CASRIGA KELI-TALISKA IYO MIDIGTA FOG & SAANSAANTA DIB U DHALASHADA MIDIGTA FOG EE CAALAMKA. (Qaybtii 1aad))
Maxamed Xasan
-10/6/2021
Hordhac
Ugu horeyn xagjirnimada bulsheed ee ku aadan ku dhaqanka maba’diida iyo caqliyadaha ay aaminsantahay bulsho, waa ay ku kala duwanyihiim ummaduhu, hadba ummadii fikirka iyo aaminaadda ay haysato ama ay aaminsanyihiin ayay ku jaan-gooyaan nolosha guud ee ay ku suganyihiin. Oo waxaa jira bulsho ku ada- dag oo aaminsan in dhaxalka diimeed, af, dhaqan, fikir, iyo waddaniyadda qoomiyadnimo ay yihiin qiyamka iyo qiimaha ay tahay in ay ku dhaatan si ay jiraalkooda ummadeed uu ilaaliyaan, oo badana ummaddaasi waa ummad xir-xiran sida ummaddeenan soomaaliyeed. Dhanka kale waxaa jira ummado aaminsan in isbeddelka iyo suulinta dhaxalka iyo dhaqamadoodii hore uu yahay waddo uu taabo-xaadhaysa aayaha horumarka iyo casriga ee ay doonayaan, oo waxay badana aaminsanyihiin in isdhexgalka dhaqamada iyo afkaarta ummaduhu uu ka qayb qaadanayo horumarka aadamaha ee marba marka ka dambeysa waddada uu jeexaya ka aaradnaanta qiyamka iyo ruuxda rabbaaniga ah.
Xagjirnimada bulsheed waa qaybo badantahay, xaqiiqdiina waxaa laga soo waarida falcelinta iyo hummaagga ay ummadii uga falceliso xaaladaha nololeed ee la soo gudboonaada. Dhanka kale aydaloojiyadaha kala duwan ee ay ummaduhu aaminsanyihiin waxaa loo kala qaybiya midig, bidix iyo fikirka dhexdhexaadnimada ah.
Haddaba fikradaha kala ah midig iyo bidix waa miisaan caqliyadeed lagu qiyaaso habdhaqanada, go’aanada iyo falcelinta bulsheed ee ku aadan xaaladaha badan ee soo foodsaara nolosha guud ee bulshooyiinka oo dhan ; Ha noqdaan kuwo siyaasadeed, kuwo bulsho, kuwo diimeed , kuwo dhaqan, kuwo dhaqaale iyo kuwo la hal-maala oo xaalado bulsheed ahba. Inta la xasuusanyahay sooyaalka taariikhda aadamaha waxaa la ogsoonyahay in aadamuhu uu kala bixii jirey midig iyo bidix oo labaduba kala aaminsan laba aragti-bulsheed oo ay bulshooyiinka ummaduhu uu kala baxaan, oo inta la ogsoonyahay waxay asal ahaan labadan aragti soo ifbaxeen dabayaaqadii qarnigii 18aad, intii lagu gudo-jirey kacaankii faransiiska ee isbeddelka bulsheed lagu doonayay.
Haddaba maanta waxaynu sii gaar ah uga hadli doona sooyaalka iyo isbeddelada xaaladaha siyaasadeed ee ay la kulmeen siyaasadaha midigta fog ee caalamiga ah , sidoo kale waxaynu ka hadli doona dhalashooyinka taariikheed iyo kuwa casriga ah ee awoodaha keli-taliska ah ee ay tarmisay falsafadda siyaasadeed ee qoominimada asal-raaca ah ku saleysan ee falsafadda midigta/ fog (radical- right/far-right/right wing). Waxaa aynu sidoo kale isbar-bardhig ku sameyn doona kala duwanaashaha aragtiyaha qunyar socodka ah iyo kuwa xagjirka ah ee ay aaminsanyihiin ummadaha kala duwan ee adduunka (gaar ahaan yurubiyaanka).
