Dumarka in lagu ceebeeyo dhillaynimo (Slut shaming)
Dhudi Cigaal
-5/16/2020
Tan waxaa lagu magacaabaa Slut-shaming (dumarka lagu ceebeeyo dhilaynimo).
Slut-shaming ama dhillonimo-ku-ceebayn waa markaad ku weerarto gabdhaha hab- dhaqankooda galmada – ha ahaato mid xiriir galmo ku jirta (sexually active) ama mid kale, si kastoo ay u yar tahay ficilka ay samaysay, waxaa loo tarjumi karaa laguna dhalleeceyn karaa “galmo xad dhaaf ah” (dhillonimo) – waana arrin ay bulshooyinku muddo dheer ka aaminsanaayeen haweenka.
HADABA MAXAA SABABAY ARRINKAN? UGUNA DHACDAA HAWEENKA KALIYA?
Taariikhda oo dhan ficillada haweenka iyo xorriyadda galmada waxaa jaangooyay ragga iyo kooxaha diinta ee isku daya inay xukumaan jirka haweenka, iyagoo xaddidaya waxkasta oo dumarku xaq u leeyihiin hadday noqoto doorashooyinka khuseeya dumarka sida ka hortagga uurka, ilmo iska soo rididda iyo xoriyadda galmada.
Sidoo kale markay raggu ku ceebeyaan dumarka dhillaynimo waxay sii xoojinayaan farriinta iyo aaminsanaanta ah in jirka haweenka iyo xorriyadda galmadu ay tahay mid ay xukumaan raggu.
Waqtigan la joogo maaddaama adduunka qaybo badan oo kamida ay dumarku heleen xuquuqaha siyaasadeed, xorriyadda ay u leeyihiin in ay muujiyaan quruxda jidhkooda ama rabitaankooda ku aaddan jinsiga kale oo ay jebiyaan qawaaniintii duugga ahaa ee xaddidaysay hab-dhaqanka laga fisho dheddigga (feminine behaviour) ee horay loogu soo rogay ayaa sidoo kale waxaa kordhay ceebaynta dumarka ka tallaabsada xeerarkaas aa qornayn.
Inkastoo kacdoonaddii dumarka ee sinnaan raadiska ahaa ay horumariyeen nolosha dumarka, soona kordhiyeen fikradaha jinsi-yaqaanka ee ku saabsan hababka ay haweenku u dhaqmayaan iyo xulashooyinkooda galmada balse nasiib-darro dhaqamadaas fooshaxun ee hore wali ma cidhib gui’in. Tanina waa sababta in dumarka dhillaynimo lagu ceebeyo ay wali baahsan tahay. Sababta oo ah markii gabadha loogu yeedho dhilo waxaa loo dirayaa farriin aad u cod dheer: laguma qiimeeyo gabadha caqligeeda ama shakhsiyaddeeda balse qiimaheeda kaliya ayaa ku jira jirkeeda iyo galmadeeda.
Slut-shaming waxay abuurtaa jahwareer maxaa yeelay waxay isku mar tooshka ku ifinaysaa qiimaha galmada dumarka halka ay sidoo kale dirayso farriinta ah in jirka dumarka iyo muujinta galmadu ay tahay wax laga xishoodo. Laga soo bilaabo marka gabadhu da’ yar tahay waxaa la baraa inay soo bandhigaan hab- dhaqanka wanaagsan ee laga fisho ‘dheddigga’, si ay u noqdaan ‘marwo’, ‘edeb iyo qurux’ leh. Waxaan barnaa in qiimahoodu ku salaysan yahay muuqaalkooda iyo heerkooda soo jiidashada ragga galmo ahaan. Laakiin markii ay gabdhahani koraan ee ay gaadhaan da’da ay rabaan muujinta quruxdooda iyo sahaminta galmada, waxay la kulmaan dhalleeceyn ka timaadda hareerahooda, ragga, warbaahinta, dhaqanka iyo diinta iwm taas oo si taban u saameysa noloshooda qaybna ka ah falalka isku dayga xakamaynta dumarka si guud iyo xorriyaddooda galmo si gaara.
MARKAA… SIDEEN U JOOJIN KARNAA SLUT-SHAMING KA?
waxay u baahan tahay isbeddelo waaweyn oo xagga dhaqanka iyo qiimaha haweenka ee bulshada dhexdeeda. Marka la rabo in wax laga badalo fikrado soo jireen ah iyo qaab fikirka xun ee bulshadda waxay noqon kartaa mid adag gaar ahaan marka aragtiyadhaas iyo fikirradaasi yihiin kuwo lala qabsaday oo caadi u muuqda.
Laakiin waxaa jira ficilo muhiim ah oo aad qaadi karto si aad u beddesho fikradahan oo aad u hormariso dhaqanka si loo helo bulsho haweenku ku dhex ixtiraaman yihiin oo loola dhaqmo si sinnaan ku jirto.