Afka Soomaaliga (MAAYGA)
Cabdiraxmaan Caqiil
-2/22/2022
Afka Soomaaliga (MAAYGA )
Afku: waa hadal ay ku dhawaaqaan dadka si ay isu fahmaan ama u xiriiraan.
Culimada ku xeeldheer cilmiga afafka waxay koox koox isu eg isugu baheeyeen
afafka adduun weynaha lagaga hadlo, qoyaastii waxaa jira ku dhawaad toddobo
kun (7000) oo af dunida lagaga hadlo.
Afka Soomaaliga wuxuu ku jiraa bahda Afro-asiyatik, wuxuuna kasii yahay bahda Kushitik.
Taariikh ahaan waxaa la sheegaa in bulshada soomaaliyeed ee deggan geeska Afrika ay ku hadli jireen Afsoomaaliga waqti aad u fog.
Afsoomaaligu waxa uu leeyahay tix iyo tiraab,suugaan, gabayo, iyo maahmaahyo.
Sanadkii 1972 dii ayaa si rasmi ah loogu guuleystay qorista far Soomaaliga, taasi waxay sahashay in loo adeegsado xafiisyaddii dowladda, saxaafadda gaar ahaan wargeysyada, iyo goobaha ganacsiga.
Goobihii waxbarashada ee dalka ayaa lagu guuleystay in lagu dhigo farta
Soomaaliga,
Manhajka waxbarashada dhammaan heerarka kala duwan ee dugsiyada waxaa loo
badalay afka Soomaaliga, taasi waxay sahashay in lasoo saaro arday aqoon iyo
karti ku filan leh.
Waxaa la dhisay hay’ado ka shaqeeya cilmi baarista af-soomaaliga, waxaa si weyn u hirgalay eraybixinno ay sameeyeen aqoonyahankii joogay xilligaasi, waxaa markiiba hanaqaaday qoraallo iyo buugaag lagu qoray afka Soomaaliga.
Waxaa dalka ka bilowday ololihii reer miyiga lagu barayay farta Soomaaliga, waxaa kordhay tirada dadka wax akhrin karta ama wax qori karta.
Afka maayga waxaa uu qayb ka yahay afafka looga hadlo geeska Afrika, qaar kamid ah bulshada soomaaliyeed ayaa ku hadla afka Maayga.
Sooyaal ahaan Afka Maayga waxaa la sheegaa in lagu hadli jiray qarniyo ka hor, Taariikhyahannada qaar ayaa sheega in Af-maaygu yahay afkii hore ee soomaalidu ku hadli jirtay.
Goobaha looga hadlo afka waxaa kamid ah koonfurta dalka soomaaliya, gaar ahaan gobolladii la isku oran jiray Alta Jubba iyo Bassa Jubba oo maanta loo bixiyay Jubaland iyo K.galbeed , gobolka NFD, dhulka soomaali galbeed, iyo qaybo kamid ah geeska Afrika.
Prof Maxamed xaaji Mukhtar oo taariikhda ka dhiga jaamacadda savan State university ee dalka maraykanka wuxuu qabaa in soomaalidu ay ku hadasho laba luuqadood Oo kala ah Maay, iyo Maxaa, luwaas oo hoos yimaada dhowr iyo toban lahjadood oo kala duwan.
Prof cabdalla Cumar mansuur oo qoray qaamuuska weyn ee afka soomaaliga(Maxaa) ayaa qaba in soomaalidu hal af ay Wada leedahay, oo ay jiraan lahjado kala duwan.
Dr xuseen kadare(AUN) oo kamid ahaa dadkii qorayay farta Soomaaliga waxaa uu sheegay in Maayga uu kaalin mug leh ka qaatay Eray bixinta af-soomaaliga.
Afka maayga waxaa uu lafdhabar u ahaa eraybixinnadii la sameeyay intii la qorayay manhajka waxbarashada dalka, xeeldheerayaasha Af-Soomaaliga waxay qireen in Af-maayga kaalin aan yarayn ka qaatay Eraybixinta Afka Soomaaliga.
Dhinaca barashada Qur’aanka kariimka iyo afka carabiga culimada soomaaliyeed waxay adeegsadeen Higaadda la soomaaliyeeyay, waa Alif la kor-dhabay, Alif la hoos-dhabay-Alif la- goday.
Taasi waxay muujinaysaa in afka maayga uu door muuqda ku leeyahay waxbarashada soomaaliya.
Dhinaca qorista farta Maayga, waxaa jira dadaallo badan oo la sameeyay si loo
hirgeliyo farta Maayga.
Waxaa jira buugaag badan oo laga qoray afka Maayga, waxaa soo badanaya dadka
wax ku qora Maayga, waxaa la soo saaray dhowr Qaamuus.
Bulshada soomaaliyeed sanadahan dambe waxay sameeyeen isdhexgal wanaagsan, waxaa soo badanaya dadka barta Afka maayga, waxaa la helay dugsiyo lagu barto Maayga, sanadaha soo socda waxaan rajaynayaa in Afka Maayga lagu soo daro manhajka waxbarashada dalka, islamarkaana lagu dhigo guud ahaan dhulka soomaaliu ay degto.
Af Muslim iyo af gaal mid aan idinkugu imaado!
Kalmaadan waxay dad badan sheegaan in sayidku ku yiri dad ku hadlay afka soomaaliga (Maay) oo uu ku canaantay in af uu fahmi karo ay ku hadlaan.
Waligaa ma maqashay Taariikh gacan-kusamays ah?
Waxaad maqashay In islaan Carraweelo la oran jiray ragga dhulka ku la gali jirtay, dabcan waa sheeko xariirtii ciyaalka yaryar looga sheekayn jiray, sidoo kale waxaan filayaa inaad maqashay Dheg-dheer, intuba waa sheekooyin gacan ku samays ah.
Ka shakhsi ahaan waxaan muddo baaritaan ku waday, ilaa iyo haatanna aan ku
hayaa arrinta sayidka iyo sooyaalkiisa, Markaad u fiirsato buugga Taariikhda
sayidka ee uu qoray aw jaamac cumar ciise, buugga the mad mullah of Somaliland
oo uu qoray Douglas Jardine, iyo dhowr maqaal oo aan ka akhriyay Taariikhda
sayidka waxaa ii soo baxday in ay jirto taariikh badan oo la hal-abuuray.
Sidoo kale waxaa iisoo baxday in sayidka uusan tegin meel looga hadlo afka
Soomaaliga(maayga), balse kooxdii daraawiishta ay soo gaartay ilaa Beledweyne.
Ma jirto hooyo ka fiican hooyo kale
Marka la leeyahay afka hooyo waa afka ay kugu soo barbaarisay hooyo, oo aad ku
bartay qaabka loo hadlo, iyo qaabka dadka kale loo la xiriiro, mana aha ceeb
in la kala duwanaado af ahaan, oo waxay kamid tahay aayadaha Allaah.
ومن آياته خلق السماوات والأرض واختلاف السنتكم والوانكم
Waxaa kamid ah aayadaha Allaah in uu abuuray samooyinka iyo arlada, kala
duwanaanshah afafkiina, iyo midabyadiina.