Haddaba inago hordhacayna , waxaan doonaya inaad fahantaan intaan ku jirno mawduuceennan macnaha loola jeedo siyaasadda midigta/fog, kadib waxaynu falanqeyn doona isla markaana aynu dul-tagii doona asalkeedii, taariikhda ay soo martay, ujeeddooyinka siyaasadeed ee ay xambaarsantahay falsafaddaasi iyo ta ugu weyn ee ah saansaanta awoodeed ee laga filan karo qarnigan 21aad in ay yeeshaan awoodaha siyaasadda midigta fog aaminsan iyo suurtogalnimada ay ku dhalan karto kelitalis-wadareed caalami ah, oo adduunka ku sababa tartan asal- raac ah oo ay ummadaha caalamku ku tartaamaan. Haddaba marka aynu ka hadlayno siyaasadda midigta ama midigta fog waa nidaam fikreedyo ku dhisan aragtiyaha asal-raaca ah ee ay ummadd cayiman leedahay, isla markaana leh mabda’, dhaqan iyo qiyam jaan-go’an oo soo jireen ah. Aragtidanina waxay dhiirrigelisa oo ay xoojisaa waddaniyadda ummadaha, jecleysiga qoominimada, cunsuriyadda, awoodda ummadnimo, kala sarreynta dabaqadaha bulsho iyo isbalaarinta dhulleed ee ay ummadii ku taamto.
Sanadkii 2019kii Warar xog ogaal ah oo laga leeyahay mid kamida warbaahinaha yurub ayaa daboolka ka qaaday in kooxaha midigta fog ee Qaaradda yurub ay taageerayashooda iyo bulshooyiinka tageersana ku amreen in ay is-hubeeyaan isla markaana haystaan hubka sharciga ah iyo ka aan sharciga ahayn ee hubka culus ee riddooyinka ah, waxaanay ku sababeeyen arrinkan in ay tahay sabab macquul ah oo muujinaysa halganka iyo awoodeynta fikirka midigta fog ee xagjirka ah. Tanina waa mid kamida saansaanta awoodeed ee ay muujinayaan asxaabta midigta fog ee caalamku, waana tubta uu xaadheysa halganka ka dhanka ah qolyaha bidixda fog (far-left, Radical left).
1. Asalka siyaasadda midigta/fog iyo heererkii kala duwana ee ay soo martay
Asal ahaan siyaasadda midigta /fog waxay ka soo dhambaalmantay xilliyadii kacdoonkii faransiiska ee dabayaaqadii qarnigii 18aad, kadib Kacaankii Faransiiska ee 1789kii wuxuu abuuray isbeddel weyn oo xagga fikirka siyaasadeed ah isagoo caqabad ku noqday fikradaha aasaasiga ah ee taageeraya kala sarreynta bulshada iyo taliska xukunka boqornimo ama keligii talisnimo, wuxuuna abuuray qolyo cusub oo uu doodaya sinnaanta guud iyo xorriyadda. Muuqaalka dheer ee loollanka siyaasadeed ee bidix iyo midig ee casriga ah ayaa sidoo kale soo ifbaxay xilligan. Kadib kacdoonkii faransiiska, faransiisku wuxuu la kulmay kala jab siyaasadeed oo ku yimid barlamaankiisa oo uu kula baxay laba qaybood oo iskugu jira qolo aagga bidix ee barlamaanka fariisan jirtay oo ah dimuqraadiyiin, caalamiyiin (Globalist) iyo calmaaniyiin (Secularist) oo iyagu yeeshay summadda siyaasadda bidixda iyo Qolo kale oo asal-raac ah oo aagga midig ee barlamaanka fariisan jirtay oo ah qoommiyiin (nationalist), waddaniyiin, keli-talis uu xagliyaal iyo asal-raacyahano bulsheed (fundamental conservatism). Waxaa jiray dhaliilo badan oo ay soo jeediyeen aqoonyahanada taariikhda iyo falsafadda kuwaaso sii aad ah uga soo horjeeday xorriyadda iyo dimuqraadiyadda qarnigii 19aad dhalatay, sida Joseph de Maistre iyo Friedrich Nietzsche, waxay aad u dhaleeceeyeen Kacaankii Faransiiska, iyagoo tibaaxay in uu ahaa qorshe ay qolyo qarsoon oo yuhuud ihii ka dambeeyeen, oo xaqiiqatan waa xaqiiqo jirta in kacaanka faransiiska ay ka dambeeyen qolyaha qarsoodiga ah ee yuhuudda ku abtirsada.
