Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Ijaabo

Maxamed Kaahiye

-

4/2/2021

Ijaabo

I jaabo waa inan jamaal, joog iyo haybad-ba isku darsatay. Waa inan buuxsantay oo gashaanti ah, markaas-na inta is wada gaadhay isu aragtay in ay dumarkaba kaw; dhanka quruxda, qaabka, toolmoonaanta, jalaqsanida, heemaalka iyo haybadda iyadu u tahay. kalsoonida ay isu qabtay waxa ay gaarsiisay in iyada mooyaan’e inta gabadh la lood ama fac ah aysan jirin inan kula tartami karta quruxda iyo garashada ay aaminsan tahay in gaar loogu aqoolay iyada oo qura, waxa taasna sababay degaanka ay joogtay oo iyada ma ahan’e aysan raggu dhedigoodka kale indhaha u qaybin.

Meesha la joogaa-waa miyiga, oo gabadhii qurux haybadi la socoto iyo garaad lagu arko ama lagu maqlo raggu u kala loolamaan oo nin walbaa ku hamiyo in ay isaga ooridiisa noqoto. Waa hubaal ninkii ay marantidiisa noqoto in uu rag ugu horreyn doono, taasna waxaa keentay ijaabo waxa ay ahayd fariid-faracad oo dhankii ay ku aado uusan yeen-yeen lahaan, lexla-jeclada xoolaha, samaynta ama falkinta agabka aqal baadiga sida; Rarooyinka, Hararaha, aloolka, wayn- baaradda/ koleyada iyo xargaha wax lagu rarto iwm. Gabadha agabkaas samayn taqaan oo garaadna ku darsata waxa ay halkaa ka ahayd lama helaan-lama hure ah oo lagu soo wada hirto.

Haddii aanu is dul-taag yar ku samayno qaabkii iyo muuqaalkeedii, waxa aan ka xusi karraa intaan yar; wajiga iyo foolka hore ku hor-mar, Indho waa-wayn oo balleencad u eg oo galka aan ka soo baxsanayn’e si is le’eg ugu yaalla oo galacda ku guraya baalo togan oo dhaadheer, suuniyo sidii bil markaa dhawr jirsatay aad loo qor-qorey oo sida qaanso roobaad u samaysan, san toosan oo salka dambe ee uu ka soo dareero san-qaroor dheer oo aan bararnayn ku leh, af yar oo ilko dhuuxa ka cad oo labadda fool ee hore magar yar oo casaan xigeen ah ku wata, dibno is le-eg oo la isku jaray, cirrid madow oo aan cagaag lahayn, daaman/ dhabano gad-gaduudan butuc ah oo aan wax nabar ah lahayn turxaanna laga dhawray, daanka bidix tush aan aad u waynayn oo marka ay dhoolacadayso oo qura la arki karo, madax aan kala badnayn ee wajigiisa ku kooban, timo yilix ah oo hadba dabayshu dhan u walhinayso iyo qoor dheer oo cabaadhyo lagu jar-jaray, haybad gooni ah, gantaaladda gaadada kaga yaal oo sida gamuun markaa in la gano loo diyaariyey u samaysan.

Gacmo garaaro-leh oo aan aad u dheerayn’e intii laga rabay ah, bal hoos u soo deg; lugaha ka biloow kor baan kuu celinayaa’e, kubabka is dul-saarka ah ee lugaha lagu miisaamay, kor uga kac-bawdyaha karoorta ah, cajirada geesaha kaga yaal, badhida buuran ee isa saaran, sii jeedka il qabadka leh iyo soo jeedka indhahaba la baxay ayaa ijaabo gaar loogu hadyeey.

Marka ay soconayso lugba mar ayaa ay qaadaysaa, iyada oo sinta lug-taasna la dhaqaajinaysa, tilaabo degan oo la dikeeyey iyo xaragadda oo lagu ladhay ayaa nin walba oo Ijaabo arka ka seexan kari waayey, maalinkiina ku dhololaa- hamaykiina ku salalaa.

Waad garan qof dumar ah oo intaas oo hub ah isku darsatay, san taag iyo isla wayni lagama waayi karayo’e nin walba oo u soo haasaawi taga kor iyo hoos ayey u eegtay, oo quursatay-allayleh’e nin u babac dhigaa la waayey oo raggii oo dhan ayaa ay dhan isugu buustay iyada oo qasdigeedu ahaa; In nin walbaa hawaysto ay tahay meel ka dhac iyada oo u ekaysay in uusan nin walbaa u qalmin. Ijaabo wax lagu tilmaamo-ayaa la garan waayey, degaan dhan lagama waayo-nin karmeed kas iyo garasho dumar ka sal gaari-kara’e wiil hoog ayaa u baxay Ijaabo. Markii horeba waa tii ragga eryi jirtay’e waa ay kula dustay, oo tiri buus, hadal kama badinayso oo waa aftahan shabeel naagood ah, maskax kuma reebi karto oo waa uu ka garasho badan-yahay, waxaan oran karaa maadaama ay qof tahay, nololna ay rabto wixii ay ragga uga didaysayna ninkani uusan lahayn ee intii ay ninka ay doonayso ku xulan lahayd ninkani leeyahay in ay aqbasho oo soo dhawaysato ayay la ahaatay-waa ayna ku dhaqaaqday…..!

F.G: Sheekadaani waa mala’awaal, haddiii aad ku aragtaan erayo aydaan jeclaysan ka raali ahaada.