ARAGTIYAHA SUGAN ( Falsafad, Murti, Xikmad iyo Aragti )
Maxamed Xasan (Beer-Dilaacshe)
-11/19/2021
ARAGTIYAHA SUGAN ( Falsafad, Murti, Xikmad iyo Aragti )
- Halkaan waxaan ku soo gudbinaya in kamida oraahyadayda falsfadeed iyo xigmadeed ee aan ka yirii nolosha iyo jiraalka.
-
” Ma wada isticmaali karno xeeladeheena awoodeed idilkood, oo waxaa aan dareemaya in aanu ahayn halbeeggi ugu mudna.
-
” Waxaan ahay mayal adke xagjirnimo uu dheertahay, mabda’iisa islaamnimona ku hadafta, kuna ad-adag himilada iyo kacaanka aayeed ee umaddiisu rajeynayso. "
-
" Marka maskax ahaan uu aadamuhu jawaab macquul ah uu heli waayo waayaha iyo mas’aalooyinka cajiibka ah, wuxuu sii indho la’aan ah uu bilaaba xaqiiqsashada male’awaal laga soo min-guuriyay mawduucyada aragti-khiyaaliga ah. "
-
" Aayaha waxaa hanta miigganaha kuwa og tagtadoodii, gedgedoonka waayaha iyo isbeddelka sooyaalka aadamaha. "
-
" Noloshu marna ma fududaan doonto kumana raalli-gelin doonto, balse qiyaastaada dhabar-adeyg ayaa hakin doonta ama burburin doonta deyr walba oo adag oo ay noloshu kula timaaddo. "
-
" Dulmanuhuu marwalba waxaa uu leeyahay saaxiib aanu marnaba ilaawi doonin, hogaankiisa daacadyahankaana uu yaqaan, waana indheergaradka garaadka iyo daacadda la jaalka ah. "
-
" Daalimku waa xariif xaqsoore ah marka wajiga warbaahinta la joogo, balse dareenka indhaha shacabkiisa waa uu halaag iyo xumaanti. "
-
" Duruuftu waa macallinka dahsoon ee ay aadamaha badankiisu mooganyihiin. "
-
" Xuduudda shaqsiyadeed ee aad qiyamka iyo dadnimada adag ku dhista, waxay dar-dargelin doonaan derbi adag oo aan lagu soo dhaafi doonin. "
-
" Xaqiiqadu waa qadhaadh, ee islaamow dhibbene iyo dib-u dhac ma istaahilno. "
-
" Keli-talisnimada ka dhanka ah cadawgaaga gudeed waa awoodda muujinta siyaasadda xooggan ee aad dareensiinayso kun waraabe oo col kula ah oo dibedda jooga. "
-
" Keli-talisku waa dhismaha awoodda siyaasadeed ee ugu mudan ee ummad lagu hogaamiyo, taa liddigeedna waa awood-burburiyaha xooggan ee dhismaha awoodda dawladeed soo gaba-gabeeya, dulmi dartii. "
-
" Marnaba kama gabbanayno sheegista xaqqa iyo xaqiiqada ku gedaaman waayaha aynu hadba joogno."
-
" Maaddiyaddu waxay marwalba inugu dhiirigelisa koboca walaxeed ee aadamuhu janto marba marka dambeysa, waxayna inaga aaraadaneysa akhlaaqda ruuxiga ah ee aadamuhu wax ku yahay. "
-
" Xorriyaddu waa halgan uu baahan hanasho aan ka soo noqod lahayn, hareertana aanay ka xigin jilcanaan iyo naxariisi. "
-
" Qalbigaygu waa uu mayal adagyahay marka gollaha qaramada la joogo, balse waa aabbenimo marka indhaha shacabkayga hortaaganahay. "
-
" Dadku waxa aanay dhaadanayn in buug kaliya loo maro ogaanshaha xaqiiqada iyo jiraalka dhabta ah ee nolosha. (waa qur’aanke). "
-
" Waddaniyaddu waa in aynaan ku jeesjeesin xaqqa dalka, xaqqa ummadda iyo dhammaan muqadasaadka ummaddaada soo jireenka uu ahaa."