Kuwii uu ololeeyey in lagu soo noqdo nidaamyadii boqortooyadnimada badhaxa- tiran (Oligarchical-monarchy) intii lagu jiray qarnigii 19aad waxay isku magacaabeen “ultra-monarchists” oo ah laan kamida aragtiyaha ay ku dhisantahay siyaasadda midigta fog, sido kale waxay qaateen aragtiyaha “mystic” iyo “providentialist” oo tibaaxaya in maamuulka guud ee noloshu uu yahay hawlo rabbaani ah oo ilaahay unkay, kana turjumaysa baahida aadamuhu uu qabo nolosha iyo dabeecadda guud ahaan. Kadib waqtiyadaas, qolyihii midigta fogi waxay bilaabeen in ay galaan halgan ka dhan ah bidixda fog oo uu aaminsanyihiin inay yihiin cadawga doonaya in ay qiimaha iyo qiyamka aadamaha suuliyaan. Ka soo horjeedka liddinimo ee ay midigtu uu muujisay bidixda waxay sababeen qalaalase caalami ah oo ay ka mid yihiin dagaaladii sokeeye ee ka dhex aloosamay qaaradaha ameerika iyo yurub, kuwaaso dhabada uu xaadhay labadii dagaal weyne adduunka iyo burburkii waayihii boqortooyanimada adduunka, taaso sababi doonta burbur ku iman doona cahdigii midigta fog ee caalamka.
Cadawtinimada ama ku liddinimada bidixda casriga ah ee ay midigtu uga soo horjeedday wuxuu ku salaysnaa aaminsanaanta ah in kala saraynta iyo xididnimada ama qoomiyadnimadu ay ka muhiimsan tahay sinnaanta iyo xorriyadda bulsheed ee bidixda, iyadoo labada dambe ay yihiin kuwo bani-aadamka uu sababaya inuu dhaafo xayndaabka aadamnimada taa liddigeedna uu noqdo xayawaan shahwaddiisa iyo yeermadiisa raacda.
Dooddo ka dhex dhacay faransiiska ka dib Kacaankii Balaashifada shuucigii ku qabsadeen ruushka sanaddi 1917kii, waxay sheegeen in midigta fog ee yurub ay noqon doonto liddiga cadaawe ee ugu weyn ee ay la kulmi doonaan balaashifada shuuciga ah ee isla markaana ah bidixda fog.
Tiro ka mid ah mufakiriinta dhinaca midigta fog ayaa si kastaba ha ahaatee sheegay in ay saameyn kala kulmeen qeexitaanada liddiga ah ee ka dhanka ah maarkisiyadda iyo xorriyadda sinaanta ee qeexitaanada hantiwadaagga iyadoo lagu saleynayo iskaashiga millatari ee kasoo horjeeda aragtiyaha kaaral markis ee dabaqadaha , ama waxaa uu Oswald Spengler ugu yeeray “hantiwadaagga dhiigga”, taas oo mararka qaarkood ay aqoonyahannadu ku tilmaamaan qaab ah “dib u eegistii qaldanayd ee hantiwadaagga (The false reform of socialism) “. Balse sida la ogsoonyahay asalka hantiwadaagga asal-raaca ihii waa mid ka yimid qolyaha midigta fog, oo qaar kamida aqoonyahanada iyo siyaasiyiinti midigta fog waxay uu arkaan in ay tahay falsafadd ka soo jeedda afkaarta midigta fog, oo waxaa kamida shaqsiyaadkaas, Charles Maurras, Benito Mussolini, Arthur Moeller Van den Bruck iyo Ernst Niekisch , Laakiin Mufakiriintaas ayaa aakhirkii ku kala jabay khadadkii waddaniyadeed ee ka soo horjeeday dhaqdhaqaaqyadii shuuciga aha ee asalka ahaa.
Karl Marx iyo Friedrich Engels oo ka hor imanaya aragtiyaha wadaniyiinta midigta fog ayaa yirri fikrad ah “ragga ama dabaqadaha shaqeeya ma laha waddan iyo xuquuq ay ku helaan dagganaansho.”, taas oo markii dambe ka careysisay kooxaha midigta fog ee ka dhisna jarmalka. Sababta ugu weyn ee jahwareerkaas xagga fikirka ah dhalisay waxaa lagu ogaan karaa cawaaqib xumadii ka dhalatay Dagaalkii Franco-Prussian ee 1870kii , kaas oo sida uu sheegayo taariikhyahankii reer Switzerland ee Philippe Burrin ku sheegay in dagaalkaasi uu gabi ahaanba dib u habeyn ku sameeyay muuqaalkii siyaasadeed ee Yurub ee xilligaas, isla markaana uu sababay faafidda fikirka shaqsiyad-diidka (Anti- individualistic) ah ee ku aadan midnimada qaranimo.
