Janjeedhka dhulka iyo quraanka
Ibnu Saynis
-8/20/2020
W arka la eego wareega dhulka iyo xagasha iftiinka cadceedu oogada dhulka
kaga dhacdo, waxaynu ogaanaynaa in dhulku janjeedho ama qalooco, waliba xaqal
ah 23.5°.
waxyaabaha ka dhalanaya janjeedhkaasi way farabadanyihiin, balse waxa ka mid
ah in qoraxdu meelo dhulka ka mid ah aanay kaba dhicin, gobolka Svalbard ee
Norway ku yaala sanadwalba waxa u dhalata maalin 4 bilood jirta!, waa 4 bilood
oo aaanay cadceedu ka dhicin(19.04 ilaa 23.08)
Qorrax habeen badh joogta
hadaba arintani waxay laf dhuun gashay ku noqotay aragtida caadifad mooyee aan cilmiga ku dhisanayn, ee odhanaysa qur’aanka waxa loogu tala galay dunida dhan oo goor– iyo goobwalba uu la soconkarayaa.
Qofka inyar uun maskaxdkisa ka shaqaysiiya ee muraayadaha cabsida iska saaraa–
ileen qof cabsanayaayi caadi uma fikiree– uu arki karaa dhibaatooyinka ay
qoraxda aan dhacayni ku keenayso aqoonyaridan la dhoobdhoobay ee wax balaayo
ka dhacday la inooga dhigay.
Tusaale dadka ku nool gobalka Svalbard, Norway ramadaantu marwalba waxay ku
beegantaa bilaha aanay qoraxdu dhicin, hadaba xilima ayay soonka xidhanayaan
oo xilima ayay afurayaan? Aayadan hoos lu xusan se maxaa ka galay iyaga?
وَكُلُوا وَاشْرَبُوا حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَكُمُ الْخَيْطُ الْأَبْيَضُ مِنَ
الْخَيْطِ الْأَسْوَدِ مِنَ الْفَجْرِ ۖ ثُمَّ أَتِمُّوا الصِّيَامَ إِلَى
اللَّيْلِ
(Cuna oo cabbana – habeenka ramadaanta – inta uu ka muuqdo liilanka cadi –
waagu – kan madaw aroortii, dhammeeya soonkana tan iyo habeenka..) Al
Baqqrah:187
Habeenkii laylatul Qadriga ee suurada dhan loogu magac daray ee kun habeen ka khayrbadnaa maxay ka yeelayaan illeen wax habeen la yidhaahdiba ma jiree oo waatanoo cadceedii maba dhacaysee?
Way badan yihiin daliilaha cadcad ee ina tusaya in Nabi Maxamed –oo ah qofkii quraanka alifay– aanuu waxba ka ogeyn dunida inteeda kale, hadii aan cadaalad sameeyana tolkii ayuu arintaa la qabay oo bulshadii uu ka dhashay ayaa moodaysay in qoraxdu halmar dadkaboo dhan usoo baxdo halmarna ka dhacdo, balse isaga waxa udheerayd inuu sheegtay in samooyinka looga soo waramo, samooyinka warkii looga keenayna waadinkaa arkaya.