-
" Waxa aan bartey qiimaha ciidankayga iyo qiyamka ummadeyda, sidaa awgeed waan uu dhabar-jeedinaya oo aan kaga takhalusaya kuwa aan lahayn ama aan garaneyn waddaniyadda. "
-
" Dhaliisha oo dhan uu dhaga-furo, se murtidaada ku gaarka ah iyo ajandahaaga oo dhan yaanay kala kicin oo aanay dib-udhac ku sababin. "
-
" Haddi aynuu gacaltooyo uu muujino haweenka, waxaa ay ina siin doonaan raaxo iyo naxariis kalsami leh oo ruuxda nooli ku dagto, see haddi aynuu cadawtinimo uu muujino waxaa ay ina barri doonaan cashar ka mida casharada wax lagu qaateenka ah, oo xaqiiqdii qiimaha nolosheenu waa haweenka. "
-
"Indhoolnimada ugu cajabsan ee ina rag soo food-saarta waa jacaylka bila xuduudda ah ee indha-daraan-dariga ah ee ina ragg ugu gacaltoomo haweenka ama gabdhaha. "
-
" Dagaalka ugu xun ee aad masiirkaaga nololeed gasha waa ka aad la gashid awoodda ka xaqqa iyo miisanka culus ee aad la hirdanto."
-
"Haddi aad tahay nin dhaba oo raganimo leh, ha uu oggolaan in ay haweeney agtaada ku oydo, oo ay uu heelanaantaada weydo. "
-
" Dhab ka-hadal noqo weligaa, waayo dhab-sheegnimadu waa ay kaa raad toogasho culustahay nifaaqa iyo been-abuurka samayska ah."
-
" Wakhtiga iyo waayuuhu waxay xaqiiqdii ka dhigi doonaan halyeeyga dhabta ah, ee laga haybsan doono. "
-
" Halyeeyadnimadu waa aragtida ruuxeed ee dhalisa himilada iyo aayaha dhabta ah. waxayna abuuraan shaqsiyad dhacdooyinka iyo waqtiyada adag rajo uu leh, oo ay taariikhdu aysan ka hor imaanaynin marnaba. "
-
" Xaqiiqdi, himiladu waxay iga dhigaysa halyeey. "
-
" Halyeeyadu way sii jirri doonaan mustaqbalka, maxaa yeelay waxay sunteeyeen dhacdooyin dhacay waaggo fog. "
-
" Hummaagga iyo ismoodsiis-ku waxaa ay inaga dhigaan qaar uu jeelaan aayohooga iyo qaayibka qurxoon ee ay taswiiranayaan, balse taa liddigeed waxay ina ilawsiyaan dharaarihii iyo maalmihii xasuusta saameynta leh inagu lahaa. "
-
" Waxaynu noqon doona kuwa yaqiin leh oo sharaf iyo cisi ku naaloon doona if iyo aakhiro, ama waxaynu noqon kuwa la dulaysto, lagu tagri-falo, isla markaana lagu jees-jeeso, kadib markaan ilaahay cisadiisa ka leexano, oo ay mooganaani inagu habsato. "
-
" Anigu, adigu, idinku, iyagu iyo dhamaantoyo waxaanu uu dhalanay waa inaan cisadeena iyo sharafka islaamnimadeena aanu uu dagaalano ilaa iyo inta seefta ugu dambeysa ku islaaminayno ruuxaha moogan xaqqa iyo jiritaanka ilaahay. "
-
" Waxaynu taaganahay ammintii aynu dib-udhalasho rasmi ah keeni lahayn, maaha waqtigii aanu quusan lahayn, waxaanan balan ku gali doonaa inaanu geeriyoon doono ama noolaan doono inagoo cisiga iyo sharafka islaamka ku suntaysan "
-
" Waxaan bartay sinaba inaanay jirrin awood ka hor-istaagi doonta fulinta dagaalada iyo hurinta mawqifyo argagax leh oo ku habsada siyaasadaha cadawga soo jireenka ah, ee ay biyo kama dhibcaanka tahay inaad dagaal ku muquunisa. "
-
" Markaynu dareen ahaan iyo garaad ahaan adagnahay, way adagtay in leyna jebiya, oo daan-daansiga waa inaga xaaraan. "
-
" Hogaamiyaha kasbada rabitaanka iyo awoodda dhalinta ummadaha, ayaa ah hogaamiyaha aayaha dambe ee ummadi ku hamido, isla markaana uu horseeda horumarka iyo casriga awoodda."