Waqti kadib waxaa aad uu sare kacay kala qaybsanaanta labada mad-hab ee midig iyo bidix oo marka kadib geli doona halgan dheer oo midba midka kale ka dhan ah. Waqtigaas kadib waxaa dhashay fikradihii ugu xagjirsana midigta fog ,kuwaaso la kala oran jirey faashiyadda (Fascio) iyo naasiyaddii jarmalka (Nationalie zocialismus). Waxaana jira sidoo kale hogaamiyaal islaami ah oo aragtidan asal-raacnimada dhiirigelinaysa ee midigta fog aaminsana isla markaana ku dhaatay halgan dib uu soo celin ah. Waxaana kamid ahaa labadii hogaamiye ee islaamiga ahaa ee ruuxulaah khomeyniigii iiraanta islaamiga ah iyo osaama binu laden oo iyaguu ahaa islaamiyiin asal-raac ah oo midigta fog ah, waayo waxay ahaayeen dhaxal ilaaliyaal guntida uu xirtay in ay ilaaliyaan qiyamka iyo aragtida ay aaminsanayeen bulshooyinkoodu ee awoow ka awoow.
2. Taariikhda Midigta fog iyo kacdoonkii midig ee caalamiga ahaa. :-
[ ] Kooxaha Midigta Fog ee Qaaradda Ameerika :
• BRAZIL :- Intii lagu gudo jirey dagaalkii labaad ee adduunka, naasiyiintii jarmalku waxay sameyn jireen oo ay faafin jireen borobagaandooyin iyo been abuuro ku wajahan dhaladka iyo isirka aariga jarmalka ah ee ku noola brazil iyagoo marka uga gonlaha inay fikirka iyo aragtida naasiyadda ku dhex faafiyaan dadyowgaas asal ahaan ah ka soo jeeda jarmalka. Taliskii Naasiyiintu wuxuu xilligaas xiriir dhow la dhisay dalka Brazil isagoo u maraya qiyaastii 100 kun oo Jarmal asal ah oo ku dhashay jarmalka iyo 1 milyan oo isir ahaan Jarmal ah oo ku noolaa Brazil waqtigaas. Sanaddii 1928kii, xaruntii reer Brazil ee Xisbiga Naziga ayaa laga aasaasay magaalada Timbó, Santa Catarina. Xaruntani waxay yeelatay oo ay gaadhay 2,822 xubnood oo siyaasiyiin iyo tageeraba iskugu jira, waxayna ahayd qaybta ama xarunta ugu weyn ee Xisbiga Naziga ee ka baxsan gudaha Jarmalka. Intii lagu guda jiray 1920-meeyadii iyo 1930-yadii, summado maxalli ah oo faashiisnimo diimeed ah ayaa ka soo ifbaxay gudaha brazil, kuwaas oo loo yaqaanay ” integralism ” ama intaqraaliyiintii brazil kuwaas oo iskugu jiray kacdoonyahano iyo urur ciidan ah oo aaminsanaa aragtida dagaaleeed ee ku dhufo oo ka dhaqaaq, waxaanay lahayeen darays ama shaati midab cagaaran leh oo darajooyiinkii naasigii jarmalku ku taxnaayeen. Ururkaas faashiga ihii wuxuu abuuray kacdoono iyo nooca mudaharaadyada ee jidadka sida aadka ah loo buuxiyo, sido kale waxay isla markaana abuureen hadaaqyo iyo hadalo ka dhan ah Maarkisiyaddii shuuciga ahayd iyo libraaliyaddii reer galbeed. Kadib jabkii Jarmalka ee Dagaalkii Labaad ee Adduunka, in badan oo ahaa dambiilayaal dagaal oo Naasi ah waxay u qaxeen Brazil waxayna ku dhex dhuunteen bulshooyinkii