Diimaha miyaynu u baahanahay maanta?
Khaalid Xasan
-4/27/2018
Xilli kasta, meelkasta iyo cid kasta waa ku khalad in la aamino waxaan caddayn ku filan loo hayn.
W. K. Clifford (1879)** **
Nolosheena haddaynu nahay noolaha loo yaqaan aadanaha waxyaabo badan ayaa saamayn wayn ku leh si aan usii jirno ama u noolaano waxaana dhacda badankooda aynu garanayno sababta uu jiritaankeenu ugu xidhan yahay sida Hawada, Biyaha, galmada iyo qaar kaloo badan. laakiin waxa jira waxyaabo kale oo nolosheenna iyo jiritaankeeda saamayn wayn ku leh laakiin aynaan garanayn ama weli is waydiin sababta ay saamaynta intaa le’eg inoogu yeesheen, saamyntaasi ha tognaato ama ha tabnaatee iyo baahida aan u qabno, waxyaabahaas waxa ka mid ah Diinta.
Waxaa laga yaabaa in lagu kala duwanaado qeexitaanka waxa Diin loo yaqaan ama noqon kara, bulsho walba micno gaar ah ayay u samaysaa waana wax ku dhaqankeeda iyo sharraxaadeeda lagu kala duwan yahay laakiin ujeedka guud laga siman yahay iyo saamaynteeda. Weli ma is waydiisey sababta aan diin ugu baahannahay maanta ama aan shalay ugu baahnayn? Waxa laga yaabaa in shalay cilmiga (science -ka) iyo garashada guud ee aadanuhu aad u yarayd, wax walbana loo baahnaa in loo nisbeeyo jiritaanka awood sare oo aan iyada lafteeda la hubin laakiin maanta maxay tahay baahida loo qabaa maadaama cilmigu ka jawaabay oo furay hal xidhaalayaal badan?
Dadka qaar baa waxay ku doodaan in diintu dadka u kala sheegto xumaha iyo
wanaagga, saxda iyo qaladka, runta iyo beenta laakiin halkaa waydiin baa ka
imanaysa inaad noqoto qof wanaagsan oo tubta toosan raaca, khayrka ku dadaala,
naxariis leh ma diin baad u baahan tahay? Waydiintan jawaabteedu idinkay idiin
taal.
Haddii aan dhan kale iska taagno miyay kula quman tahay maanta oo aad
nooshahay qarniga 21aad inaad wax walba ula noqoto buug ama kitaab lagu qoray
harag xayawaan qarniyaal badan ka hor si uu maanta u hago? Miyaanad garasho
iyo damiir fayow lahayn adigu si aad waxaas oo dhan u kala garato.
![](https://i2.wp.com/kaashomaanka.com/wp- content/uploads/2018/04/2009013DD.jpg?resize=526%2C589&ssl=1)
Xubno ka tirsan Al-shabaab oo dhagax ku dilaya nin lagu eedeeyey gogol-dhaaf.
Waxaa laga yaaba ereyo qurux badani inay diintaada ku jiran kuwaaso faraya dadka haysta inaanay dhicin, xadin, dilin, kufsan, been sheegin, dadakana ay u naxariistaan laakiin isla diintaadu waxay ku faraysaa kuwa aan haysan taada oo ah tan keliyee saxda ah in ay bannaan tahay dhacoodu, dilkoodu, kufsiga haweenkoodu iyo addoonsigooduba, waxaa ka buuxa cunsuriyad noocya badan, dagaal-oognimo, afduub fikri ah iyo qaar kaloo badan, waxaana adag wax ka bedelkeeda maadama ay dadku aaminsanyihiin inay tahay runta keliyee biyo kama dhibcaanka ah.
Si aanad wax u dilin, dhicin, kufsan ama xumaan kaleba ku kicin ma diin baad u baahantahay? Miyaynaan odhan karin diimaha wax baahi ah uma qabno ama ugu yaraan baahiday u qabeen awoowayaasheenii hore? Sidoo kale waa in aan ogaanaa inta aan wax walba ula noqonayno kitaab qarniyaal badan ka hor la qoray in gebi ahaanba garashadeenu meesha ka baxayso, weli miyaad aragateen kitaab diimeed oo si faahfaahsan uga hadlaya una qoreya waxyaabaha aan aadka ugu baahanay sida caafimaadka iyo Injineeriyadda ama tiknoolajiyada, jawaabtu waa maya.
Diin la’aantuna maaha sida dadka qaar u haystaan inay tahay in nolosha laga dhillaysto oo xadhkaha la goosto, diin la’aantu waa inaad wax is waydiiso, waa inaad garashadaada adeegsato, waa in aan laguu fikirin ee aad adigu fikirto, waa in aan saxa iyo khaladka ama xumaanta iyo wanaagga buug beri hore la qoray oo duug ah lagaaga akhriyin ee aad adigu kala garataa, waa in damiirkaaga iyo garashadaadu kugu hogaamiyaan tubta toosan aad garato.
Hawo la’aan ma noolaan karno, galmo la’aana waan dabar go’aynaa, cunto la’aanna gaajo ayaa ina madhin bal is waydii baahida aan maanta u qabno diin, waxaa laga yaabaa waayadii hore diimuhu inay ahaayeen waxa keliya ee dadka ku dhiirri geliyay inay boqortooyo sal ballaaran dhistaan ama si geesinimo leh dagaal u galaan ama ay keento maamul iyo kala danabayn wixii la garan waayana wax aan la garanayn loo nisbeeyo si ay u sahlanaato in la noolaado.
Sidoo kale ma jiraan wax waxtar u leh aadannaha oo ay adduunyada kusoo kordhiyeen diimuhu taa bedelkeeda diimuhu waxay inoo fududeeyaan dhaca, dilka, kufsiga, addoonsiga iyo dhammaan denbiyada aan kula kacno walaaleheena kale ee inaga duwan diin ama midab ahaan.
Maanta inaad qof disho si aad ilaaha aad aaminsan tahay u raali geliso amarkiisana fuliso waa kula fududahay, amaanna waad kala kulmi kuwa kula fikirka ah balse waxaad is waydiisa qofkan ama dadkan ilaahaagu kuu dirayo kuna farayo inaad layso isagu ma layn kari waayey?.
Si aad xaqiiqada u gaadho waa in aad wax is waydiisaa, waa in aanad marnaba ka daalin inaad wax walba waydiin ka keento garashada iyo damiirkuna ay ku hagaan, waa in aanad wax walba iska qaadan taasoo keliya ayaadna ku gaadhi karta tubta toosaan