-
" Xaqiiqadu waa mid aan muducigeedu ku dhagri doonin, balse ku dareen gelin doonta. "
-
" Ii ogoloow inaan idin yiraahdo bambo gacmihiina ku qabta oo ku haya, isla markaana ku beera quursi aan dhammaad lahayn qalbiyadiina oo dhan, waayo anigu ma qadariyo nafaha doqmaha ah, ereygayguna waa dagaal iyo halganka xaqqa ah. "
-
" The oppressed peoples can liberate themselves only through struggle. This is a simple and clear truth confirmed by history. ” (Englishized)
-
” Shucuubta la dulmay waxay ku xoreyn karaan nafahooda, kaliya iyaga oo uu maraya waddada halganka, Tani waa run fudud oo cad oo ay taariikhda iyo sooyaalku xaqiijiyeen. "
-
" Dadku waa sayidkii hirgalay ee kacaanada dal walba. Waxay la halgami doonaan hoggaamiyeyaasha burgaasiga ah, intaas ka dibna waxay la imaan doonaan hoggaamiyaha wax dhisaya ee waddaniga ah. "
-
" The people are the masters of the revolution in every country. They will fight against the bourgeois leaders, and then they will come up with the patriotic constructive leader.
-
”Dhimashadu waa go’aanka ugu xasaasiyaysan ee xalka uu noqda nacasnimada liida ninka ragga ah, haddi dilku yimaado, ugu dambeyntii kadaba hadal ma jirri doono. "
-
" Marnaba nolol haw uu ogolaan, ninka aanan uu halgamaynin noloshiisa iyo jiritaankiisaba, runtiina geesiyaasha hurimaha dagaalka jooga, waxay leeyihiin amaanta ugu mudan ee aadamaha lagu xurmeeyo. "
-
" Dagaalku waa hanka iyo mabda’a go’an ee geesiga dhaadashada leh iyo indheer-garadka aanay marnaba waayuhu curyaamin. "
-
" Sii walba oo aad uu burburtid, uu jabto, uu liicdo, uu dhibtootid oo ay waayuhuna ku garab-jabiyana, marnaba kumay waajibin inaad quusata, quusta iyo niyad-jabkuna waa xeerarka doqmaha iyo kuwa aan ragga ahayn. "
-
" Mayalku waa shaqsiyadda barkeed, haddi la waayana, waa waayitaanka damaca xaqqa iyo xinniyaha ku dhisan. "
-
" Noloshu marna ma qadarinayso ka daciifka ah, ee aan halganka iyo adayga nololeed diyaarka uu ahayn, sii walbana halganku waa tubta isbedelka miisaaman ee mar la arkayga ah. “
-
In aad la qabsato, la jaan qaado casrigan, waxay kaga bahantahay, inaad damiir la’adahay inaad dareen adag leedahay, inaad tahay qof akhlaaq ahaan liita "
-
" Dambiile waa noqon karta, balse waxay ku xirantahay, isla markaana aad khamaari karta, markaad sii is-xigxigta uu fuliso ajandayashada ah, dilka, dhaca iyo garbaduubka qadhaadh. "
-
" Shakhsiyadda xoogani Waxay Hanaqaadda Himilada Iyo Hiigsigaad Uu Hamiyeyso Waxaana Ku Dheehan Kalsooni Iyo Feejignaan Xaad Dhaaf Ah. "
-
" Xaaladda jirta hadda waa khalad yar in la yiraahdo waan necbahay wax walba. Waxaan si xoogan ugu qanacsanahay dareenka wadajirka, daacadnimada guud iyo aaminaadda guud. Tani waxay iga dhigaysaa inaan weligay u qalmin saraynta kibirka Ah ama kali-talisnimada laga helo urur, dawlad, maamul . Laakiin dib uma shaacin Doono ajandahaygaas, waayo anigu waxaan mowduucayga ku yahay xoogaa oo keliya. "
-
" Waxaan ku nool nahay waqti marka dhexdhexaadiyaha loola dhaqmo si ka xun sidii xag-jirnimada, iyadoo la ciqaabay sidii inay yihiin kuwa ka xagliisan kuwa dhabta ah."