Jarmalka ahaa ama curuuqdii asalka jarmaliga lahayd ee Brazil. Waxaana kamid ahaa shaqsiyaadkii ama Kiiskii ugu caansanaa wuxuu ahaa Josef Mengele, oo ahaa dhakhtar ku caanbaxay “Malaa’igtii Dhimashada”, magacan oo loogu bixiyay falalkii aragagaxa lahaa ee uu ka geysan jiray xeradii urursiga ahayd ee Auschwitz ee yuhuuddi yurub lagu xareyn jiray. Josef Mengele wuxuu sameyn jiray tijaabooyin caafimaad oo naxdin leh, kuwaas oo uu ku sameyn jiray dadyowgii xerada ku jiray, isagoo marka ugu gonlaha inuu soo saaro cilmi-baarisyo caafimaad oo ay xilligaas naasiyiintu wadeen. Mengele oo sida aanu sheegnay baxsad ahaa, isagoo aan gaarin xeebaha bari ee brazil, wuxuu ku haftay deegan xeebedka Bertioga, oo ku taal xeebta gobolka São Paulo, isagoon weligiis la aqoonsan ama aan meydkiisi la aqoonsan ayuu dhintay. Waxaana waqtiyo badan la baadi goobayay isaga iyo dambiilayaal kale oo baxsad noqday markii naasigii jarmalku jabay. Fikirka Midigta fogii waa sal-balaartay, waxaana uu sii waday inuu ku faafo Brazil oo dhan, waxaana xusid mudan in xisbiyo midigta-fog ay jireen xilligan casriga ah oo ay ka mid yihiin xisbiga Patriota, Xisbiga Dib u Cusboonaysiinta Shaqaalaha Brazil, Xisbiga midigta Qaranka, xisbiga Isbahaysiga Cusbooneysiinta Qaranka iyo Xisbiga Liberal-ka. iyo sidoo kale waxaa aad uga soo ifbaxay brazil, kooxaha midigta fog ee burcadda iyo gangistarayaasha dilaayada ah, sida Taliskii waddaniyiinta ee ” El caudillo ” oo qaabilsana burcadnimada iyo boobka hantida shisheeyaha iyo waddamada kale. waana kooxo uu maraykanku ila haatan uu ku daray kooxaha halista ah ee qaarrada ameerika ka dhex shaqeeya. Wuxuuna bar- bardhigay kooxihii burcadda ahaa ee ay hogaamin jireen labadii mandooriyaaliste ee Pablo Escobar iyo Joaquin “El Chappo “. Muuqaal ahaan, maanta brazil waxaa talada dalka haya xisbiga midigta fog ee waddaniyiinta midowday ee ” Alliance for Brazil ”, kaaso oo uu hoggaamiyo madaxweynaha haatan ee brazil ee Jair Bolsonaro.
• MEXICO :- Xisbiga ugu weyn ee midigta-fog ah ee Mexico waa Ururka Isbahaysiga Qaranka (National Synarchist Union). Waxaa uu taariikh ahaan ahaa dhaqdhaqaaq Katooliga midig ah oo xagjirka ah. Xisbigan haddi siyaabihiisa ama astaamihiisa qaarkood marka la eego waxay la mid yihiin faashiistinimadii yurub iyo Falangism’ka oo ah aragti faashiste ah oo asal ahaan ka timid taliskii francisco franco ee spain. Xisbigani waxaa uu si adag uga soo horjeeday garabyada bidix iyo siyaasadaha calmaaniyiinta ee ay wadaan Xisbiyadii Kacaanka ahaa ee “Institutionale” iyo kuwii ka horreeyay ee xukumayay Mexico laga soo bilaabo 1929kii ilaa 2000kii iyo 2012kii ilaa laga soo gaarayey 2018kii.
