooniya oo xittaa kuwa aan aamiinsaneyn sareenta ragga ayaa ku dabaashaan, dhibaatada waxay gaartay heer ay ku khasabtay in qofka isku-jinsiga ee soomaaliyeed soo maro safar dheer siduu uga xoroobo ka yaqyaqsiga dareenkiisa. Bulshada uma qabto yaqyaqsi la mid haweenka lesbiyaanka. Yaqyaqsigu wuxuu gooni uyahay hal dareen iyo jinsi, sababtu waa maxay? Eexda yaqyaqsiga waxaa sidoo kale ka warramay dhaqammada geedisocodka maskaxda markay arrinta gaarto jaceyl muujinta isku-jinsi nimeed, dadka difaaca qaab-fikirkaan waxay leeyihiin waa xaalad dabiiciya, waxaana caddeyn u ah caam ahaanshaha yaqyaqsiga balse in la saaxiibtanka qof sku-jinsi yareeneyso yaqyaqsiga ama baabi’ineyso dareenka gebigiisba.

Sharraxadka ugu haboon waa tan leh ‘yaqyaqsi’ wuxuu la saami yahay qiimaha galmeed. Qofka kugu qiimo galmeed yar ( yacni aad galmo ahan uga heshid) dhankada ayaa dhaqameedkiisa galmeed kugu yaqyaqsi badan. Tusaale haweenka guud-ahaan waxay ka yaqyaqsadaan dhaqammada lesbiyaanka( haweenka isku jinsig)! balse yaqyasiga nimanka u qabaan isku-jinsi nimanka ah mala saami ah kan haweenka. Laakiin waxaa shaki ka jirin in barbarinta naceybka dhalisay ay xoojinayso siina buunbuunineyso ifafaalahan.

Sababta naceybka iyo takoorka kama dambeystiga ah waa yaqyaqsiga nimanku dareemaan. Waana caaddifada kaliya oo ku dhiirrigelinayso inay isku dayaan inay cirib-tiraan jaceyl muujinta isku-jinsga meel kaste oo ay awoodaan. Kibirka sidaas u weyn iyo mala’awaalka ragga aaminsan sareynta. In badan waxay ku celcelinayaan in isku-jinsinimada ka timid doorasho lakiin dhab ahaanti dareenka dalbashada iyo dookha ku yimid halkaan waa NACEYBKA. Kaa oo muujinaya geedisocod caqlixumo iyo qalbi xaasidnimo tifqaayo.