-
" Waxaan rumeysanahay in marka nin uu sameynaayo xagjirnimo, uu bini aadamku sameynaayo xagjirnimo, difaaca xorriyadda aadanaha, ma aha wax ku xigeen ah. Oo markuu mid dhexdhexaad u noqdo raadinta caddaaladda ee aadanaha, waxaan dhahayaa waa dambiile. "
-
" Bilawga xigmad raadintu, waa barashada qiimiga nafta, iyo yeelashada mab’da shakhsiyeed, taasna waa mid ka dhigi karta xigmad yaqaan. "
-
" Wakhtigu waa boqorka ugu weyn ee uu aadamuhu haysto, haddi uu aadamuhu dafiro la jirka wakhtigana, waxaa uu dhaxli doona dullinimo iyo saboolnimo. "
-
" Way adkaan karta inaad maba’diida xoriyadeed waafijiso umad dhan oo dhamays ah, balse run ahaantii cida ay ka go’i karta ee kaliya waa indhaha indheer-garadka iyo hogaamiyaha aayo ka taliga ah. "
-
" Af gembigu waa amminta uu muujismo awoodda dhabta ah ee hogaamiyuhu leeyahay, oo waxaa muuqan doonta dhacdadaas maxsuulkeedi oo san ama xun. "
-
" Guushu waxa ay raadaysa oo ay qumman dhigta waddo walba oo hore si aan ka fiirsasho lahayn loo maray, halka guuldaraduna curyaamiso saadaal-qorsheed walba oo iftiimayay oo lagu libin heli lahaa. "
-
" In dareen ahaan layga dareemo jacayl iyo shakhsiyad caadi ah waxaan ka doorbidaya in layga dareemo mayal adkaan iyo shakhsiyad aan jexin-jexin oo adag. "
-
" Dagaalyahanimadu waa lama huraan, haddi ay jiraan arrimo kugu qasbeya fulinta dagaalka,
waana xagjirnimo inaad dagaalanta sabab la’aan. " -
" Waxa kaliya ee aan aaminsanahay waa in aanay jirin go’aan geesinimo leh oo aakhirkii la muquuniyay. "
-
" Go’aanka raganimo ee xinniyaha dhabta ah ka soo fulma gebi ahaanba lama bar-bardhigi karo go’aanka aan weligii xinniyaha ka soo fulmin. "
-
" Aadamuhu fidrad ahaan waa jaahil marka loo eegaayo dabciyadiisa iyo anshaxiisa, waana ogaalyahan marka loo eegaayo isbedelka iyo isged-gedigiisa waayaha. "
-
" Dhab ahaantii waxaan ku sheegi doona xikmad horta aanan sheegin, waxaanan xaqiiqdi ku leeyahay ha noqon feylasuufka farshaxaniistaha ah, ee raadiya humaaggyada dabeecadaa iyo heemaalka haweenka.
Balse noqo feylasuufka dhiirran ee xaqiiqada iyo runta ka murtiyooba. -
” Dhammaan Aqoonta aynu ku salayno nolosha waaqica ah, isla markaana aynu kala dhaxalna waa bilaw aan dhamays ahayn, balse waa hantideena ugu qaalisan ee aynu haysano. "
-
" Maaddi ahaan, dembiga ugu weyn, uguna saameynta badan ee aadame geli karo , waa inaanu wax-akhrin, akhriskuna waa tubta hanuunka iyo himileynta aadamaha. "
-
" Kacdoon kasta oo weyn, oo dunida ka dhacay waligii muu ahayn khalad dadka rayidka ah ka yimid , balse waxaa iska lahaa damiirlawayaasha dowladdaha ah. Xaqiiqdiina kacdoonku waa bedelaha waaqica iyo muujiyaha aayaha iftiinka leh. "
-
" Waxaan dareemayaa aaminsanaantayda ah fulinta kacdoonka aayaha ee huraynta ah iyo halganka sii xoogaysanaya, Run ahaantiina waa dembi damiiri ah, haddi uu ninku ka aamin-baxo danta guud isago fikir ahaan qaadanaya raaxaysiga maaddiga ah iyo danaynta gaarka ah, xaqiiqdiina Kacdoonkuna waa aabaha isbeddelka ummadeed.
-
” Haddii aan jaleecno kacdoonadii ugu muhiimsanaa ee taariikhda aadamaha dhacay, waxaan mar qura arkii karna in tiradi kacdoon ee ugu badna ee ay ka soo maaxdeen kacdoonnada xilliyada qaarkood ee maskaxda aadanaha ka dhex dhaca."
-
" In kasta oo nidaamku joogsan karo, jiritaanka macnaha sharcigu ama qaab dhismeedka awoodda, qiyamkiisa (ama qaddiyadaha ka soo horjeedka ah), falsafadiisa, waxbarashadiisu way inagu sii jirri doonta. Oo waxay xukumi doonta fekerkeenna, dhaqankeenna, iyo sida aan ula dhaqanno xeeladaha dhagareed. Xaaladda guud ayaa ah mid caawinaysa siyaasiyiinta dantood-garadka ah ee inaga soo horjeeda: xaqiiqdiina waxaanu ridna nidaamka awoodeed laakiin wali waxaan wadnaa hidde-sidaha nidaamyada ee ah ereyga ’ kacdoon ’ “
DHAMMAAD.
Waxaa Qoray :- Maxamed Xasan (Beer-Dilaacshe)
Taariikhda la baahiyay :- 1dii Maarso, 2021.