• MARAYKANKA :- ” Midigta Xagjirka ah ”, Midigta Fog ”, ” ” Midigta Durugsan ” waa astaamaha iyo magacyada loo yaqaan ama loo adeegsado in lagu sharaxo “noocyada kooxeed ee xagjirka ah ee fikirka midigta-fog aaminsan ee maraykanka. Waana kooxo kacdoonyahano ah isla markaana ah qoomiyad-doon gooni goosad ah ”, kuwaas kala ah ururka katooliga fog, Ururka xagjirka ah ee Antifa, ururka Ku Klux Klan iyo kooxda ” Red Scares “. Kooxahani waxay wadaagaan fikradaha shirqoolka ah ee awoodda, waxay si weyn uga soo horjeedaan yuhuudda, waxay isla markaana diidaan dimuqraaddiyadda ku saleysan wadajirka iyagoo doorbidaya nidaamka taliska kooxeed ku dhisan ee oligarchy-ka dabiiciga ah ee mideeya dadka loo arko inay isku midab-yihiin ama cirqiga goonida ah ka soo jeeda, tusaale ahaan cirqiga foolkishka ama aariga jarmalka. Laga soo bilaabo 1870-yadii ilaa dabayaaqadii dambe ee qarnigii 19aad, kooxo badan oo u ololeeya cadaaladda Midigta xagjirka ah ayaa ka hawlgalay Koonfurta maraykanka, iyada oo ujeedadoodu ahayd abaabul ka dhan ah ama cabsi gelinta taageerayaasha Xisbiyada liberaaliga ah ama xisbiyada uu janjeera fikirka bidixda. Hogaamiyihii caanka ahaa ee xisbiga midigta ah ee ” KKK ” ee Dwight C. Stephenson wuxuu aaminsana oo uu ku andacooday in ay yuhuuddu maamusho hantida iyo lacagaha bangiyada taal ee ay shacabweynaha maraykanku leeyahay, waxaana uu sidoo kale ku andacooday in ay jeeb-weynta yuhuuddu ka dambeysay aloosankii iyo ololkii ka kacay dagaal-weynihii 1aad ee adduunka, waxaana uu sheegay in ay lahayeen qorshe ay ku doonayeen inay ku burburiyaan ilaha dhaqaale ee masiixiyiinta yurub iyo jiritaanka dawladda cusmaaniga ah ee islaamku dhistay lix qarni ka hor. Sidoo kale Stephenson wuxuu aaminsana aragtida shirqoolleed ee sheegaysay in yuhuuddu ay ka dambeysay aloosankii kacaankii balaashifadii shuuciga ahayd, aragtidan oo magaceeda la yiraa ” Jewish Bolshevism ”, oo wuxuu Dwight Stephenson ku andacoonaya in markii uu bilaabmayay kacdoonkaasii la maqlayay borobagaandooyiin lagu dhex faafinayay saxaafadaha reer-galbeed, kuwaaso soo tebinayay in yuhuuddi zionismka ahayd ay abaabuleen kacdoon wata fikirka shuuciyadda iyo markiisiyadda alle-koodka ah. Waqtiyo badan Stephenson wuxuu ku dadaalay in uu fashiliyo shirqoolada iyo xogaha yuhuudda, isagoo rajadiisaas tixraacaya wuxuu guntida uu xirtay daabicidda waraaqihii iyo dukumentiyadii ka hadlayey ” Borotookolladii Zionismka ” ee ay ku qorneyd qorshihii yuhuudeed ee Qabsashada awoodda caalamka. Waxaana uu dwight uu halgamey si uu shaki iyo qal-qal geliyo bulshooyinkii masiixiga ahaa ee reer galbeed. Intii lagu gudo jiray ” Murugadii Dhaqaale ee weyneyd ee adduunka ama ” World Great Depression ” waxaa jiray tiro aad u tiro yar oo ka mid ah kooxaha yar yar ee Asal-raaca ah, kuwaas oo fikradahooda iyo saldhigyadooda taageerada ay la mid ahaayeen kuwii asal-raacyada hore ahaa. Si kastaba ha noqotee, dhaqdhaqaaqyo lagu magacaabo ‘proto-fascist’ ayaa soo ifbaxay, waxaana kamid ahaa ururka” Huey Long’s Share Our Wealth ” iyo Charles Coughlin’s National Union for Social Justice ”, kuwaas oo ka duwan kooxaha kale ee garabka midig iyagoo kuwani marka weeraraya ganacsiyada waaweyn, isla markaana ku baaqaya dib u habeyn dhaqaale iyo diidmada soo galootiga iyo xaq-siinta dhaladka cad-cad ah. Ururka Coughlin ayaa markii dambe la soo baxay fikrad cunsurinimo oo argagax ku abuurtay dadyowga cirqaha kale ah ee maraykanka xilligaas ku noola, waxaanay la amakaageen xasuuqa ay geysanayaan kooxaha cad-cadka ah ee midigta fog. Intii lagu gudajiray Dagaalkii Qaboobaa, ” Red Scares ” oo ah kooxdii ugu tunka weyneyd ee axsaabta midigta fog ayaa waxay arkoodeen ama arkeen jaajuusiin iyo shuuciyiin saameyn ku yeelanaya nidaamkii dowladda maraykanka ee xilligaas iyo sidoo kale warbaahinta iyo madadaalada maraykanka, in kasta oo labada xisbi ee maraykanku (jamhuuriga iyo dimuqraadiga) ka soo horjeedeen shuuciyadda ku soo socotay Mareykanka, haddana waxay ahayd dagaal kaliya oo uu dhaxeeyay xisbiyada midigta iyo xisbiyada shuuciga ah ee caalamka kuwaas oo ah bidixda- fog, inta badan waxay uu la dagaallameen dagaal weyn oo xagga fikirka ah oo ka dhan ah shuuciyaddaas adduunka ku faafeysay.
