Diintu waa dulin dilaa ah!
Aadan Cali
-7/21/2018
Muuqaalada cajiibka ah ee maankaga gilgilaya waxaa ka mida, daawashada nooc
qudhaanjada kamida kuna nool inta badan meelaha rista, qudhaanjadani waxay
leedahay dhaqan naf hurnimo iyo dadaal heerkii u danbeeyay ah. qudhaanjadani
waxay aad iskugu taxalujisaa korista figta geed cawseedka ay ku hoos
nooshahay, kama daasho kamana nasto isku daygeeda ah inay gaadho figta geed
cawseedka inta jeer ee ay guul daraysataana uma tirsana.
Hadaba su’aasha muhiimka jawaabteeduna maanka ruxaysaa waxay tahay, muxuu
yahay ujeedka qudhaanjadani yaase ku habaaray shaqdan metesha kadeedkii
Sisyphus (The myth of Sisyphus)?.
Ma ugaadhsi doonbaa oo inay aaga eegmo fiican ka heshay rabtaa mise waa galmo
raadisoo is xayasiin iyo halagu arkay wadaa? Dantee leedahay qudhaanjadani?
Jawaabtu waxay tahay qudhaanjadani galmo iyo quud midna raadin mayso waxayse ku dadaalaysaa in la cuno! In sida ugu dhakhsaha badan loo cuno weliba wax cuna waxay u jeceshay lo’da iyo adhiga idaha ah.
Qudhaanjadan waxa maskaxdeeda degay maamulkii maankeedana la wareegay nooc
dulinka ka mida dulinkani waa gooryaan calooleed loo yaqaan (Dicrocelium
dendriticum), goor yaankani waxuu ku tarmaa keliya caloosha idaha iyo lo’da si
uu wareegtada noloshiisa u dhamaystiro una gaadho goobtii uu ku tarmi lahaa
waxuu afduub maskaxeed u gaystay qudhaanjo miskiin ah.
Arinkani maaha shay ku kooban qudhaanjadan oo keliya sidoo kale waxa jira
dulino fara badan oo maanka dooriya noolayaal kalena ku danaysta noolayaashana
waxaa ka mida jiirka iyo kalluunka.
Arinkan oo kale aadanaha maku dhici karaa?
Haa badanaa waxaynu aragnaa dad danahooda iyo aduunkaba ka saahiday kuna
mashquulsan horumarinta aragti maankooda degtay.
Erayga carabiga ee Islam waxuu la macna yahay isdhiibid waana inuu ruuxu
dantiisa ka horaysiiyaa danta Eebe iyo fidinta diinta, islaanka darajada ugu
wayn ee qof islaan ahi gaadhi karaana waa inuu diinta darteed u dhinto
(Mujaahid) na noqdo.
Arinkan maaha mid ku kooban diinta islaanka ee sidoo kale waxa nafhur diin
fidin ah ku hawlan dadka haysta diimaha kale sida
Hinduga,Budhismaka,Kiristaanka iyo Yahuudiyada intaba.
Intaa ka sakow waxa jira aadane badan oon diin fidinayn balse naftooda u huray
aragti ay aaminsanayeen waxaana ka mida Cilmaaniyiin badan oo u god gal meel
marinta nidaamka dimyqraadiyada iyo cadaalada.
Awooda aadanaha ee ah inuu naftiisa u huro aragti uu aaminsan yahay waxay ka
mid tahay waxyaabaha aadanaha ka sooca noolaha kale.
Hooyada yeyda ahi waxay nafta u huri si ay u difaacdo hoga cuntadu u taal iyo
goobta dhasheedu joogtaba, laakiin taa si ka duwan aadane badan waxay u
le’deen difaaco buugaag iyo goobo barakaysan.
Sida noolaha kale waxaynu leenahay (instinct) ama qariisado ay dhalmadu ka mid
tahay wax kastana waynu u samaynaa si aynu yoolka u xaqiijino.
waxa dabada inaga riixayaana waa hid sidaheena danaysta ah (selfish gene).
Hadaba si ka duwan noolaha kale aadanuhu waxuu awooda inuu ka gudbo xaydaabkaa
Nolo fidinta ah nafhurna u sameeyo aragti uu aminsanyahay.
Diintu waa dulin dilaa ah waayo waxaad u baahan tahay diin si aad aadnaha wanaagsan ugu qanciso samaynta xumaanta, waayo waxaad u baahan tahay diin si aad aadnaha ugu qanciso inaan noloshiisa oo dhani qiimo lahayn kana tanaasulo hagaajinteeda iyo isku hawlkeedaba.
Maanta isla hadadan qaraxyo ayaa xamar ka dhacaya, waxaa fulinya wiilal soomaliyeed oo inay geeryoodaan waxna galaaftaan aad u degdegsanaya, ma duraysna wiilashani xaasha, waxna laguma durin, ee diin baa maankooda degtay waxaanay ku qanacsan yihiin inay halkan meel ka wanagsan tegi doonan.
Diinta shaki baa ka dawo ah faylasuufkii waynaa ee “Bertrand Russell waxuu
yidhi ” I will never die for my beliefs because i migth be wrong”
Lagama yaabo inaan u dhinto aaminadayda waayo waa suure inaan khaldanahay”
Ugu danbayn waxaan leeyahay waa halkii saado caliye
“Culimada aduunkee caafimadka baadhay cuduradan la dabar goyn diintana halagu
daro”