Doodda dumarka iyo falsafadda
Dheeman Luul
-4/6/2020
I nkastoo ragga dumaka liidaa ay ku doodaan in dumarku aysan wax kaalina kulahayn horumarkii laga gaaray cilmiga iyo ilbax-nimada, hadana taariikhdu waxay noo sheegaysaa wax ka duwan sheegashadaas. Waxaa ay taariikhdu caddaynaysaa inay jiraan dumar badan oo kaalin muhiima kulahaa taariikhda, cilmiga, falsafadda, farshaxanka, suugaanta iyo siyaasadda. Hadaba waxaan jeclaan laa inaan muujiyo tusaalooyin ku saabsan Haweenka noocaas ah. Anigoo fiirinaya ama eegaya xilliyadii kala duwanaa ee ay haweenkaasu noolaayeen. Taasoo caddayn u noqon karta in xilli kasta meel kasta iyo bulsho kastaa ay haweenku marna ka reebbaneyn horumarradii iyo dadaaladii loogu jiray ilbax- nimada. Tusaalayaasha noocaaas ahina way badan yihiin.
Sidaa darteed maqaalkaan iyo maqaaladeyda danbe ee soo socda waxaan ku soo koobi doonaa magacyadii, meelihii, xiliyadii ay noolaayeen, iyo fikradihii ay soo gudbiyeen haweenkaasi. Kuwaas oo ka mid noqday dhaxalka iyo horumarka maanta dunida ka jira.
Marka tusaalaha koobaad waxaan usoo qaadan lahaa, Hypatia, (351-415) waxayku dhalatay kuna dhimatay magaalada Alexanderia wadanka Egypt ama Masar oo markaas ka tirsanaa boqotooyadii Roman ka bari. Hypatia waxay ahayd Philosopher ama falsafadyahanad Sidookale waxay caan ku ahayd Mathematics ka ama xisaabta iyo cilmiga xidigaha Astronomy. Taariikh yahamiinta cilmigu waxay sheegeen inay ka mid ahayd xisaab yahamiintii waa weeynayd ee aduunka soo maray. Waxay ahayd macalimad dadka barta falsafada gaar ahaana raga, waxay macalin u ahayd rag badan oo ka baran jiray falsafada iyo aqoonta kalee cilmigaa.
![](https://i0.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2020/04/Hypatia.jpg?resize=198%2C239&ssl=1)
Hypatia
Hypatia inkastoo aysan ahayn Christian hadana waxay isku si wax ubari jirtay xilligaas dad Christian ah iyo dad Pagan ah oo aan aaminsanayn diinta Christian ka. Waxay ahayd aqoonyahanad hadana dulqaad u leh kala duwanaanshaha diimaha iyo dadka. Ardadii wax kabartay ama ka aflaxay waxaa ka mid ahaa wadaadkii caanka ahaa ee Giriigga ahaa “Synesius”. Hayeeshee Hypatia waxaa dilay masiixiyiintii ay xaq- dhowri jirtay ixtiraamina jirtay. Dilka Hypatia wuxuu dhaliyey argagax ka dhashay boqortooyadii Romanka. Taasoo keentay inuu ka dhasho iskudhac udhexeeya Masiixiyiintii iyo Romankii.
Intii lagu guda jiray xiligii iftiinka “The age of Enlightenment” qarnigii 17aad ilaa 19aad waxay Hypatia summad ama muuqaal iftiin unoqotay dhaq- dhaqqayadii kasoo horjeeday kaniisadaha Catholic-ga. Sidoo kale qarnigii 19aad Hypatia waxay saamayn kaga tagtay sugaanta Europe gaar ahaan aqoonyahankii “Charles Kingsley”, isagoo qoray buug uu ugu magac daray “Hypatia, or New Foes with an Old Face”. Qarnigii 20aad intii lagu guda jiray Hypatia waxay muraayad u noqotay dhaq-dhaqaaqyadii udoodi jiray xuquuqda haweenka iyo kor uqaadistooda.
Ugu danbayn, Hypatia waxay kaga tagtay taariikhda, fikirka, cilmiga, falsafadda, suugaanta iyo siyaasada saamayn wayn oo ilaa iyo maanta ah tusaale nool ah. Sidaas darteed waxaan oran karnaa dooda ah dumarku kaalin kuma lahayn cilmiga iyo horumarka inay tahay mid ka fog runta oo is burinaysa iyadoo aan tusaale ka dhigan karno qoraalkaan iyo kuwo kaloo badan aan soo qori doono.