[ ] Kooxaha Midigta-Fog ee Qaaradda Eeshiya.
• JABBAAN :- Sannadkii 1996-kii, Wakaaladda Bilayska Qaranka Jabbaan ayaa ku qiyaastay inay jiraan in ka badan 1,000 kooxood oo xagjirka ah oo garabka midig ee Japan ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin qiyaastii 100,000 oo xubnood wadar ahaan. Kooxahan waxaa Jabbaan looga yaqaana ” Uyoku dantai “. In kasta oo ay jiraan kala duwanaansho siyaasadeed oo udhaxeeya kooxahan, haddana guud ahaan waxay wataan falsafadda ah bidix-nacaybka, cadaawad uu muujinta siyaasadaha bidix ee Shiinaha, Waqooyiga Kuuriya iyo Kuuriyada Koonfureed. Sidoo kale waxay ay buunbuuniyaan oo ay qiil uu sameeyaan riddooyinkii nukliyeerka ee magaalooyinkii jabbaan ee hiroshima iyo nagazaki lagu qarxiyey iyo doorkii halyeeynimada ahaa ee ay jabbaan ku lahayd Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Kooxaha Uyoku dantai ayaa caan ku ahaa gawaaridoodii borobagaandada faafin jirtey, taas oo lagu rakibi jiray sameecado aad uu waaweyn iyagoo magaalooyinka jabbaan kula wareegii jirey hadalada dacaayadaha ah, isla markaana si weyn loogu calaamadeeyay magaca kooxda iyo halku dhigyo qurxoon oo dacaayad ah. Gawaaridan waxaa laga daari jirey heesaha waddaniga ah iyo kuwa gubaabada xilliyadii dagaalka. Dhaqdhaqaaqayaasha ku xiran kooxaha noocaas ah waxay isticmaali jireen bambooyinkii ruushka ee Molotov iyo bambooyinka waqtiga ku shaqeeya, waxaanay ku qaraaci jireen gawaarida iyo xarumaha ay calaamadsadaan sii ay uu cabsi geliyaan siyaasiyiinta qunyar socodka ah iyo dadyoowga caanka ah, oo ay kujiraan wasiir kuxigeenkii hore ee arrimaha dibadda ee jabbaan Hitoshi Tanaka iyo guddoomiyihii xisbiga liberaalka bidixda ahaa ee Fuji Xerox Yotaro Kobayashi. Sida la sheegay Nin hore uga tirsanaan jiray kooxaha garabka midigta-fog ee jabbaan ayaa dab qabad siiyay guriga siyaasigii ugu weyna ee hogaamin jirey xisbiga ” Liberal Democratic Party ” ee Koichi Kato. Koichi Kato iyo Yotaro Kobayashi ayaa dhiilo ka muujiyay xaaladda siyaasadeed ee uu dhaxeysa kooxaha garabka-midigta fog iyo kooxaha xag-jirka ah ee bidixda-fog. Waxaanay walaac ka muujiyeen argagaxisnimada ay wadaan wadaaddada asal-raaca ah ee jabbaan kuwaaso lagu tiriyo inay yihiin hogaamiyaasha diimeed ee kooxaha midigta fog. Xisbiga midigta fog ee Nippon Kaigi waxaa loo arkaa inuu yahay “ururka ugu weyn ee garabka midigta fog ee Japan.”
La soco qaybta dambe ee aynu kaga hadli doono sooyaalka midigta fog ee afrika, yurub iyo Aydaloojiyadaha ay ku dhisantahay siyaasadda Midigta-Fogii, iyo sidoo kale waxaynu ka hadli doona saansaanta awoodeed ee casrigan yeelan doonaan kooxaha midigta fog ee caalamiga ah.
DHAMMAADKA QAYBTA 1AAD.