Kaasho Maanka logo

Kaasho

Maanka

Diin iyo Damiir

Saacid Kaahiye

-

12/10/2020

Diin iyo Damiir

1964-gii [cilmibaaris](https://www.psychologytoday.com/us/blog/your-personal- renaissance/201608/survival-aggression-and-compassion) ay Northwestern University ku sameeyeen Masserman, Wechkin iyo Terris ayaa waxa ay ku bareen daanyeero in ay katiinad jiidaan markay cunno rabaan, kadibna katiinaddii waxay ku program gareeyeen in marka la jiido ay koranto dhaliso.

Korantada waxaa lagu dhajiyay daanyeer ku jira qol ku dhagan ka katiinada jiidaya, waxaana loo dhaxaysiiyay labadooda dhalo la iska dhex arko. Marka, markastuu daanyeerku katiinadda jiido si uu cunno u helo, koranto ayaa ku dhagaysa midka qolka kale ku jira.

Katiinadda ay cuntada ku helayaan in ay daanyeer kale koranto ku dhajinayso oo ay xanuunjineyso markii ay arkeen daanyeeradu, boqolkiiba 87 (87%) kamid ah katiinadda ma jiidin oo iyagaa gaajo is baday intii ay daanyeer kale xanuunjin lahaayeen.

Daanyeerada mid ka mid ahaa ilaa iyo 5 maalmood ayuu sidaa u gaajeysnaa oo uu diidanaa in uu xanuunjiyo daanyeer kale, mid kale ilaa iyo 12 maalmood katiinadda ma taaban. Isagoo gaajo la macluul ah ayuu haddana ka dhiidhiyay xanuun quudasho.
Kaaga daranta, daanyeerada sidaa isku gaajeysiinaya ma’ahan daanyeero is yaqaana oo qaraabonimo isku ilaashanaya. Kuma jirin mid xanuun ugu diidanaa mid kale walaalnimo ama waalidnimo, oo xayawaanada qaar la arko in ay marmar iskugu tudhaan.

Sidoo kale, waxyaabaha ugu yaabka badnaa waxaa ka mid ah in daanyeer mar haddii isaga koronto lagu dhajiyo oo uu xanuunka bahasha arko, uu kaga sii xagjiray kuwa kale in uu daanyeer kale koronto ku dhajiyo maadaama uu xanuunka bahasha bartay.
Laakiin, sida aadamahaba uu dad xuni ugu jiro ayee daanyeeradana ugu jireen (13%) oo aan xanuunka daanyeerada kale u joojin oo cunadooda uun ay u darneynd. Taas oo ku tusaysa in meel kaste laga helo nooleyaal aan noolaha kale u nixin, in kaste oo ay yar-yihiin!

Sidoo kale, meesha ay cilmibaaristaa hore inaga tuseyso in xayawaanku uu garto isku damqasho, waxaa jirta cilmibaaris kale oo aan video-geedaba hoos idinkula wadaagi doono, oo ina tusaysa in ay sidoo kale gartaan sinnaan iyo maxaa caddaalad ah.

Sida video-gaba ka muuqata, waxaa la baray laba daanyeero in ay dhagax cilmibaaradda siiyaan si ay ugu badasho khudaar. Meesha waxa yaala laba khudaar; cinab iyo qajaar. Marka daanyeerradu cinabka ayey qajaarka ka jecel yihiin maadaama uu ka macaan yahay.

Marka ugu horreysaa, labada daanyeerba dhagaxa marka ay keenaan qajaar baa loogu badalay, labadoodubana way ku qanacsan yihiin laakiin mar labaadka, marka ay dhagaxa keenaan, midbaa qajaar loogu badalay meesha midka kale cinab laga siiyay.
Sida kuu muuqata, midka qajaarka la siiyay uu ka xanaaqay caddaalad darrada u muuqata oo wakaa gidaarada isla dhacaya. Xitaa qajaarkii muusan cunin ee cilmibaarada ayuu dib ugu shiiday taa oo ku tusaysa in sinnaantu ay kala muhiimsan tahay cunnada.

Daanyeeradaa “daanyeer kale koronto ha ku dhajin!” Waxa ku yidhi aayad qur’aan ah ma ahan. “Dantaada danta daanyeerada kale haka hormarin oo dhibtooda adiga haku dheefsan” xadiith ku yidhi sidoo kale ma jiro. Damiirka ay la dhasheen baa sidaa faray!

Daanyeeradaa nabi loo soo diray oo caddaalad iyo “saxiibkaa wixii uu helo in le’eg waa in aad heshaa” baray malahan. Sinnaan iyo haddii bulshadiinna caddaalad laga waayo naar baad galaysaan qof ku yidhi malahan! Damiir ay la dhasheen baa sidaa faray.

Dadka waan la yaabaa markay dhahaan “diin la’aanteed bulshadu way burburaysaa!” Si in aadamuhu uusan lahaynba damiir. Haa waa macquul in ay diintu dadka qaar xumaha ka reebto laakiin dadkaas waxay lamid yihiin 13% -ka daanyeerada xun, qaanuun baana celin kara.

Aadamaha ayaa noolayaasha kale kun jeer ka damiir badan haddii aan la is xaqirayn, wixii u xun iyo wixii u wanaagsanna uu kala gartaa oo uma baahna buugaag luuqado qalaad ku qoran oo u sheega in aysan is dilin ama aysan is dhicin ama aysna dhulkooda dab sudhin!

Tixraacyo:

<https://www.psychologytoday.com/us/blog/your-personal- renaissance/201608/survival-aggression-and-compassion>

– http://veg1.org/macaques.html

– https://en.m.wikipedia.org/wiki/Social_inequity_aversion