Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Halgankii cirbixiyeenka Galileo Galilei

Saacid Kaahiye

-

9/23/2020

Halgankii cirbixiyeenka Galileo Galilei

G alileo wuxuu ahaa physicist, engineer iyo cir-dhugte u dhashay talyaaniga. Wuxuu ahaa saynisyahan kaalin libaax ka soo qaatay cilmiga darajo la gaarana kuweeda ugu sarsareeya ka gaaray. Waxaa loogu yeedhaa ‘Aabaha cir- dhugashada!’.

Galileo Galilei | Bilim ve Teknik | DW | 19.02.2014

Waxyaabaha lagu xasuusto waxaa kamid ahaa in uu ahaa ninkii ugu horreeyay ee telescope cirka u jeedshay. Waa ninkii ugu horreeyay ee soo daah rogay in dayaxu uu leeyahay buuro iyo togag iyo dalacyo sida dhulka oo kale.

Sidoo kale wuxuu ahaa ninkii soo helay afarta dayax ee ugu waawayn (Ganymede, Callisto Europe, iyo Io) ee meeraha cir-jeex (Jupiter) ku wareega, isaga ayaana afartaba loogu magac daray oo waxaa la isku dhahaa Galilean moons!

Waqtigii Galileo dadka badankoodu waxay aaminsanaayeen in dhulku uu yahay bartamaha adduunka waxkastana ay isaga ku wareegtaan! Fikraddaa Galileo aad buu ugaga soo horjeestay oo waxyaabaha uu caanka ku yahay waxaa ka mid ah la dirirka fikraddaa.

Kiristaanku waagaa waxay aaminsanaayeen in aragtidaa dhulka ka dhigaysa bartamaha dunida ay tahay aragti diimeed kutubtooda ugu xusan qofkii ka hor yimaadana uu yahay faasiq ilaahay ka furtay umadana haligaya oo ay tahay in nolosha lagu gubo!

Galileo Vs The Church | All About History

Dhawr jeer baa Galileo loogaga digay in uu aragtidaa difaaco ama uu wax ka qoro iyada oo si walba loogu goodinayo laakiin arrinkaa uu ka meer meeray qalinkana uu dhigi waayay. 1616-kii marbaa la maxkamadeeyay Galileo oo lagu qasbay in uu ka towbad keeno ra’yigaa mardambana laga maqlin!

1632-gii buu qoray haddana isla buug uu arrinkaa ugaga hadlayo loona arkay waliba in uu ku durayo dadka aaminsan in qorraxdu dhulka ku wareegto! Baadariyaashii ninka way u adkaysan waayeen markaa bay mar labaad maxkamad saareen!

Galileo in nolosha lagu gubo wax yar buu ugaga baxsaday laakiin waxaa lagu xukumay xabsi guri inta noloshiisa ka dhiman! Buugtiisa kulli waa la mamnuucay, qalinkana waa laga qaaday oo mar dambe wax ma qori kartid baa la yiri!

Waxyaabaha ugu cajiibsan ee uu sooyaalku ka xuso Galileo waxaa ka mid ah in markii lagu qasbay inuu qaato aragtida dhahaysa dhulkaa taagan oo qoraxdaa wareegata uu hoos u yiri; “ wali wuu wareegayaa! ” Isagoo ula jeeda i qasba ama ha i qasbina dhulku wali qorraxda buu ku wareegayaa!

Cilmiga haddii la dhaho caqaa’idda bulshadiyo wadaad diimeedyada hala dabo fadhiisiyo umaddu way curyaantaa, kuwooga caqligiyo cilmiga u saaxiibka ahna noloshay ku cuntaa iyadoo cadow inay ku yihiin u haysta!